MA HADLO WAANA HANTIILE!

Muddo haddeer laga joogo 20 sano ayey reerkiisu ka soo qaxeen waddanka Senegal iyaga oo gaaray dalka Talyaaniga si ay u helaan nolol dhaanta tii ay ku noolaayeen. Noloshii Talyaaniga ayuu la qabsan waayey weyna ku adkaatay. Waxaa loo diiday, jaamacad warkeedaba daaye, waxbarashada heerka hoose iyo tan dhexe.

Markii dunida uu ku faafay cudurkii safmareenka ahaa ee Covid19 ayuu shaqo la’aan noqday, isaga oo markii hore ahaa kabalyeeri [waiter] marna wuxuu ka shaqeyn jirey warshad ku taalla magaalada Chivasso ee woqooyiga Italy. Laakiin nasiib-darro, ugu dambeyn waa laga soo ceyriyey labadaba. Isugeyn lacagta bishii soo gali jirtey waxay aheyd kun Doollar.

Wuxuu markii dambe go’aansaday in uu dadka ka qosliyo. Akoonno ayuu ka furtay Tiktok iyo Instagram. Wuxuu sameyn jirey muuqaallo gaaggaaban oo maad ah, laakiin sheekada xiisaha leh waxay aheyd: sidee bey dadku ku barteen? Dadkii ugu horreeyey ee raaca ama follow-gareeya waxay ahaayeen 2 qof oo kaliya – waa aabbihiis iyo qof deriskiisa ah! Waxaa sidoo kale layaab aheyd in muddo bil gudeheed ah ay muuqaalladiisa ku daawadeen 9 qof oo kaliya. Ma uusan niyadjabin, kamana quusan in uu muuqaallo hor leh oo maad iyo qosol ah sameeyo.

Ma hadlo, laakiin luqad-jireedka uu adeegsado ayey dadku fahmaan aadna ugu qoslaan waana tan sababtay in malaayiin qof ay ku taxman oo muuqaalladiisa sii baahiyaan. Halkaas ayey ka billaabatay caannimadiisu. Dal kasta oo dunida ku yaal wuxuu ka helay taageerayaal aad u badan, marka la isu geeyana wuxuu Instagram iyo Tiktok ka helay taageerayaal kor u dhaafaya 216 milyan.

Hibadiisa ayuu hanti aad u badan ka sameeyey waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa  $1.3 milyan illaa $2.7 milyan sida ay daabacday warbaahinta Goal oo soo xiganeysa news.com.au. Qofka aan ka hadlayo waa Khabane Lame (Khaby) oo ah hal-abuure muddo kooban magaciisa uga gaday dunida. Khaby waa 22 jir Muslim ah oo ka soo jeeda dalka Senegal.

 

Tixraac

  • com (Who is Khaby Lame? TikTok influencer’s net worth & football collaborations)
  • Nas Daily (The Secret, Incredible, and Inspiring Story of Khaby)

 

Turjume: Ibraahin-Nolosha

SHEEKOOYIN