Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                          Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 7AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

 

Waxaa meesha inooga bilowday is barasho wanaag ku salaysan oo runtii qof walba uu ku raaxaysanayay, wuxuu i waydiiyay halka aan joogo waana u sheegay isagana wuxuu ii sheegay in uu ku nool yahay Sucuudiga oo uu ka shaqaysto caruur iyo laba xaasna ku leeyahay, muddo 10 sano ahna uu meeshaa ku nool yahay.

Noloshiisa aad ayey u macayd, waxaa igu dhashay dhowr Su’aalood oo aan iska waydiinayay naftayda, Nin laba Naag qabo ayuu noqday Ninka riyada iigu imaan jiray, anigana waligey kuma fakarin in aan wax la wadaago Nin xaaladdaas ku sugan.

Waxaa igu dhashay in aan is waydiyo su’aalo badan oo noloshayda dambe ku saabsan, waxaa waliba ii sii dheerayd in uu iga fog yahay oo uusan ku noolayn halka aan ku noolahay, wax badan ayaan fakarayay maalin ayuusa i waydiiyay su’aalahaas ku saabsan xaaladdiisa, wuxuuna igu yiri “Jamiilo aniga xaaladdayda waa iska sidaa, haddii aad tahay Gabadha Mucjisada, anna aan ahay Ninka Riyada, caqabadaha badan ee noloshayda kuuma muuqan doonaan waadna igu aqbali doontaa, marka waxaan ku dhihi lahaa ka fakar noloshaada dambe yaysan kuu muuqan Naagaha iyo Caruurta aan qabo ee waxa kuu muuqdo ha noqdo aniga.

Inta inaga dhaxeysa ee aan wadaagi doono ayaa ka macaan muuqaalka aadan jeclaysan ee iiga kaa muuqdo, adiga dumar ayaa tahay meel aysan raga wax ka eegin ayey dumarka wax ka eegaan, garashada raga iyo dumarkase mar walba waa mid si u kala duwan.

Rag waa mas’uuliyadda waxa u muuqda, dumarkase wax kale uma muuqdaan aan ka ahay damacooda iyo dareenkooda ku salaysan waxa ay jecel yihin ayaa mar walba u muuqda, waxayna jecelyihiin in taas lagu qaddariyo loona daayo kaligood oo ma jecla in wadaag lala galsho, balse duruufaha dhabta ah ee nolosha ku hareeraysan ayaa taa diiday oo maanta dumar badan sida ay damcayeen ma ahan noloshooda ee waa sida ay ka badin waayeen oo duruufaha nolosha ay ku qasbeen.

Hadal qiima badan ayuu ahaa hadalkaas, runtiis ayeyna ahayd maadaama qofka Nolosha aan la qaybsan doono uu isagu ahaa, Khalad ayay igu ahayd in aan ka fakaro Xaasaskiisa iyo Caruurtiisa, hadana waa wax meesha iskaga jira balse, dhabta ayaa wax walba ka xoog badan, sidaas darteed, fakar dheer kadib waxaan goostay maadaama waxa i wada ee i haya aana dareemayo aysan wax sahlan ahayn in aan ku qaato sida uu yahay la igana doonayo in aan kasbado ninkaas noloshayda oo dhan igu wehelin jiray marka aan habeenkii indhaha isku qabto wax badan oo uu ii tilmaamayna ay noqdeen sidii  uu ii sheegay.

Dhowr Su’aalood oo ku saabsan riyada aan ku arki jiray ayaan isku dayay in aan wax ka waydiiyo, balse jawaabaha uu i siiyay waxay ahayd in sidaas si la mid ah aan riyo ugu imaan jiray, oo isagana dhinaciisa uu ka yaabanaa wax badan oo ay riyad u tilmaantayna uu toos u arkay, waxa dareenkiisa soo jeediyayna ay ahayd riyadaas aan ugu imaan jiray.

Yaab! aad ayaan ula fajacay waxaan is lahaa kaligaa ayaa riyo lagugu wehlin jiray, ileen anigana wiilka dhinaciisa ayaan ka haystay, waa wax cajaaib leh haddii uu wiilkaas ila joogi lahaa halka aan ku noolahay ama aqoon aan u lahaan lahaa waa hubaal in aan wax badan oran lahaa, balse, maxaan wax sheegaa wuxuuba ku noolaa Qaarad ka duwan midda aan aniga ku noolahay, inta aniga aan iskula yaabanaana wuu iskula yaabanaa oo riyada aan arkay ayuu arki jiray!

Waxaa intaas ii sii dheerayd dareen gaar ah oo baahi badan aan u qabay wiilkaas, xilliga uu ila hadlayana aan si gaar ah u dareemayay baahi dhankiisa ah ha ahaato hadalkiisa iyo shaqsiyaddiisa oo dhanba, waxaa kaloo jirtay in riyooyin dhowr ah oo baahidaydada dumarnimo ku salaysan aan habeenkii marka aan kali ku noqdo gogoshayda kula wadaagi jiray dhankiisa, balse taas ma aqaan in uu igula midaysnaa oo sidaa isagana uu iigu baahnaa, waxayse ahayd baahi daran oo dhankayga aan xagiisa uga qabay.

Dhanka kale waxaa culays wayn iga haystay dhanka ninkayga oo ila fahmi waayay waxa aan dalbanayo, isagu wuxuu ahaa mid jacayl daran ii qaba, sida aan aaminsanahayse wuu iga danaystay oo isaga ayey kasoo fushay in noloshayda nolol ka wanaagsan uu goobto, baahi badan oo dhankayga aan ka shaafin waayayna uu dumar kale ka raadsho, waa baahida owlaadda ku salaysan.

Runtii wax walba waan wadaagnay ninkayga, dunida meel aanan u dalxiis tagin ma jirto, dhaqaala waan isla tacabnay, gawaari iyo guryo qurux badan waan wada yeelanay, waxaan dhihi karaa wax inaga maqnaa ma jirin marka aan dhankayga wax ka cabiro, isaga waxaa ka maqnaa oo ku taagnaa oo kaliya xilliga uu aabe noqon doono oo mar walba waxaa saarnaa cadaadis dhanka dadkiisa ah, anigana waxaa igu taagnayd riyo aan yaraantaydii la noolaa goorta ay rumoobi doonto.

Waxaan ahaa qof la nool waaqica nolosheeda oo ogayd in xaalkuu uusan sidan sii ahaan doonin maalin ay noqotana ay soo gabagaboobi doonto nolsohan igala dhaxaysa ninkayga, runtii waxaanu wada ahayn laba qof oo ku kala nool laba xaaladooda, qof walbana baahi gaar ah iyo hammi gaar ah uu la noolaa.

Dhabtuse waxay ahayd xaaladdan aan hadda ku jiro in aanan filayn in ay kusoo aaddo waqtigan, shakiga ah in riyadayda ay rumoobi doontana wuxuu ahaa mid aan la noolahay, maadaama riyooyinka sida badan ay iska yihiin dhalanteed macaan badan.

Waad riyoon kartaa rajana waad yeelan kartaa, balse dadaal iyo ficil dhab ah haddaadan la imaan ma gaari kartid waxa aad rajaynayso ama aad ku riyootay, waxaan ahaa mid is waydiisa goorta iyo halka ay ka bilaabi karto in ay gaarto rajada ay qabto iyo riyada quruxda badan ee ay ku riyoon jirtay goorta ay dhab u dhadhamin doonto, is waydiinta naftaydase mar walba waa sii badanaysay!

Sida uu u guursaday ninkayga maba soo istaagin gurigayga taas sababteedana lug ayaan ku lahaa, toos uma dhihin ha ii imaanin, balse astaan ah in aanan raali ka ahayn ayaan u muujiyay isagana aqoon wacan ayuu ii lahaa iskumaba dhibin in uu isii wal walaaqo, micnaha uu isii qod qodo.

Xaalkeenu marba marka dambaysa wuu sii cuslaanayay, isaga raja ayuu lahaa wuxuu is lahaa marka ay cara baaba’do dib ugu laabo reerkaaga oo marnaba kama go’nayn in uu isii daayo, balse aniga waxay ii ahayd maqnaashihiisa jaanis kale oo aan kusii riyoodo iskuna tusiyo wax badan oo aan jeclaa in aan kali la noqdo.

Waxaanu ahaan jirnay ninkayga Lamaane aan kala harin oo goorta ay shaqa tagayaan iyo goorta ay socod gaaban soo qaadanayaan isku lamaanan oo kala harin, dadka meesha aan ka daganayn magaalada nala daganaa waa ay ina garan kareyn, oo marka ay arkaan mid naga mid ah oo kaligiis socda way na waydiin jireen halka uu jiro kan kale.

Inta uu iga maqanaa ninkayga su’aalahaas ayaa igu batay, maxaa idin ku dhacay, ma nabad qabaa Casayr, masoo laabanayaa, xaguu aaday? kaligaa kuma qurux badnid socodka, ayaantan waad aruurtay, waad xir xirantay, sida aad ahaan jirtay ma tihid iyo su’aalo badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin qaarkoodna qalbiga i walaacin jiray.

Cidlo in aan ahay wey u muuqan kartay dadka i garanayay, balse dhabta waxay ahayd in aan ku batay dhanka saxaafadda bulshada, halkaas oo aan ka waheshan jiray ninkayga  riyada, kaas oo runtii u taagnaa in uu illowsiiyo xaaladda adag ee aan ku jiray.

Jawiga uu i galin jiray ninka riyada ayaa ahaa jawi marba nuuc ah, mar wuxuu iiga oohisiin jiray jacaylka dhabta ah ee inaga wada dhaxeeya, calooshayda ayuu kolba dhan u gaddin jiray, kolna wuu iga qoslisiin jiray, mararka qaarna hadalo dhawaqooda meel gaar ah taabanayaan ayuu igu dhihi jiray, kuwaas oo aan jeclaa ka fakariddooda in aan sariirta kula kali noqdo.

Runtii jawiga noloshayda oo dhan ayuu baddalay wiilkaas, ha noqoto dhan walba, waxaan gaaray heer aan u quuto wahelnimadiisa sida cuntada oo kale, in aan la hadlo balwaddayda ayey ahayd mar walba la hadliddiisa ayaa sida baahida cuntada ii qaban jirtay.

Isaga horey ayuu iigu balan qaaday in uusan marnaba cidlo iyo carro nafsi ii ogolaan doonin, waxaana la dhihi karay ballantaas oofinteeda ilaa xad wuu ii muujiyay, waxaan ahaa Marwo cidlo ah oo ninkeeda uusan la joogin, hadana wahel fiican oo runtii aan xad gudbin ayuu hawada iiga ahaa.

La soco qaybta 8aad Axad walba insha Allah

WQ/ Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN