Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Cumar Carte Ghaalib iyo “Somaliland”

Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Cumar Carte Ghaalib iyo “Somaliland”

 

Sanadaha 1986-88 waxaan ahaa danjiraha Soomaaliya ee Sweden, Danimark, Norway iyo Finland, oo fadhigaygu wuxuu ahaa Stockholm.

 

Waxaa maalin taleefan igula soo xiriiray nin Soomaali ah oo isu kay sheegay, kaddibna i waydiiyay haddaan meel aan safaaradda ahayn isku arki karno, aniguna waxaan u sheegay inaan hotel u qaban doono, halkaasna aan ugu imaanayo.

 

Markaan hooteelka ku kulannay oo aan isi salaannay, waxyaaluhuu ii sheegay waxaa ka mid ahaa:

“Waxaan ahay korneel ka tirsanaa Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaanna ka qayb gala dagaalka amxaarada lagu jebiyay ee 1977.

 

Kaddib waxaan ahaa mid ka mid ah shanta nin oo aasaastay Somali Nation Movement (S.N.M.), waxaanna ku aasaasnay magaalada Jiddah ee Sucuudiga ku taalla, dawladda sucuudiga ayaana na taakulaysay.

 

Talada in ururkaas la asaasose waxaa iska lahayd dawladda Jarmanka Galbeed (Oo taasu waxay ahayd ka hor intayan labada Jarman midoobin. Aniguna waxaan ahaa qiyaas shan sano danjiraha soomaaliyeed ee Jarmanka Galbeed oo caasimaddiisau ahayd Bonn, oo xarunta SNM waxay ku tiillay magaalada Koeln, aniguna dhaqdhaqaaqooda si tifaftiran ayaan ula socday, oo rag shirarkooda toddobaadlaha ah ka qayb gala ayay safaaraddu ku lahayd oo warkooda noo keeni jiray. Jarman waa mustacmarad USA laga bilaabo marka laga adkaay Dagaalka Labaad ee Adduunka 1945, ayna shuruud la’aan is dhiibtay – Total Surrender – , sida Talyaaniga iyo Japan oo kale, marka ma awooddo inay tillaabadaasoo kale ku dhaqaaqdo, ee waa waxay dawladda Maraykanku ku amartay inay samayso, oo sidaasay SNM ku tahay urur ay abuurtay USA).

 

Waxaan ahay nin Isaaq ah oo reer Hargaysa ah, waxa dadka Hargeysa deggan ay dawladdu ku falayso waan ka xanuunsaday, waxaanna doonayaa inaan inta awoodayda ah wax ka qabto.”

 

Aniguna waxaan u sheegay inaan warkiisaas dawladda u gudbin doono, jawaabtana aan lasoo socod siin doono.

 

Saciid wuxuu ahaa nin soomaali ah oo waddani ah, runlow, waji furan oo geesi ah. Wuxuuna ahaa nin quruxsan oo dheer oo midab furan. Sidaasaan ku kala tagnay, isaguna meeshuu ka yimid ayuu dib ugu laabtay.

 

Isla maalintaasba waxaa Roma, caasimadda dalka talyaaniga ku sugnaa Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre oo dalkaas booqasho shaqo ku yimid.

 

Intaan dayuurad raacay ayaan Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre Roma ugu tegay, wuxuuna degganaa Hotel Hilton, una sheegay farriinta korneel Saciid. Markaasuu madaxweynuhu wuxuu igu yiri:

“Muqdisho iigu keen.”

 

Aniga iyo Saciid Stockholm ayaan kasoo ambabaxnay oo aan gegida dayuuradaha ee Muqdisho kasoo degannay, anigoo cabsi wayn ka qaba in Saciid la aqoodo, oo markaas igala tagaan oo ay xabbisaan askar aan warka madaxweynaha la socon.

 

Ummurtase Ilaahay ayaa maamula, oo waxaaban qolka madaxdu fariisato markaan galnay ku arkay isagoo ku dhex jira Jeneraal Cismaan Caanageel oo ciidammada dambi barista (CID) madax ka ahaa, oo i waydiiyay wuxuu ninkaani yahay, aniguna aan ugu jawaabay inuu yahay nin soomaali ah oo aan dhowaan is barannay. Sidaasaan waxaan Saciid ku geeyey hotel aan usii qabtay, oo ku yiillay dariiqa marka Balcad loo socdo, oo bidixda kaa qabanaya.

 

Saciid iyo anigu waxaan xafiiskiisa madaxtooyada ugu wada tagnay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre. Waxaa kaloo nala socday Liibaan Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre Allaha u naxariistee oo uu adeer u yahay, oo ganacsato ahaa, ahaana wiilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre oo aan aniguna abtigiis ahay, oo uu madaxweynuhu igu amray inuu nasoo raaco si ayan askartu Saciid u aqoonsan oo soo gelidda madaxtooyada loogu dhibin, iyo inuu kharajka hootelkiisa bixiyo.

 

Markaan Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre hor fariisannay saddexdeennu, Saciid farriintuu Stockholm iigu dhiibay oo sideeda ah ayuu ku soo celiyay oo uu u sheegay.

Madaxweynuhu wuu soo dhoweeyey oo si fiican ayuu ula hadlay, wuxuu ku yirina waxaa ka mid ahaa:

“Gobollada Waqooyi waxay dawladdu u qabatay waxaan gobol kale ee dalka ka mid ah la siin, ayna ka mid yihiin “Franco Valuta” (Oo ah inay ganacsatada Waqooyi badeecadahay doonaan dibadda ka keensan karaan oo ka ganacsan karaan, ayagoo aan lacag dollar ah oo bangiyada soomaaliyeed la dhigo iyo Letter of Credit lagu xirin); sida in Laanta Socdaalka xafiis looga furay Hargaysa oo baasaboorada bixisa.

Waxase gobollada waqooyi kiciyay waa Cumar Carte Ghaalib (Oo markaas ahaa ama Wasiiru Dawlada Madaxtooyada amd La Taliyaha Madaxweynaha) .

 

Cumar Carte Ghaalib ayaa xafiiska iigu yimid wuxuuna igu yiri:

“Waxaad iga dhigtaa Raiisul Wasaare.”

Hadalkiisaas waxba kama soo qaadin. Markaasuu mar labaad ii yimid oo uu igu yiri:

“Waxaad iga dhigtaa Raiisul Wasaare, oo haddaadan iga dhigin Waqooyi ayaan kugu kicinayaa.”

 

Markaasaan waxaan ogaaday oo ii caddaatay in Waqooyi mar hore kiciyay. Dhibaatada Hargaysa sidaasay ku dhalatay. Marka haddaad doonaysid inaad wax ka qabatid, Hargaysa tag oo Radio Hargeysa intaas aan kuu sheegay ka sheeg.” Waa intaas warkiisu.

Madaxweynuhu wuxuu Saciid u tiriyay wuxuu u qabtay gobollada Waqooyi iyo raga Isaaqba.

 

Madaxweynuhu wuxuu Liibaanna kala dardaarmay inuu kharajka safarkiisa ka bixiyo.

 

Saciid Hargeysuu tegay, sidii ayuuna yeelay oo uu Radio Hargeysa ka hadlay, aniguna aan hadalkiisa dhegeheyga ku dhegeystay.

 

Saciid kaddibna Soomaaliya wuu ka ambabaxay.

 

Dhibaatadu Hargaysa kuma ekaane, markay dawladda Maraykanku Dawladda dhexe ee Soomaaliya burburisay, Madaxweyne Maxammad Siyaad Barrena uu Muqdisho ka baxay, aniguna aan markaas Qaahirah degganahay dalka Masar, una shaqeeyo Jaamacadda Dawladaha Carabta – oo la ii qaatay 1990 intay xarunteedu ahayd Tunis, la iguna qaatay darajada safiirnimo, waxaanna Muqdisho kasoo raacay dayuuraddii ugu dambeysay ee Saudi Airlines isagoo uu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre xafiiskiisa fadhiyo, oo anigu dagaalka Soomaaliya goob jog kama ahayn – waxaan dhegeheyga ku maqlay anigoo rag kaloo soomaali ah aan wada joogno, war ay BBC kasoo qaadatay Radio Muqdisho, oo laga soo duubay Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari markaas – oo manta Puntland la yiraahdo – oo leh:

“Raiisul Wasaare Cumar Carte Ghaalib warqad ayuu ii soo dhigay, uu igu amrayo iinaan ka shaqeeyo nayan marna gobolkaas Bari xasillooni ka dhicin!”

Markaasuu guddoomiyuhu faahfaahiyay waxay xasillooni darrada uu Cumar Carte Ghaalib doonayo tahay. Taasu waxay ahayd waxaan ka naxnay oo ka caroonnay inay dawladdu dalka la doonayso xasillooni darri!

 

Markuu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre Muqdisho ka baxay, ayaa kuwa xukunka qabsaday ay Cumar Carte Qaalib ka dhigeen Raiisul Wasaare, oo wuxuu doonayay wuu helay, wuxuu doonayayna wuu falay.

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة

17 Shawwalشوال\ 1438 Hهجرية\, 11 Luulyo 2014

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.