Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                        Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 4AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

Waxaa tahay Gabadha Mucjisada ee aan naftayda u hibeeyay, waan ka xumahay aniga oo aaba ah ayaad ii imaan doontaa, waliba Laba Xaas leh, adigana waxaan ku heli doonaa adiga oo intan ka wayn kana caqli badan, dhabta nolosha ayaasa sidaas noo garatay, wax aan ka qaban karno ma jirto.

Macaan sharaf Jamiila waan dulqaadanayaa, ma jeclayn in Nin aan aniga ahayn uu jirkaaga taabto anigana sido kale Naag aan adiga ahayn, balse, Qaddarta Eebe ayaa wax walba ka wayn sidan ayaana loogu tala galay inay ahaato waan kaa sii tagayaa, balse waxaan hubaa in Casayr ku siin doono nolosha aad u qalanto waligaana agtiisa kuma dareemi doontid in aad Marti ku tahay, guurkiisana ma uu noqon doono mid aad ka shallaaysid, mid ayaansa dhagtaada ku dhibcinayaa Ninka nolosha aad kula qaatumaysan doontid waa aniga, aniga ayaana ii noqon doontaa Xaaska saddexaad, ma ogi kuumana sheegi karo in aad Caruur ii dhali doonto, balse Jacayl kan ugu macaan badan ayaad heli doontaa, ilana qaadan doontaa.

Waxaan kaaga tagayaa Farxad, Duni qurux badan, waligaa dhib ma arkaysid, ballanteenu waa xiliga kala guurka ee Casayr uu tagi doono anigana aan iman doono, Imtixaan yar ayaad la kulmi doontaa, balse ma noqon doono mid dhulka ku dhiga, waayoo aniga ayaa Wehel kuu noqon doono waana xiliga aad aniga i baran doonto ogaana doonto halka aan dunida uga noolahay, xiligaasna wuxu noqon doonaa xilli aan aniga ku wehlin doono micnaha aan xiriikaaga badin doono.

Kuma nooli dunida aad hadda ku nooshahay, waxaan ku noolahay Qaarad kale oo qaaraddaada aan ahayn waa sida aan is leeyahay oo uu dareenkaygu ii sheegayo, waan kuu faraxsanahay mar walba waana ku qanacsanahay qaabka nolosha aad mari doonto, hambalayo ayaan ku leeyahay haka laba labayn Guurka Casayr, si dhaqsa ah ku aqbal.

Waan hubaa in uu yahay Nin aan iga yaraysan igana shaqsiyad xumayn, by by by Jamiila, Nolol farxad leh ayaad u qalantaa, anigana waad iga heli doontaa, Casayrna sidoo kale wuu ku siin doonaa!

Waan ka xumahay in aan intan oo dhan kuu sheego, waan ka xumahay in aan kuusii bayaaniyo nolosha aad marayso, macaanka nolosha sidaa maahan, tanise waa mustaqbalkaaga, waa noloshaada, laga yaabee in aad si xad dhaaf ah niyadda iigu haysid oo iskey siisay, waana sababtaas sababta igu kalliftay in aan kuu sheego waxa aad noqon doonto mustaqbalka iyo waxa aad mari doonto mustaqblka aan tilmaamayo ka hor.

Waxaan soo baraarugay aniga oo ilmaynaya aadna uga naxsan waxa uu ii yaboohay ninka riyada, Magaciisa iima uusan sheegin, meesha uu ku noolyahayna wuxuu kusoo koobay in ay Qaarad kale tahay, wuxuuna ii sii yaboohay in Casayr uu noqon doono qayb ka mid ah Waddada rafka ah ee aan usoo mari doono hanaashadiisa, marna waan faraxsanaa maadaama yabooha noloshayda oo dhan uu faraxad iigu yaboohay taas oo Casayr iyo isagaba aan ka heli doono nolol wanaagsan, marna waan naxay oo waxaan ka naxay in aan noqon doono Marwo Nin kale sugayo ogna in ninkan waqti ay noqotaba ay kala tagi doonaan.

Su’aalo badana ayaan is waydiiyay, ma aaminsanayn runtii waxyaabaha qaar uu ii sheegayay ninka riyada sababo diimeed darteed, maxaa yeelay qof og ma jiro waxa maqan ama mustaqbalka aan Alle ahayn, hadana waxaa shaki mararka qaar isii galinayay sida uu iigu sii bayaaninayay talaabo walba oo noloshayda taas oo fajiciso igu noqotay.

Inti ay sheekada Jamiilo waday waan la yaabanaa sida ay shekada u sheegayso mararka qaarna waxaan Is dhahayay waa Sheeko Mucjiso ah, marka laga eego Ninka riyada iyo sida uu wax u sheegayo, waxaase isku qanciyay in sheekada gadasheeda dambe aanan gaarin, in aan sugto ayaana go’aansaday, aniga oo wax su’aal ah aan ka waydiin sheekada.

Sidii aniga oo u fakarayay ayey Jamiil oo galaas cabitaan ah oo markaas horteeda yiilay kabaneesa xagaygana soo eegaysa igula kaftantay sidan “ ka waran Maxamed haddaan ku dhaho Ninkaa adiga ayuu kuu ekaa”. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk inta yara qoslay ayaan ku iri ma aniga? Markaas ayay igu tiri dhabta ma ogi ninkaas muuqaal ahaan wuu kuu ekaa, balse, waa la ogaan doonaa anigana waan ogahay hadda ee aan sheekada kuu dhameeyo, markaas ayaan ku iri ii wad bal sheekada Mucjisada qalbiga ee Ninka riyada ayaad tahee.

Waxay tiri sidii ayaan Casayr kula Aqal galay waana jeclaaday runtii, aad ayuu ii kasbaday Casayr nolol macaan waan la qaatay, Shaqo ayuu iiga soo helay xitaa meeshii uu ka shaqayn jiray, nolosha waxaanu ku ahayn sida labada Kab ee la illado aysan u kala harin, meel walba waanu wada taagnayn, meel walba waan wada aadi jirnay, waqti walba waan isku faraxsanayn xitaa fasaxyo badan ayaan u wada aadnay Qaaradaha dunida shantoodaba, aad ayaan isku jeclayn xaqiiqdii.

Wax walba waanu wada haysanay, Dhaqaala nagu filan, Shaqo high class ah, Gawaari aad u wada qaali ah, Qanaaco nuuc walba ah, runtii casayr noloshayda aad ayuu u baddalay, anigana guuusha noloshiisa qayb wayn ayaan ku lahaa wuuna iiga mahad celin jiray mar walba, balse,waxaa jiray hal dhib kaas oo ah in aanan wax Awlaad ah isku dhalin, tijaabooyin badan oo Caafimaadna waanu marnay kuligoodna waxay caddeeyeen in labadeenaba aan wada caafimaad qabno dhan walba.

Farxad waanu wada haysanay, waxa kaliya ee midkeen walba uu tabayay ayaa ahayd awlaad la’aanta, taas oo saamayn xoogan ku lahayd qaabka nolosheena, waxaa dhici jirtay mararka qaar in uu casayr ooyn jiray isaga oo dhibsanaya wahel la’aanta gurigeena ka jirta.

Waxaa inoogu sii darnaa qoysaska aan kawada dhalanay oo cadaadiska nolosheena qayb ka wada ahaa qaasatan dhanka Casayr qoyskiisa oo ku cadaadin jiray mar walba in uu guursado gabar yar maadaama caafimaad ahaan uusan waxba qabin.

Waan ogaa aniga in culays badan uu igusoo fool leeyahay sidaa darteed, ma jeclayn in aan Baasiinka kusii shubo laabta casayr oo la gubanaysay wax aanan awood u wada lahayn labadeenaba waa ilma la’aanta.

Arrintaas iyada ah saamayn baaxad wayn ayey ku yeelatay qaabka nolosheena, runtii casary wuu i qaddarin jiray marnaba iguma eedayn in aan qayb ka ahay xaaladda daganaan la’aanta ee nolosheena.

Aniga waan dareensanaa in casayr caburnaanta uu la cabursan yahay cilladdaas ina haysata maalin ay noqotaba uu la qarxi doono, waxaa kaloo ii muuqday sababta aan ku kala tagi doono in ay taas noqon doonto.

Waxaa soo muuqday saan saanta wax badan oo uu ii sheegay ninka riyada oo aanan aaminsanayn balse markan uu waqtigu i tusayo, si kastaba xaaladdu ha ahaatee waan ku qanacsanaa qaabka nolosheena, aniga cadaadis ama culays badan iskuma saarin in aan isku mashquuliyo arrintaas dhalma la’aanta oo aanan waxba ka qaban Karin.

Waqtigu wuxuu is guraba, farxad maalinba maalinta ka dmabayso la wada qaataba, waxaan sidaa ku jirnay 9 Sanadood oo runtii nala ahayd in aan shalay is guursanay oo waqti badanba aanan is qabin, wax loo riyaaqo ayay ahayd waxaase ka dareemayay in uu soo kordhayo Cadaadis ka imaanayay dhanka Casayr Qoyskiisa oo ilma doonimo ku saabsanaa, isagana dhowr jeer wuu iska caabiyay ilaa markii dambe ay saamayn ku yeelatay waxa ay dadkiisa sheegayeen Fakar ahaan.

La soco qaybta 5aad Axad walba insha Allah

WQ/ Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN