Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                                         Milicsiga Noloshayda                                                       SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 2AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

Kulankii ayaa wuxu ka dhacay meeshii lagu madlanaa oo ahayd Maqaayad aad u dagan una Cunta macaanayd, Shaqsiyan gabadhu aad ayey u qurxanayd una shaqiysad fiicnayd, Damac sidaa ah igama galin, balse, Dareen Raginimo oo ah u riyaaqidda muuqaalkeeda wanaagsan iyo daganaanta ka muuqato waa igu jiray, hadana ma ahayn mid ii sii talaabin karay in aan kula dag dago arrimo hoose, maadaama aniga xitaa aanan u diyaarsanayn howlahaas muhiimadduna ay ahayd shaqada aan markaa doonayay ee ah in aan bal ka dhagaysto Caddaalad darrada ay nolosha u yaboohday gabadhaas aan mudnayn!

Is marxabayn iyo is barasho kale oo tii kasii balaaran iyo isu riyaaqid labadeenaba midba midka kale u riyaaqaya kadib ayaa waxaan waydiiyay waxa ay tabanayso ee noloshan Duruufaha badan u yaboohday ?

Waxay ku bilowday waligay waxaan ahaa qof ka duwan Dumarka kale waa sida aan isku arkayay nolol ahaan, ma ahayn mid Shukaansi badan mana jirin runtii Nin aan noloshayda damcay ama isoo damcay, balse, waxaan ahaa Qof leh Hadaf nolosha ay tiigsato doonaysana in ay wax noqoto, dariiqii ay ku noqon lahaydna haysay.

Waxaa jiray Gabdho aan saaxiibo nahay oo aad ii jeclaa aadna u wanaagsanaa, balse, iiga duwanaa la haasaawidda Raga, kuwaas oo aniga mararka qaar igula xifaaltami jireen in aanan u samaysnayn sida dumarka kale, damaca raguna uu igu yar yahay.

Runtood ayey ahayd oo damac rageed iguma jirin mana jeclayn dhex galidda raga iyo wax la wadaagiddooda, ma aqaan waxa aan ku macnayn karay sababta arrintaa ka dambaysay.

Waxaa dhacday in Maalin maalmaha ka mid ah Xafald ahayd Qalin jabinta wax barashadeena sawir aan la galay gabadhahaas mid ka mid ah uu arkay Wiilka noloshayda baddali doono, kaas oo isla markii uu sawirkayga arkay goostay in uu ila soo xiriiro isaga oo ii soo marayay mid ka mid ah gabadhaha markaa aan bah wadaagta ahayn oo lamabarka telkayga kasoo qaatay.

Waxay ahayd subax Axad ah, jawi dagan aan ku jiray, Cillaansaday, daawanayayna Filim aan markaa aad u xiiseenayey daawashadiisa ayuu telkayga hal mar gariiray maadama codka uu ka xirnaa, isla markiiba wadnahayga waxaan ka dareemay in is baddal uu ku jiro telkan maadama waligey sidan oo kale aanan ugan nixin dhicidda telka, soo qabo ayaan is iri, mise waaba Nambar aanan waligey arag, halow marka aan irina Cod rageed oo Magacayga ku dhawaaqaya ayaa iigu xigay, isla markiiba jirkayga ayaa dubaaxiyay waan garan waayay wax aan ugu jawaabo, wuxuu ku dhawaaqayay magacaygay isaga oo sii raacinaya ma i maqlaysid miyaa? waan yaabanahay waxaan is leeyahay Ninkan maxaad u sheegtaa? xaguusa kasoo helay Lambarkaaga? yaasa siiyay? muxuusa kaa doonayaa? dhowr Su’aalood oo jawaabahooda aanan helin ayaan is wadiiyay, waxaan gartay in aan la hadlo aniga oo Cod hoose cabsina ka muuqato kula hadlaya ayaan ku iri” waa qofma” markaas ayuu igu yiri  “soo Heblo ma tihid? markaas ayaan ku iri “haa walaal yaad u bahaanayd” markaas ayuu igu yiri “adiga ayaan kuu baahnaa” naxdin isla markiiba, shib ayaan xoogaa iri aniga oo is giijinaya isna oranaya yuusan kaa dareemin in aad baqatay baan ku iri, walaal maxaad iga rabtay, sideese kuu caawiya?

Wuxuu ku jawaabay in uu naftayda rabo igana doonayo in aan ku caawiyo hanashada naftayda waddadii uu usoo mari lahaana u sheego! Isla markiiba waan gartay ujeeddada uu iga leeyahay wax la sugaba in Nin ii soo haasaawa tago maanta ayuu illinka telkayga isi soo taagay, yaab!!! ma aniga ayaa aqaan Haasaawaha Ragga? maxaan ku oran doonaa ninkan? maxaase u sheegi doonaa? waxaan ku iri walaal aniga miyaad i rabtaa? Kolkaas ayuu igu yiri “haa, ee goormaan ku arki karaa? isla markiiba waxaan ku iri walaal iga raali noqo la ima arki karo waqtina uma hayo arrimaha aad ka hadlayso

Telka ayuu iska jaray wuxuuna isla markiiba ii soo qoray Farriin tilmaamaysa sida uu igu helay iyo qaabka uu telkayga kusoo helay iyo in uu arkay sawirkayga quruxda badan waa sida uu markaa farriinta u qoray ee ma ahan in aan aniga tilmaamayo quruxdayda.

Waxba jawaab ah uma bixin waan iska indha tiray, dhowr jeer ayuu isoo wacay kamana qaban telka, nasiib wanaag maalin maalmaha ka mid ah aniga oo la joogay Gabar ka mid ah gabdhaha saaxiibadayda ah ayuu meesha yimid, isla markiiba dhan aan isaga fur furo ayaan waayay dantana waxay igu qasabtay in aan maalinkaa si toos ah u abaaro wajigiisa, waana maalinta iigu adkayd noloshayda oo ma jirin maalin aan Nin hor fariistay.

Dhidid badan, Gariir badan oo gudahayga ah ayaa jiray, waan dareemayay in xaalkaygu uusan wanaagsanayn, balse, si wanaagsan oo dagan ayuu iila hadlay isaga oo i dareensiiyay wax badan oo dareenkayga soo jiitay, qaab hadalkiisa ayaa ugu muhiimsanaa oo wax badan aan ka faaiiday, waan dareemayay in ninkan uu ujeeddo ka badan la sheekaysi iga leeyahay, isla markiiba iguma daahiin in uu dhab u caddeyo ujeddadiisa xagayga ku qotonta, wuxuu ii sheegay in uusan war badan iga rabin muhiimaddiisuna ay tahay in uu doonayo in uu Nolosha ila qaybsado (Guur).

Wax jawaab ah kama bixin, waan la yaabay, ma ahayn waxa uu iga dalbanayo wax aan ku fakery waligey, waxaase jiray sida aan u noqday Qaangaar Nin aan waligey arkin in aan ku riyoon jiray noloshiisana jeclaa, balse aan nolol ahaan la kulmin, Ninka nuucaas ah oo kaliya ayaan aaminsanaa in uu qalbigayga u furmi karo, sababta damaca raga iigu yareedna ay taa ugu wacnayd.

La soco Qaybta 3aad Axadda insha Allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN