Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                          Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 3AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

 

Waa laga yaabaa in aad ila yaabto Maxamed, ninkaas muuqaalkiisa waan aqaanaa oo riyada ayaan ku arkay, balse meel uu Aduunka uga nool yahay ma garan karo, mar walba wuu ii iman jiray wuxuuna ii sheegi jiray Waqti kadib in aan wada kulmi doono noloshana aan wada qaybsan doono, balse, ay ka horayso Waddo Raf ah oo la doonayo labadeenaba in aan soo wada marno, si aan ugu dambayn isku hanano noloshana aan u wada dhamaysano, yaab!.

Dhabta ayaasa ah in riyadaas ay waligey igu jirtay, hadana maadaama ninkan guur iga dalbanayo waxaan daremayay haddii aan ka aqbalo in uu astaan u noqdo wadddada rafka ah ee uu tilmaamay Ninka Riyda noloshayda ah ee dhabta aan u jeclaaday, balse dunida meel uu uga nool yahay aanan aqoon.

Waxaa igu jiray Dareen ah in aanan Nin guursan ilaa aan ka helo ninkaas noloshayda ay mar walba ku riyoon jirtay aniga oo ka cabsanaya in noloshayda ay qarribanto maadaama uu igu yiri waddo raf ah ayaa ka sokaysa is hanashadeena.

Runtii waxaan isku dayay in dhowr jeer aan riyo ahaan kasoo qaado waxa i ugaarsanaya iina diiday in aan nolosha dhabta ah wajaho, waxaana go’aansaday maalintii telka uu ii soo diray Ninkaa in aan bal tijaabiyo maadaama dhabta nolosha iyo riyada aan ku jiro ay aad u kala fogaayeen.

Anig oo sidii ula fadhiya wax jawaab ahna aanan siin ayuu hal mar igu yiri “sidee u aragtaa Jamiila in aan ku guursado, runta haddaan kuu sheegana macna badan ma suubinayso in aan maalin walba sheeko jacayl kuu sheego, dhabta ayaa waxay tahay in aan ka dharagsanahay shaqsiyaddaada, aana mar hore kuu xushay in aad noqoto Marwadayda, maxaa oran lahayd Jamiila”

Kor ayaan u eegay waxaana ku iri hadda jawaab kuma siin karo walaal, ii ogolow waqti aan kusoo fakaro waa maalintii iigu kaa horaysay wax walbnaa isla hadda kuuma balan qaadi karo aan soo fakaro, waadna mudantahay runtii Nin wax lala wadaago, maadaama damacaaga iyo dareenkaaga aad kusoo jaan goysay Riyada Nin iyo Naagba ay ku riyoodaan ee ah in ay Guri wada yagleelaan.

Waxaan usii raacshay ii dul qaado walaal Casayr, waxaana u baahanahay waqti aan arimahan kusoo gorfeeyo, wuuna iga aqbalay runtii isaga oo ay ka muuqato kalsooni baahsan kuna kalsoon in aan xeradiisa soo gali doono.

Kalsoonida ka muuqata iyo sida uu iigu qanacsan yahay waxay ahayd mid laga dheehan karay muuqaalkiisa gudaha iyo wajigiisaba, balse aniga waxaa ii sawirmayay in uu ninkan ii noqon doono waddada rafka ah ee uu ninka riyada ii yaboohay inta aanan isaga is hanan ka hor.

Waddo mugdi ah ayaa ii muuqatay, waxaan dhowr jeer is waydiiyay marba haddii aad nin jeceshahay isaguna uu ku jecel yahay waa maxay sababta keenaysa in is hanashadiina ka hor uu qof walba meel kusoo dhaco, micnaha uu qof walba guur soo maro, maxaysa dhadhan ah oo ay leedahay is hanashadiina marka qof walba macaanka xaragada iyo muudsiga jireed uu ka dhamaado.

Waxay la mid tahay adiga oo laguu calaameeyay maalinta aad dunida ka tagayso, inta ka horeysana laguu sii sheegay waxa aad noqon doonto iyo waxa aad la kulmi doonto, waxaan mar walba is waydiin jiray waxa igu dhacay oo iga duway dumarka oo dhan, maxay tahay riyadan isoo daba taagnayd maalinta aan dareen dumareed yeeshay ilaa maantadan?

inta uu ninkan igu dhurayo warkiisa oo uu ii sheegayo qorshihiisa iyo waxa uu iga damacsan yahay anigana gudaha ayaan kaligey is kala sheekeysanayay, dhowr su’aalood oo aan isaga qusayna waan is waydiinayay, waxaan ahaa maqane jooge, iyada oo ay sidaa tahay ayaan maalinkaa sidaa kusoo kala tagnay.

Habeenkii marki aan seexday oo aan is leeyahay bal xoogaa ka fakar oo dhinac walba aan ka eegay xaaladda ayaan iska seexday aniga oo isku qanciyay maadaama aan ahay Gabar wayn in aan u baahanahay in aan horey u socdo wiilkan iila diyaarka ah noloshana aan la qaybsado maadaama aanan waligey arkin wax i leh Nolosha ila qaybso, waxaana jiray Duruufo kale oo ii wehliya xaaladaha Noloshayda.

Waxaan ahaa Gabar yar oo iyada oo yar uu Aabaheed ifka ka haajiray, Hooyadeedna safar ay gashay lagu waayay oo Nolol iyo Geeriba aan lagu arkin, ciddoodana iyada u wayn, Adeerkay ayaa isoo kafaala qaaday oo isoo korsaday, maadaama waxbarasho heer jaamacadeed ahna aan gaaray, waxaan igu jiray rabitaan ah in aan adeerkay culayska ka dul qaado oo kasoo jeesto Guri aan aniga leeyahay.

Markaan indhaha sidaa isku galshay oo hurdada meel wanaagsan ii marayso ayuu is keenay Ninkii Riyada waaba kan isaga oo igu leh, “Jamiila guurso Casayr, waa Nin fiican, in aad guursatana waa qayb ka mid Waddada rafta ah ee aad iisoo mari doonto, kor iyo hoosna waa ku qasbantahay, aniga xitaa waxaan guursaday Naag oo ilmo ayaan leeyahay, ma ahayn in aan labadeena nolosha isku  bilaabano, sidaas ayaan anigaba jeclaa, jacaylkayga dhabta ah ee aan mar walba macaansado waa adiga, sidaas si la mid ah ninka riyadaada waa aniga.

Macaan Sharaf, nolosha waa mid dhinacyo badan, oo u kala hiilisa Dadka aan kala mudnayn in loo kala hiilsho, waan aqbalayaa Guurkaaga, waana kusii daynayaa, waan hubaa in aad iisoo laaban doonto, Riyo ahaana caawa ayaa iigu kaa dambayso, inta aad Ninkaas la noolaan doontana ma aqaan, balse waad iga nabad galaysaa, waad u qalantaa in aad faraxsanaato, waan ogahay in ay kugu dheeraatay riyadayda, muddana aad i sugaysay waliba muddo fog.

La soco Qaybta 4aad Axadda insha Allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

Xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN