MAANSADA XUSEEN WAA LAMAHURAAN | W.C: DRS. FARAX SH. CABDIRISAAQ “ZEDRA”

Hoggaan kii laashinoow
Mar kale na hoggaamiyoo
Hormood lagu faana iyo
Horseed jira noo ahoow

Xuseen, ruux lagu hirtiyo
Haldoor nagu qaayaliyo
Halyay baad noo tahoo
Hibaanu ku raacinnaye
Hal-hays qaran noo ahow.

Higgaadda qoraalladiyo
Habaynta dhigaalladiyo
Hiddaha dhaqankeena iyo
Afkeenna hagaajintii
Sidaad ugu heellantahay
Ayaa lagu soo hirtaa.

Markay taariikh horiyo
Habraac sooyaala iyo
Hayaaniyo geeddi tahay
Adaan ka habsaaminoo
Wixii la haleeli karo
Hubsiimo ku raadiyoon
Hareer uga weecanayn

Intii halabuur ahee
Hubkoodu farriinta yee
Qoraallada heegankaa
Murtida ku haloosiyee
Hanuun qalinkoodu yahay
Adaa u horreeya oo
Kartidu hilinkaad marteey
Gacmaha kuu haadisaa

Sidaad hawraar luntiyo
Aqoon la hilmaamilaa
Hogooda u baadhayee
Hannaan lagu kaydiyiyo
Haddeer buugaag jirtiyo
Mareego ugu hiillisaan
Marnaba hadal koobinoo
Waxaad ku hilaabantahay
Huggii sharaftiyo dadnimo

Hummaag la bidhaansadoo
Bulshadu wada haybisoo
Hufnaan loo daawadiyo
Markay hooskii dhirtiyo
Gobiyo hadhac taagantahay
Amaba hayalkii qofnimo
Dulqaadku hadhayn jiriyo
Duqiyo hayin guura tahay
Hadhqoodaal lagu nastiyo
Gabood lagu hawl baxiyo
Wadaad hanad qaayaloon
Waqii la habaariniyo
Xuseen waa lama huraan.

Gu’ weeyaan hoorayoo
Daruur dhibic hawle iyo
Sidii hogol curataybaa
Harraad lagu baajiyaa

Garaad la hawaysta iyo
Rugtii himilooyinkee
Tacliintu hadhaysay buu
Xuseen hoygeeda yoo
Hadhimo ruuxii arkee
Hiraabaha ay kulmaan
Hankiisaa buuxsamoo
Qasaare la hoorsadiyo
Ka dheer hiirtaanyo kale.

Habeen dhalad ruux ahoo
Bulshada hadafkeeda iyo
Yaqaan guulaha hiigsiga
Hiraal inu yahay Xuseen
Hubaal weeyaan kunjeer.

Intaa hadal guud mariyo
Hilaac biligtii ritiyo
Hagaagiyo maansan dhoo
Waxaan hanbalyaynayaa
Masuul hibo waarta iyo
Nasiib ku hubaysanoo
Xil wayn haaneedayoo
Markay hagis maamuliyo
Dadaal la huraayo tahay
Xuseen baa ugu habboon

Hunguri ruuxii watiyo
Hantida kii raadiyee
Qabyaaladi huurisee
Wanaagga ka haajiree
Midnimo kala heerayee
Xumaanta hulaaqiyiyo
Colaada midkii hurshaba
Xuseen ma heshiinayaan

Hunkiisa hadaad rabtiyo
Hadaad istidhaa xilside
Usheeg hebel aan kasayn
Huggii nabaddee dhulkiyo
Hadhuub weeyaan koloo
Horaad weeyaan irmaa
Sinaantu horwayn dhaliyo
Haleelo dhigeed la tahay

Maansada: Xuseen Waa Lama Huraan
Ereyadii: Zedra Sheikh
Hibayn: Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”; Guddoomiyaha Laashin 2022-2024.

SHEEKOOYIN