Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                         Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 9AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

 

Waxaa igu jirtay cuqdad ah in aan ahay qof wayn oo waqtigiisa aan la jaan qaadi kariin,  oo waxaan ku fakarayay sida aan ula qabsan doono nolosha nin iga fog ee aan sakan noloshayda ka mid ah hor fariisan lana hadlin, marka laga reebo inta aan ku qaadaano baraha bulshada.

Is waydiinta qalbigayga uu su’aalo badan is waydiinayo ma ahayn wax kow iyo laba la dhihi karo, waad cabiri kartaa qof guri uu daganaa ka guurayo una guurayo guri kale xaalkuna sida uu noqon karo uusan ogaan karin balse sawirashada guud ee xaaladda aan doonayo in aan galo ayaa ii ahayd mid qurux badan .

Kulan walba oo labadeena inagu dhex maro barta aan ku kulano ee bulshada wuxuu ahaa kulan qurux badan oo qof walba isaga oo qofka kale xiiso u qabo uu ka bixi jiray qadka.

Xaqiiqda marka laga hadlo aniga aad ayuu ii qaban jiray la hadalkiisa oo codkiisa oo kaliya ayaa ii ahaa dab qaadasho marka aan hoos ahay ama si aan u qalbi jabsanahay aan isku qanciyo.

Cillado badan oo aanan ku xulan lahayn ninka aan shaqsi ahaan u doonayo wuu lahaa, hadana qalbigayga rabitaankiisa ayaa wax walba ka badnaa oo qurux iyo qiima gaar ah ayaa iiga muuqatay wiilkaas riyada.

In si tartiib ah oo daganaan iyo shallayto la’aan ah aan u wado xiriirka igala dhaxeeyo ayaan jeclaa, xaalado badan oo aan is lahaa amey dhankiisa ka culus yihiin waa jireen, balse waxaan doonayay in aan si hoose u ogaado aniga oo kaliya, ma doonayn in aan isaga toos wax u wadiiyo, waxaan is lahaa waad heli kartaa waddooyin aad ku ogaato waxa aad xagiisa ka doonaysid.

Aniga xagayga xaalkayga waan ogaa waqtina waa igu socday isagase ma dareensiin in ana doonayo la kulankiisa si waliba dag dag ah, si haddii aan calaf ugu leeyahay in aan noloshiisa qayb ka noqdo uusan waqtigu iiga lumin.

Qorshayn iyo qaabayn badan kadib waxaan isla garanay in la gaaray waqtigii la kulmi lahaa labadeena qofka fududna uu aniga ahaa maadaama xaga safarka labadeena uu xagayga ka fududaa.

Runta marka aan ka hadlo waxaan tijaabinayay in uu yahay Nin u diyaarsan xaalad walba oo aan ku suganahay, uma dirin wax sawirkayga ah, umana shegin da’dayda, maxaa yeelay waxaa iga go’nayd haddii uu war ka keeno shaqsiyaddayda in aan isla meesha kasoo laabto, qalbigaygana aan ka aamino qalbi riyooday Riyo been ah oo wax walba ay been ahaayeen.

Waxaan u shegay maalinta aan kusoo fool leeyahya Waddanka uu joogo magaaladiisa, waxaana ku iri igu sug Airportka sidii ayuuna yeelay, wuxuu yimid isaga oo wata Gaari uu markaa kasoo qaatay Shirkad uu u shaqaynayay.

Waxaan kasoo baxay qaybta imaatinka, aniga sawirkiisa ayaan haystay muuqaal ahaana waan aqiin isaga waxba igama garanayn muuqaal ahaana ima aqoon, balse, codkayga ayuu aad u yaqiin maadaama Telka aan wax badan ku wada hadalnay.

Markii aan kasoo baxay Garoonka ayaan arkay isaga oo meelaha day dayaya isna leh talow aaway qofkii soo socday ayaan soo garab istaagay halkii uu taagnaa, waxaana ku iri maxaa raadinaysaa Fowzi, yaasa sugaysaa? isla markiiba codkayga ayuu aqoonsaday, aad ayuu u muusooday, wuxuu ahaa Nin aad u qiimo badan diintana ay ka muuqato, aad ayuu isku dhowrayay waana dareemayay iguma soo boodin, balse, faraxad ah in uu i arko wuu muujiyay, isla markiiba waxaan ku iri meel wanaagsan na gee inta aanan hoteelka tagin, waana ogahay magaalada in aad Xaas ku tahay ma rabo in aan ku dhibo, waxaan doonayaa in aan waqtigayga ku qaato Hoteelka aan dagi doono, balse aan is waraysano waqti haddaad ii haysid.

Waxay ahayd Galab Khamiis ah, wuxuu igu yiri shaqo ayaan rabaa in aan soo kala tuuro horta soo bax aan ku geeyo hoteelkaaga kadib ayaan kuu imaanayaa sidii ayaana isku raacnay oo hoteelkii la igu geeyay, aad ayuu u faraxsanaa wuxuuna iigu sii bishaarayay in uusan dookh xumayn oo uu ku qanacsan yahay muuqaalkayga danna kama galin Cimrigayga nololeed, taas oo runtii aad ii farax galisay, maxaa yelay waxaan is lahaa muuqaal ahaan maba xumid ee Da’daada amey Cilad noqotaa!

Wuu iga tagay markii uu soo dhamaystay shaqadii ayuu ii yimid, isla markiiba wuu i kexeeyay oo meel wanaagsan oo sheekada ku wanaagsan ila tagay, is waraysi kadib wuxuu ii sheegay in uu wax walba diyaar u yahay micnaha guurkayga, waxaan ku iri hadda uma iman Guur, in aan ku arko oo kaliya ayaan u imid waan laabanayaa markaas ayaan si fiican isku soo habaynayaa wuuna iga aqbalay runtii.

Wuxuu ahaa safarkayga safar lagu raaxeestay oo runtii ka qiima badnaa safarada noloshayda oo dhan, waxay ii ahayd riyadayda oo rumowday, waxaana goostay in aan la wadaago Nolosha Fowzi oo  ii ahaa wiilka riyada nasiibna aan leeyahay haddaan maanta Nolol ku helay kuna arkay.

Kadib laabashadayda waxaa is badashay noloshayda oo dhan, waxaa jiray Rag badan oo cidaheena ah iyo rag badan oo ka socday Casayrka aan kala tagnay cidihiisa kuwaas oo kulli is lahaa dheemantan lama helaanka ah haddii jaanis xageeda kasoo baxay yaysan idinka fakan.

Waxaan u diyaar garoobay in aan noqdo Marwada fowzi, waxaana ku heshiinay in aan soo laabto oo ku aqal galno isal Sucuudiga, balse, ku aqal galno Magaalo ka duwan magaalada uu Ilmiha iyo xaaska ku leeyahy, nasiib wanaagna meesha uu ka shaqeeyo waa ka fogayd meesha ay ku noolaayeen Xaasaskiis iyo Caruurtiisa, taas oo ii sahalaysay in aan muddo kooban isku ogaado wiilka riyada kaligay oo aanan galin wax la dhaho qayb ama tookaysi.

Muddo Sadex Bil markii aan ka maqnaa ayaan imid sidii ayaana ku aqal galnay halkii aan isla qorshaynay ayaana dagnay, nasiib wanaag bishii ugu horaysay ayaan Uur horey ka yeeshay, uurkaas oo noloshayda oo dhan dhinac walba u baddalay, runtii ma filayn in aan waqtigan wax dhalayo, rajadaydase mar walba kor ayey ahayd oo waan ogaa in sababta la ii jiidayo ay ku jireen, deeq Alle ayeysa ahayd.

Waxaan ogaaday in Nolosha labada qof ee wada wadaagaysa ay u baahantahay mar walbe in uu jiro wax la dhaho click micnaha is taabasho xaga qalbiga ah, micanha bar isku calaamaysan oo qalbiyada labada qof ah, taas oo is taabata si labada qof ay isku hammi iyo isku hadaf uga noqdaan noloshooda dambe.

Haddaan wax yar milicsado Noloshayda Casayr aan la qaybsaday waa ay wanaagsanayd, mid farxad lehna waa ahayd, balse, mar walba waxaan dareemayay in wax uun ay dhiman yihiin, halka isaga uu ilmo aad u doonayay aniga ilmo maba iga hayn oo hammi kale ayaa igu taagnaa kaas oo ah goorta aan la midoobayo ninkayga riyada, marka si walba oo nolol wanaagsan loo helo haddii qalbiga uusan isku furnayn micnaha si dhab ah uusan isku dareemayn mar walba noloshaas waa nusqaan, way dhici kartaa in xitaa Dadka ayaga oo caruur leh hadana qanaaco qalbi aysan meesha jirin, oo nolosha dadkaas ay kusoo koobmayso oo kaliya aan iska asturano Dunida dhibaatada badan, taas oo runtii la dhihi karo ma ahan nolosha dhabta ah ee wadaaga mudan.

Sheekadaas ay ila wadaagaysay Jamiila waxaa iiga muuqday xiliga ay sheegayso in ay aad ugu raaxeesanaysay qaabka ay nolol ahaan hadda ku nooshahay, waxaansa waydiiyay ma isla nooshihiin Fowzi? waxayna iigu jawaabtay maya islama noolin aniga Yurub ayaan daganahay isagana Sucuudiga ayuu dagan yahay xiliga aan rabo aniga ayaa u tago.

Waxaan waydiiyay soo lama dhihi karo wali noloshaada kaamil maahan? waxay iigu jawaabtay waxa kaamilka iyo qanaacada u baahan in uusan jismiga ahayn ee uu qalbigu yahay, qalbigeedan uu hadda nasiino ku jiro qanaaco wanaagsana ay haysato, maadama ninkeeda riyada ay heshay, allana uu ka siiyay Ubad, waqtiga dhowna ay rajaynayso in ay si dhamaystirin u midoobaan.

Waxay tiri “Nolosha waa sida aad u doorato uguna qanacdo, ma jiraan wax la dhaho is kallif, muhiimadda waa qanaacada qalbiga taas ayaana saldhig u noqon karta qaabka loogu guulaysto nolosha dhabta ah ee loo aayo”.

Waa hadal xikmad leh runtii oo aan u riyaaqay, waxaa jiro wax badan oo ay ii sheegtay jamiilo oo ku saabsan nolosheeda, balse, aan is iri munaasab kuma ahan sheekada in hadda lagu sheego sidaas ayaana jeclaan lahaa in aan kusoo gabagabeeyo sheekada Milicsiga Nolosha, waxaasa iga su’aal ah qaabka riyada labadan qof ay waligood isku arki jieen ma yahay wax dhici kara? waan la yaabay runtii oo waxay ahayd wax igu cusub in labadaas qof sidaas isku dareemaaan hadana balan qaad uu qof walba qofka kale riyada ku siiyo, ugu dambayntiina la isku hanto!

Waan idinkaga mahad celinayaa waqtiga badan aad ku bixiseen aqriska sheekadan, waan ka cudur daaranayaa haddii aan isticmaalay erayo qaar aan munaasab ku ahayn anshaxa wax qosirsta, waxaan rajaynayaa in aad iga cafin doontaan wixii Gaf ah ama garaad yari ah oo aad sheekada qaab qoraalkeeda ka dareenteen.

Waan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago sheekooyin kala duwan waana idinla wadaagi doonaa waqiga dhow insha allah sidaas si la mid ah qoraalo kale oo xikmadaysan.

Waxaan u mahad celinayaa Abwaan C/rixiin H. Galayr oo qayb wayn ku lahaa xulista iyo qaabaynta sawirka farshaxanka u ah sheekada, iyo dhamaan aqristayaasha iyo Websityada sheekada gudibyay ayagana waa u mahad celinayaa.

dhammaad

W/Q Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN