Maxaan dhimasho raadshay!!!! Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

 

Maxaan dhimasho raadshay!!!!
ABilowgii sanadkii tagay ayey ahayd markuu igu bilowday cudurka isku buuqa oo aan ka qaaday shaqada aan ka shaqaynayay, maxaa yeelay aad ayuu noogu adkayn jiray ninka madaxda ka ahaa qaybta aan shaqada ku lahaa.
28 jir ayaan ahaa, waxaana lahaa qorsho aan doonayay in marka aan intaas gaaro aan wax badan qabsado, balse ma dhicin oo waxay noqotay in aan cabsi ku noolaado aniga oo u baqaya shaqadayda.
Iyada oo taas i haysato ayaa waxaa ii sii dheeraa buuq iga qabsanayay dhanka xaaskayga oo gabar yar ii haysay, sidaas ay tahay hadana xanuun dhanka maskaxda ah oo igu dhacay ayaa sababay in fasaxa shaqadayda uu bato.
Aniga oo awalba caga adag uga taagnayn dhanka shaqada hadana maadaam uu fasaxaygu batay ayaa shaqada la iga eryay.
Dunidayda oo dhan ayaa qallibantay xitaa biilka ayaan iska bixin waayay, xaaskayga oo awalba buuq igula joogtay waa iga tagtay, noloshayda oo dhan meel cidlo ah ayey kusoo dhacday.
Waxaa ii muuqatay in aan xaq ugu lahayn dunida in aan ku sii noolaado sida darteed ayaan go’aansaday in aan isku xooro waddada baabuurta ku cararto.
Qorshaha aan isku dilayo iyada oo sidii loogu tala galay u socdo ayaan tel ka helay saaxiibkay oo i dhahaya shaqada waa lagugu soo celshay ee subixii soo shaqa gal, telkaas ayaa bad baadshay habeenkaa naftayda aniga oo raja ka qaba in aan dib u shaqo bilaabo noloshaydana dib u hagaajiyo.
Nasiib wanaag shaqadayda ayaan dib ugu laabtay balse waxay ahayd oo kaliya mid la igu qayaanayay oo qolada aan u shaqeeyo ay ku raadsanayeen qof booskayga buuxiya inta laga helayana aan sii shaqeeyo, cid ii sheegtay qorshahaas ma jirin, muddo bil ah markii aan shaqeeyayna albaabka ayaa la i tusay.
October dhammaadkeeda sanadkii la soo dhaafayay ayey ahayd markii aan hadana is tusiyaya in aan nolosha u qalmin.
Waxaan ahaa shaqa la’aan, buuq ayaa meel walba iiga furnaa, xitaa guriga kiradiisa waan iska bixin waayay, kaydkayga oo dhan waa hore ayaan ka laacay wax faraqa iigu jiray ma jirin, xaaskaygana waa hore ayey iga lugaysay oo gabadhaydiina la tagtay..
Waxaan soo gatay kaniiniyaal badan aan ku doonayay in aan dunidan uga rawaxo, waan ka dhargay oo si xad dhaaf ah ayaan u laqay aniga oo rajaynaya in si nabdoon aan uga tagi doono dunida ayaan subixii ka soo kacay aniga oo waxba qabin oo caafimaad qaba, kuma farxin runtii oo waan ka naxay, subixii marka aan soo toosayay waxaan u haystay in aan aakhiro ka soo toosayo oo buuq iyo dhiba iga haray balse markaa arkay dariishaddayda iftiinka ka soo galaya hareerahaygana eegay oo xaqiiqsadsy in aan wali dhex joogo dunida aan dhibsaday joogisteeda ayuu mar labaad qarracan ii bilowday.
Gaaja xun ayaa i haysay wax cunta ahna iima diyaarsnayn oo maba haysan, rooti is maris ah oo aan xalay inta aanan kaniiniyaasha isku dal dalin cunay ayaan arkay in uu iga hor muuqdo, mar labaad ayaan ka laacay, waxaana go’aansaday in dunidan aysan saaka ila dhaafin oo caawaba aan qabri u hoydo.
Kadib markii aan afka ku qabsaday rootigii haraaga ahaa ayaan ku istaagay balakoonka si aan isaga tuuro dabaqa sagaalaad oo aan markaa daganaa.
Nasiib darro halkii la rabay in aan horey isku tuuro ayaan gadaal isku soo tuuray taas oo sababtay in aan madaxa qaybta dambe ka daqramo meeshana ku suuxo, waqti kadibna aan isbitaal ka soo toosay.
War ileen tan oo kale, maxaa dunida wali i dhex dhigay aniga oo is waydiinaya ayey gabadhayda yar albaabka qolka aan isbitaalka ka jiifo ka soo gashay.
Waxaan gartay in wali aan xag alle la iga so fasixin oo gabadhayda ay ii baahantahay, kadib waxaan go’aansaday maadaama saddex jeer ay dhimashada i diiday in aan dunidayda iskaga noolaado oo la halgamo noloshayda inta waqtiga iiga imaanayo.
Alle mahadii maanta waxaan ahay qof isku filan, xaas kale iyo caruur kalana waan yeeshay, dunida haddii ay wax kuugu dhiman yihiin kama tagaysid aniga ayaa taas dhab u ogaaday.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.