Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                          Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 8AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

 

Ma jeclayn runtii in aan wax la wadaago nin kale aniga oo xaas u ah Casayr, balse cidlada iyo xaaladda adag ee aan galay ayaa igu qasabtay in aan wahel la noqdo waxa naftayda ay jeclayd.

Casaryka saygayga ah way ku adkayd in uu si fudud igu sii daayo, isaga wadda kaste iyo tilmaan kaste oo aan ku garan karo in uusan doonayn in uu i fasaxo wuu ii muujiyay, anigana sidoo kale waan u muujiyay in qalbigaygu guuray  uuna galay safar uu muddo dheer ku taamayay goorta uu bilaaban doono..

Dhowr jeer ayuu iga codsaday Casayr in aan u sheego haddii ay jiraan rag kale oo ay wax igala dhaxeeyaan amaba aan wax la wadaagay, hadalkaas marka uu i leeyahay wuxuu dareemay wax badan, wuxuu dareemay in aanan danaynayn wahelkiisa, in aan wali sidii u qurux badanahay oo aysan iga muuqan isku buuqid iyo kalinimo, maxaa yeelay aqoonta uu ii lahaa iyo waxa uu iga maleynayay iyo waxa uu iga arkay ayaa aad u kala duwanaa, taas ayaana keentay in uu laabtiisa ku qarsan waayo su’aalaha qaar.

Dhowr jeer ayaan la kulmay casayr oo aan kula kulmay meel ka baxsan gurigayga, wax kale kuma saabsanayn kulankaas ee wuxuu ahaa mid aan ku dalbanayay in uu madaxayga ii fududeeyo, waxaan u sheegay in aan galayo safar dheer oo aan la aqoon goorta uu dhaman doono, waxaase u sheegay in safarkayga uusan ahayn mid hadda soo bilowday qorshayntiisa.

Wuu la yaabanaa safarka aan ka hadlayo, waxaana dhacday in uu i waydiiyo su’aal ahayd “inta aad ila noolayd ma safar qorshayntiisa ayaad ku jirtay, waa maxay safarka aad ka hadlayso?

Si sarbeeb ah ayaan ula faqayay, sarbeebtayda qaar ee ku aaddanayd xagiisa wuu ila fahmi karay, isaga ujeeddo ayuu lahaa, ahayd in uusan marnaba i sii dayn, anigan ajeeddo ayaan lahaa, ahayd in aan ka dhamaado nolosha Casayr si aan u guda galo nolosha aan ku taamayay waligey.

Culayska casayr igu hayay waxaa ii sii dheeraa labadayada cid oo aad u taageersanaa in aan la i sii dayn, maxaa yeelay waxay ogaayeen heerka wanaagsan ee macaanka badnaa ee uu guuurkeena soo maray iyo sida wanaagsan ee aan u wada noolayn aniga iyo ninkayga.

Wax xaaladdu sidaa ahaataba waxaa xaga allah kasoo fududaaday furriinkii aan ka sugayay Casayr, markii la i furayna uma sheegin Fowzi oo ahaa wiilka riyada aan ku arki jiray, waxaan is lahaa inta aad ka cudda dhamaysanayso iska sug oo waxba hala socodsiin, waxaan ka cabsanayay in hammigiisa uu kor u kaco oo i sugan waayo, balse, wax walba oo aan ku qiimeeyo fowzi wuu ka sarreeyay, runtii oo wuxuu u diyaarsanaa in uu waqti walba i sugto, wuxuu mar walba igu guubaabin jiray in aan ka fogaado wax walba oo Xaaraan keeni kara, micnaha in aan dadajiyo Ninkayga oo aan qasab igu fur dhaho, si aan isaga ugu soo dag dago, taas oo runtii aad uga fogaan jiray.

Waxaa ila soo darsay xaalada adag oo dhanka dhaqaalaha ah kadib markii aan kaligey ku noqday guriga aan daganaa oo biilkiisu badnaa, taas waxaa iisii dheerayd in marka aan kala tageynay Casayr aan ahaa shaqo la’aan, xoogaa lacag meherkayga ahayd oo aan ka sugayay in uu isiiyana dib u dhac ayaa ku yimid.

Waxaan galay xaalad adag oo waligey aanan filayn, waan shaqayn jiray hadda shaqo la’aan ayaan noqday, xitaa biilasha noloshayda ayaa igu adkaa in aan iska maareeyo, runtii xaaladda dhinac qalbiga ah ee aan ku jiray waxaa ii sii dheerayd xaalad adag oo dhanka noloshayda ahayd.

Wax badan oo aan is lahaa waa is baddali doonaan isma baddalin dunidayda oo dhan ayaa kala gaddis igu noqotay, sidaas ay tahay xiriirka aniga iyo wiilka riyada Fowzi wuu sii badanayay.

Inta aan ciddada ku jiray dhowr jeer ayuu igu soo laabtay casayr oo isaga naftiisa guurkii uu sameeyay uusan ka helin nolosha uu rabay balse uu ka helay awlaaddii uu raadinayay, farqiga inoo dhaxeeya labadeena ayaa ah in isagu uu helay wixii uu doonayay, anigase aan wali baadi goob ugu jiro ninkayga riyada.

Dalabka casayr wuu iska caddaa, wuxuu lahaa Hammi ah in uu dib isoo ceshto, taas fulinteedana wuxuu usoo adeegsaday walaalkey ila dhashay oo markaa daganaa magaala yara naga fog.

Casayr waxay la ahayd arrinkeena mid uu aad u cuslaystay uuna qaadan waayay, taas oo keentay in ehelka labadayada cidba uu soo adeegsado, runtii culaysyo badan yaa la i saaray, kuwaas oo lagu doonayay in dib aan iskugu noqono Casayr.

Waxaan maqli jiray qof meel u caddahay meeli ka madow, Iftiin ayaa wuxuu iiga baxayaa Qaarad kale, iftiinkaas oo aan muddo ku haminayay in aan gaaro, waa iftiinka wiilka riyada.

Go’aan ayey iga ahayd in waqtiga ay doontaba ha igu qaadatee aan wiilka riyada nolosha la qaybsado hadduusan Mowtku nakala wadin, waxaas jirtay caqabado badan oo dhanka noloshayda ah.

Da’daydu waa 40 sano, Fowzi oo ah ninkayga riyadana  waxaan ku qayaasay in uu yahay 30 meelahaas, aad ayuu iiga yaraa balse, wuxuu ahaa Aabe aad u Mas’uuliyad badan, waxaan goostay markii aan cudada dhamaystay in aan u tago oo la kulmo waliba meesha uu joogo.

La soco qaybta 9aad Axad walba insha Allah

WQ/ Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN