MARKA AAN RABO AYAAN HOOYO NOQONAYAA Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

MARKA AAN RABO AYAAN HOOYO NOQONAYAA!

                                        (sheeko gaaban)

Waayadan waxaa i saarnaa cadaadis badan oo dhanka bulshadayda iiga imaanayay, kuwaas oo marba darajo gaarayay, runtii dadku mararka qaar ma ahan kuwa garta waxa qofku uu xaqa u leeyahay doorasha ahaan iyo waxa ay iyaga u doorayaan.

Qofka haddii uu noloshaada khayr iyo qasaaraba diyaar u yahay in uu ka qayb qaato, haa, markaas waa la oran karaa waa in uu qayb ka noqdaa doorashadaada Nolosha, balse qof aan intaasba kuula diyaar ahayn oo dhib  marka uu kugu dhaco laga yaabo in aad arkin ba ayaa maalin walba kula dul taagan hadala naftaada culaysiinaya.

Noloshayda Gabarnimo marka aan usoo baxay waxaan lahaa waligey hammi iyo hadaf aan tiigsanayo, waan ogaa in waxyaabaha qaar ay nolosha kugu qasbayso in aad qof la wadaagto sida guurka iyo ilma dhalista oo aysan ahayn wax aad kaligaa shaqsi ahaan u samaysan karto.

Dhowr jeer oo aan sameeyey xiriiro jacayl ayey dhamaantood ku biya shubteen guul darro iyo niyad jab isoo wajahay, kuwaas oo sababay in aan shaki ka qaado raga oo dhan oo aan iskaba dhowro in aan rag wax la wadaago.

Dhibaatooyinkaas dhanka xiriirka aan kala kulmay ayaa dhamaan i garansiiyay in nolosho ay ka koobantahay wax aad doorashadeeda xaq u leedahay iyo wax dad kaala dhaxeeya, waxaana goostay waxa dadka igala dhaxeeya doorashadooda in aan ka fiirsado.

Dhawaan ayaan guursaday nin aan xoogaa is fahanay, guurka aan guursaday ma ahayn mid aan ka maarmi karay maadaama nolosha kaligay aanan kaamili Karin hadana waxaan goostay in wada jirka maadaama ay nolosha ku qiimo badantahay aan ka weheshado ninkaas xumaan badan oo ku dhici lahaa.

Runtii qaddarin badan wuu ii hayay sidoo kale aniga waan u hayay, ha yeeshee dhanka caruur dhalista waxaan goostay in aan u kaadiyo xoogaa oo aan iska hubiyo qofka waalidka u noqonayo caruurtayda iman doonta Dunida.

Sir ii qaas ah ayey ahayd oo aan qofna la wadaagin, xitaa kan aan nolosha la qaybsanayo, inta aanan guursan guurka ninkan waxaa jiray su’aalo badan oo iiga imaanayay Ehel iyo asxaaba oo ku saabsanaa xilliga aan guursan doono iyo sababta aan u guursan la’ahay maadaama ay da’dayda sii caga cagaynaysay 28 sano.

Marka loo eego bulshada aan ka dhashay in qof dumar ah ay guur la’aan gaarto da’daas waa wax dhif iyo nadir ku ah, hadana aniga waxaan rumaysnaa in aan ka duwanaa dadkayga oo dhan oo aanan ku dookh ahayn kuna fikir ahayn, sida ay nolosha u arkaana aanan u arkin, noloshaydana ay tahay  mid aan aniga xaq u leeyahay sida ay noqonayso mustaqbal ahaan.

Dadku waa kuwa jahwareer badan, bulshadaas sidaas ii cadaadinaysa qaarkood ka mid ah ayaa igu waanin jiray in xilligan la joogo dunida ay is baddashay, sidaa darteed la doonayo in gabar walba xilliga ay is leedahay waad u diyaarsantahay in aad guursato iyo in aad hooyo noqoto ay doorato.

Waxyaabaha aan kula yaabay dadka waxaa ka mid ah marka aad gaarto da’da 25 sano ayey kugu bilaabayaan su’aalo dhowr ah sida , haye wax ma heshay, goormaad guursanaysaa oo ilma dhalaysaa, dumarka waa 40 waqti badan kuuma harin!!!

Su’aalahaas waa kuwa ay is waydiintooda kug badiyaan, balse waxay hilmaansan yihiin in noloshaada sida ay su’aalaha waydiintooda ula fuddahay aysan u fududayn, wax walba caqabado ayey leeyhiin qaasatan guurka iyo nolosha lamaanimada.

Waxaan arkay oo goob joog u noqday dumar badan oo natiijo aan la mahdin kala kulmay ku dag dagidda guurka iyo ilma dhalidda, nolosha waa in sida mudan aad ugu raaxeysatid ma ahan in aad barri qof ku eeddid dhibaato kugu dhacday darteed.

Dumar badan ayaa lagu furay ilmo, dumar badan ayaa guurar kala duwan inta galeen ku qasaareen, ma fahmi karo sababta loogu dag dagayo in ilmo la dhalo, waxaa kale oo fahmi waayay macnaha ka dambeeya haddii la guursado in ay qasab tahay in ilmo la dhalo.

Doorashada guurka sida aad xaqa ugu leedahay si la mid ah ayaad doorashada ilma dhalistana xaq ugu leedahay, aniga waan guursaday, balse taas macnaheeda maahan in aan tijaabiyay ninka aan nolosha la wadaagayo in uu u qalmo in ilmaha aan dhalayo uu aabo u noqdo iyo in kale.

Ninka aad rabto waad guursan kartaa waana la dhaqmi kartaa, taas ma ahan mid dhibaato ah, macnaha la doonayo ayaa ah sawrika guud in la fahmo, adiga maantay guurkaaga waad ku qasaari kartaa oo is faham darro waa idin dhex mari kartaa ninka aad wax la wadaagayso waadna ku kala tagi kartaan guurkaas, haddii ay taas dhacdana qof qasaaray ma jiro, balse marka ilmo aad u dhasho nin aan u qalmin waa markaas marka ay badanayso dhibaatada adiga iyo ubadkaagaba aad kala kulmaysaan nolosha.

Aniga kaligey nolosha waan ku ijitihaadi karaa, micnaha waan ku bad baadi karaa, balse ma jirto sabab aan dunidan u keeno Ubad mustaqbalkiisa uu noqonayo Mixnad iyo Murugo, iyo cuqdad nafsi iyo haaraan uu haaraamayo waalidkiisa.

Fakar ahaan waad iga duwanaan kartaa, waxaa sa qabaa dumarka in ay la gudboontahay in ay ka fiirsadaa ilmaha ay dunida keenayaan  waana in ay is waydiiyaan in ilmaha ay dhalayaan aabahooda ma u qalmaa in uu aabo u noqdo iyo in kale?

Guurka waa dhismo nololeed oo ka dhaxeeya laba qofood oo isu qalanta, dadka qaar se sidaa uma fahamsana oo waxayba aaminsan yihin in guurku yahay mid baahida shahwo la iskaga haqab tiro, taas nafteeda oo noqon karta run marka wax lagu cabiro qaabka ay dadka sidaa qaabo aamineen.

In la is guursado waa aas aaska nolosha, in la isku af garto in ilma la isku dhala oo qof walba uu ka fakaro qofka kale in uu u qalmo in uu waalid u noqdo awlaadda uu dunida keenayo, waa muhiim iyo xisaab walba xadkeeda la ogaado.

Hadaba waxaan qabaa aniga in cid xaq u leh in ay ii doorto in aan hooyo noqdo iyo in kale aysan jirin aniga mooyee, maxaa yeelay qofka u dhibtoonaya hadhowna uu ku harayo cunugaas, su’aalaha badan uu waydiin doono waa aniga hooyada ah.

Sidaa darteed, waxaan qabaa in marka aan rabo aan dooran karo in aan hooyo noqdo, xilliga aan diyaar u ahayna aan keeni doono cunugayga dunidan, waxaan rabaa in aan noqdo hooyo wanaagsan oo cunugeeda keentay degaan wanaagsan oo u qalma in lagu noolaado.

Adiga waad iga fakar duwanaan kartaa, oo ninka aad rabtid inta ka dul dhacdid toban cunug waad u dhali kartaa si magacaaga uu kor u jiro, waa run nolsoha dhincyo badan ayuu qof walba ka arki karayaa, kuguma eedayo taas oo waa doorashadaada, balse aniga waa doorashadayda tan.

Haa nin waan qabaa, balse wali kama gudbin tijaabadii aan ku eegayay in uu u qalmo aabanimada ilmahayga dunida, dhanka kale qasab maahan in haddii aan guursado aan ilmo dunidan keeno, noloshayda waan noolaan karaa kaligey haddaan sidaa doorto.

Ugu dambayntii cunuga aan dunida keenayo waa in uu helaa inta uu u qalmo xag dhaqaale iyo xag aqooneed ba, ninka aan u dhalayo cunugaasna waa in uu noqdaa nin ila fahmi kara arrimaha nolosheena.

Sidoo kale waa in uu helaa cunugayga jacaylka waalidiintiisa oo dhamaystiran, waana in uu noqdaa mid lagu faraxsan yahay imaatinkiisa dunida, sidoo kalena waa in uu helaa naxariis iyo wadajirka waalidiintiisa oo tarbiyadiisa ay dhamaystiraan.

Waxaan kaloo rabaa in uu cunugayga dunidan imaanayo uu ogaadaa in imaatinkiisa lagu faraxsanaa oo baahi daran ay u qabeen waalidkiisa, ma ahan in uu noqdaa mid shahwo daadis iyo faan dadeed iyo raali galin dad gaar ah lagu qancinayay.

Noloshayda aniga ayaa leh mas’uulna ka ah, ma doonayo in aan cid gaar ah marti uga noqdo, cid gaar ahna ku raali galsho, doorashadayda waa mid aniga ii gaar ah, dantaydana cid aan uga marti noqonayo ma jirto, dadku way hadli karaan, balse ugu dambaynta waa aniga qofka u diyaarsan in uu noqdo hooyo xilliga uu doonayo.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN