MAAN DEEQ ( QORMO GAABAN OO QIIMA LEH) W/Q : Amina Abdilaahi

maandeeq

MAAN DEEQ ( QORMO GAABAN OO QIIMA LEH)

Waxa aan ka mid ahaa ubaxii dhashay markii gobonimada la helay(1960). Waan ku kacaamay, oo la jaanqaaday Dawladnimada, waxaa laygu canqariyay dambarkii Maandeeq, waxaa laygu walqalay oo lay bixiyay Mideeye. Magacan middeeye, waxa ii bixiyay aabbahay.

Sababta uu igu bixiyay waxa ay ahayd, waa markii Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ay is raaceen, ama middoobeen, farxaddii, hilawggii, raynrayntii, kalgacalkii laysu qabay dartii ayaa anigana laygu magac daray Mideeye.

Waaggaa aan dhashay, Soomaalidu Ull iyo Diir bay ahayd, afka ayay wax ku kala goosan jirtay, mid hadday wax gaadhaan kan kale wuu u damqan jiray, bulshadu wada walaalo ayey ahayd, Dheri qudha ayaa wax lagu wadda karsan jiray, Hadhuub qudha ayaa wax lagu wadaagi jiray.

Maandeeq hareerahaa laga wada fadhiyay oo waa lawadda maali jiray, Dadku wada Tol iyo Sokeeye ayey ahaayeen, Xigaal iyo Xiddid bay wada ahaayeen, maanta oo ay tahay 2016 Soomaalidii way kala irdhowday, oo kala tafaraaruqday, Cuqdad iyo Nacayb baa isu galay, midba mid buu iska eegaya, Diin, dhaqan iyo Xeer midna xeerinmaayan, wada dhalasho qiimayn maayaan, iyagii baa birta iska asleeya, Qabiil iyo Jifijifi ayaa loo qaybsamay. Nin walba xigtadiisi ayuu gooni u goostay, Gobolkiisi buu dawlad ku sheegay, tuuladiisi buu gobol ku sheegay. Hantidii umaduu reer ku sheegay, xaqii baa la aasay, isu tanaasulkiina waa laga tegay.

W/Q : Amina Abdilaahi

SHEEKOOYIN