MA OGTAHAY IN AAD GUULAYSAN KARTO? W/Q:- Cabdiraxmaan Barre “Cadde Baari”

MA OGTAHAY IN AAD GUULAYSAN KARTO?

Afar sano kaddib kolkay dhalatay Wilma Rudolph waxaa ku soo boodday qandho aad u daran  si baaxad lehnna u dhexqaadday dhammaan xubnaha jirkeeda ugu danbaynna sababtay in qayb  dhan oo jirkeeda ka mid ahi jarayso ama ay shaqo gab noqoto, dhaqaatiirteeduna waxa ay qalinka ku duugeen  in ay lugaheeda ku kaabaan biro. Xaaladda Wilma Rudolph oo sidaa u cakiran ama u cilladan ayay maalin  maalmaha ka mid ah hooyadeed waydiisay su’aal sidaan u dhigan: Wilma maxaad ku riyoonaysaa ama aad hiigsanaysaa?  Waa maxay yoolkaagu? Si deg deg ah ayay ugu jawaabtay waxayna ku dhahday: “waxaan doonayaa inaan noqdo haweeneyda ugu oradka badan dunida!” Hooyadeed inta dhoosha ka qososhay  ayay ugu war celisay: “aaminsanaantaada iyo rabitaankaagaan ba waad ku  gaari kartaa halka aad hiigsanayso”.

Maalmuhu sida caadada u ahaydba  way xawaaro  dheereeyeen sacaadihii baa is macsalaameeyay maalmihiina waa isi sagootiyeen  bilihii waa is dhoofiyeen sannadihiina dhabarka ayay iska taabteen oo waa  is barabixiyeen, hadda Wilma Rudolph way kortay   waana kow iyo taban (11) jirsatay waxa ayna go’aansatay in ay socota ayada oo biro la’aan ah taasina waa u suuragashay ilaa ay dhaqaatiirtii go’aansadeen in ay  ay biraha ku rakiban ka saaran! Wilma Rudolph  da’da saddex iyo toban  kolkay gaadhay  qoyskeedu waxa  ay u guureen gobolka Tennessee ee waddanka Maraykanka, waxa ayna fursad u heshay in ay  ku biirto  iskuul lagu qaato tababarrada  jirka lagu dhiso  gaar ahaan oradka.

Wilma Rudolph hooyadeed waxay hor istaagtay tababarihi gabadheeda hammiga dheer lahayd waxayna ka codsatay in uu aqbalo gabadheeda tababarihiina aqbal iyo guddoon ayuu ku soo dhoweeya Wilma. Isla durbadiiba Tababarihii  ayaa su’aal la yimid, waa duni wada su’aalo ahe waxa uu warsaday  Wilma “sababta ay u dooratay  tartanka oraddada ayada oo aysan u dooran jir dhisyada kale?”  Waa su’aal ay aad u jaclayd Wilma jawaabteedana ay faraqa ku sidatay waxa ayna si xoog u tiri “waxaan  go’aansaday aniga oo yar inaan noqdo haweyneeda ugu oradka badan dunida!”  Tababarihii oo hadalka gabadhu meel ka taabtay ayaa si xooggan indha ugu gubay gabadhii tababarihi  waxa uuna is yiri gabadhu amay kugu dheeldheelaysaa.  Balse, indhaheeda ayuu ka dheehday kalsoonida iyo rabitaan faraha badan ee dhex guuxaya gabadha yar waxaa uuna si dabacsan u yiri “waxaan si wayn u dareemayaa inaad rumayn doonto riyadaada.” Kaddib wuxuu  u raaciyay oo ku yiri “laakiin  si aad u rumayso riyadaada  ma ogtahay in aad u baahan tahay:

  1. In maanta laga billaabo  aad go’aansatid arrinkaan!
  2. In lagaa  helo rabitaan ku gubo oo harsi iyo hoyba kuu diida.

Aadna qaaddid mas’uuliyad dhammaystiran oo wax walba oo ka dhasha iyo natiija kasta oo kaaga imaata? Wilma waxay tiri “go’aanka arrintaan  aniga oo  afar jir ah baan qaatay rabi taanka aad ka hadleeysidna waaba midka iskuulkaan isoo aadiyay oo adiga hortaada ikeenay, mas’uuliyadda dhammaystiran in aan qaado  diyaar garow dhammaystiran baan ugu jiraa  dhab ahaantiina waan hubaa in aan qaadi karo mas’uulidda wax walba oo iiga soo baxa, ( hadal uusan qof walba oran akrin).

 Macallinkii baa ugu jawaabay: “taa micnaheedu waa in aad tababarato  maalin walba  saacado badan culayska faraha badanna aad u dulqaadato. Wilma waxay tiri: “si dhammaystiran baan ugu  diyaarsanahay.Su’aal tiro badan oo yool baar u badnaa oo uu tababaruhu maalintaa waydiiyay  kolkay uga wada jawaabatay ayay su’aal yaab leh ayadu soo tuurtay, waxa ayna tababaraha waydiisay “goormaynu bilaabnaa?” Dhoollacaddayn qosol la moodo ayuu ku dhuftay  asaga oo weliba si xoog leh u jaleecaaya, waxa uuna yiri  “haddaba waan bilaabi karnaa haddii aad adigu diyaar tahay.”

Hadalka tababaraha aqbal iyo guddoon ayay ku soo dhowaysay, weliba waa u riyaaqday tababarkii  nolosheeda beddelayna halkaa ayuu ka billowday. Wilma waxa ay maalin walba qaadan jirtay  jirdhis  isdabajoog ah oo ugu yaraan seddex saac oo is xigxiga. Muddo lix bilood  ah oo tababar joogta ah ay usocdeen Wilma Rudolph waxa uu tababaraheedi ku yiri “ka waran hadii aad ka qayb qaadatid mid kamid ah tartanka olambikada si aad u kasbatid khibrad ka wayn khibradaha aad hadda haysatid, ogaalna aad u yeelatid  sida tababarada caalamiga ahi u dhacaan?”

Wilma way faraxday si deg deg ah ayayna ku ogalaatay  wayna ka qayb qaadatay tartankii olaymbikada. Balse,  way khasaartay (guuldarro) khasaaro aad u wayn oo daran balse aan jab niyadeed soo gaarsiin. Ma aysan murugoon Wilma Rudolph laakiin waxa ay aad ugu faraxsanayd isku daygeeda iyo ku biiritaankeeda tartankaas caalamiga ah. Wilma waxa ay sii wadatay tababaradeedii iyo ka qayb qaadashadeedi tartamada olambikada ah laa ay kasbatay khibrad aad u wayn shaqana ay ka dhigatay ciyaaraha orodka. Sannadii 1960 Wilma Rudolph waxa ay ku guulaystaya tartanka 100ka mitir, 200 oo mitir, iyo 300 oo mitir, waxa ayna jartay lanbaradii sare oo idil waxa ayna noqotay hawayneeyda ugu oradka badan dunida.Wilma ayada oo la hadlaysa warbaahinta ayay waxa ay tiri sababaha ay aan ku guulaysatay waxa aan u tiirinayaa lix sababood.

  • Talasaarashada Ilaahay aan tal saaratay sababtoo ah la’aantii waxba iima suuragaleen.
  • Rabbitaanka xad-dhaafka ah ee aan u qabay hooyaday, sababtoo ah waxaan rabay inaan ka dhigo mid igu faanta.
  • Hammigaygii sare iyo shaqadii adkeed ee aan soo qabtay.
  • Rabitaan i guba taa oo awooddiidu siyaadaysay sida waqtigu uu u socda yacni hadba waqtiga la siyaadaysay.
  • Go,aan cad oo aanan ka laabasho iyo labalabayn midna lahayn.
  • in aan qaatay mas’uuliyadda oo dhammaystiran shay walba oo aanan eedin qof ama duruufo ama shay yaal bal’e hadafkayga ayaan hiigsanayay, waxaanan dhawri jiray oo ilaalin jiray ballamaha tababarkeyga quseeya iyo arrimaha caafimaadkeyga iyo natiijooyinka ka dhasha hawlahayga wax walba iyo si kasta ay noqotaba.

Wilma Rudolph waxa ay noqotay qof caan ah oo ay dadku ka hadlaan kutubna laga qoray warbaahinta caalamkana lagu casuumo oo waraysiyo looga qaado ilaa ayba shirkadda American Express shaqaalaysiisay si ay u baahiso barnaaminyadeeda mid ka mid ah. Sidoo kale magaceeda waxaa lagu qoray buugga Shiineeska ah ee lagu qoro dadka dunidu wada ah iyo kuwa Eebbe  hibada ku galladaystay. Waxa ay ka soo kicitantay oo safarkeedu ka soo bilawday qallal ilaa ay noqotay hawayneeyda ugu oradka badan dunida. Waxa ay qaadatay mas’uuliyadda nolosheeda oo idil ayada oo aan qofna eedaynin nasiibkeeda iyo qadarna midna maxaa yeelay qallal ayeey qabtay, bal way fakirtay fikir togan  waxa ayna awooddeeda isugu gaysay hiigsiga halka ay u socoto ilaa ay rumaysay riyadeedi. Akhrsite haddii aad dadaasho halkaa gabadhaasi gaartay meel ka sarraysa waad ka gaari kartaa hadafkaaga.

W/Q: Cabdiraxmaan Barre “Cadde Baari”

SHEEKOOYIN