Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                           Milicsiga Noloshayda.

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 1AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

Waa galab Casir liiq ah goobtuna waa Dubai, Suuqa yar ee ay Soomaalidu ka adeegato, Jawiga waa jawi dagan oo ma jiro kuleelka daran ee lagu yaqaan Magaaladaas, mana jirto Dabaysha duusha ee haddii uusan dhismaha la dhisay jiri lahayn Ciidda faraha badan bitin lahayd.

Waa galab aan doonayay in aan sameeyo xoogaa yar oo dukaamaysi ah oo aan ugu tala galay Ilmaha iyo Hooyadood aan samaynayay, waa waajib saran Aaba walba haddiiba uusan fara marnayn marka uu Safar dheer galo in uusan fara marnaan Xaafadda kusoo laaban, taas oo ay haddii ay dhacdo Qalbi jab ku abuuri karta Dadka uu u yahay Iftiinka Dunida (Qoyskiisa)

Sidii aniga oo xulasho ugu jiro ayaa waxaa mar qura indhahayga qabteen Qof Dumar ah oo sidaa ii eegaysa lana yaaban sida aan is iri sida aan wax u kala xulayo ulana tashanayay marark qaar dumarka dukaanka ku dhex jira si ay iila xulaan Dhar ay ku farxaan gabdhahayga iyo hooyadood.

Waxaan soo baraarugay indha qabadkaygii ku xigay dhawaq ay ii dhawaaqayso qofkaas igu dhaygagay iyada oo oronaysay markaa “Xaaskaaga aad ayey u nasiib badan tahay iyo gabdhahaaga maadaama aad noloshooda qayb ka tahay, dad badan oo kula mid ah ayaa jira balse aan ka helin Nolosha wixii ay mudnaayeen”.

Isla markiiba waan tabay oo dareen ayaa igu dhashay ah in qofkan dumarka ah ay tiiraanyo gudaha ah la gubanayso, wax badan oo nolosha ay u doortayna aysan ku qancin, balse, Shaqsiga ay tahay iyo waxa ay damacsantahay waa midda aan go’aansaday in aan wax ka ogaado maadaama aan ahay qof u nugul in wax walba oo Dadka faa’iido u yeelan kara aan la wadaago umadaha kale, ayna ii tahay Khibrad Nolosha ah in aan ogaado Dad badan oo ku nool xaaladaha adag ee nolosha, waan runteed sida aan aaminsahay in nolashu ay tahay Manaxdo aan mudnaateeda siin qofka ka mudan.

Aniga oo la kaftamaya ayaan inta u yara dhawaaday ku iri “muuqaalkaaga macnaha uu bixinayo waa ka duwan yahay tilmaanta gudahaaga kasoo bidhaamaysa, ee mudaney Marwo waad tahay sida maankayga ii tilmaamayo, ma jeceshahay in aad ila wadaagto Murugada ku gubaysa mise Madoobe aan la aqoon baan ahay, macna badana u suubinayn maaddada Sheekadaada?

Inta yara dhoola caddeysay ayey igu tiri “ma ihi shaqsiga aad moodday, Madoobo aan mudnayn in loo sheegaa madasha sheekadayda shaqsiga ah ma tihid, ee magacaaga walaal? markaas baan u raacshay in Maxamed ay iigu waqlashay Maamadii i dhashay, Mas’uulna aan ahay, malaayin sheekana lagu aaminay.

Kaftan yar ayaa inagu dhex maray goobtaas, waxaan ka codsaday in ay ila xusho Dharka Hadaiydda ahaa ee aan ugu tala galay xaaskayga iyo caruurtayda, si wanaagsan oo hagar la’aan ahna waa iila xushay, waxaana ka codsaday maadaama aan Magaalada sii joogayo Laba Maalin oo kale in aan mar wada qadayno sheeko wadaagna aan noqono, sheekada aan markaa u dan lahaana waxay ahayd Guuxa gudaheeda ka baxayay ee tilmaanta ay ku cabirtay markii ay afka ii kala qaaday.

Si wanaagsan oo sharaf ku jirto ayey iiga aqbashay waxayna ii sheegtay in iyada xitaa ay dhawaan bixi doonto hal Maalin oo qura ay iga damabayn doonto kuna laaban doonto Waddankii ay ka timid ee ahaa waddamadan Galbeedka mid ka mid ah waasa sida aan qaysaayay, inkastoo mar aan waydiiyay meesha ay ka timid ay iigu gaabisay in ay tahay Reer Yurub, hadana ma sii waydiin halka ay kasii timid maadaama aan isku cusbayn una arkay in aan warka sii balaarsho in munaasab aysan ahayn.

Sidii ayaa lagu ballamay, taleefonada ayaan kala qoranay si la isaga warqabo hadhowna u sahlanaato isi soo qabashada dambe ee kulankeena ku saabsan, taas oo runtii anigana muhiim ii ahayd sida aan u arkayay iyadana u ahayd Nafis ay ku nafisto ugana nasato Murugta badan ee maankeeda markaa ka guuxaysay.

Qaabka ay u dhawaaqayso ayaa laga dheehan karay in uu ku jiray dareen ay wax ku tabanaysay, doonaysayna in ay la wadaagto qof uun, si ay ugu yaraan u dareento nafis dhanka laabta ah.

Sidii ayaan galabtaa kusoo kala tagnay, muuqaal ahaan runtii aad ayey u dhisnayd, waxay ahayd qof joog ahaan iyo Jamaalba wadata, balse gudaha ka xanuunsanaysay doonaysayna in aan laga dareemin, wax walba sabab ayey leeyihin, kulanka sida kadiska ah inoogu dhex maray labadeena goobtaas ganacsi ujeeddo ayuu Alle ka lahaa, balse, ma ahayn mid labadeenaba aan qorsheynay, qof walbana kan kale uu ku raadinayay.

Waqti kadib ayaan wacay waydiiyayna Waqtiga munaasabka ah ee ay ila kulmi karto, waxay iigu war celisay in aan waqti walba uga dhigi karo maadaama wax sidaa ah oo iskaga dhex qasan aysan jirin, waxayna ii sheegtay kulanka in ay jeclaan lahayd in lagu aaddiyo Habenkii Cishaha kadib, waan ka aqbalay runtii maadaama Magaaladaa aan habeenkii laga seexan sida badan, dadkuna ay yihiin kuwa sidaa u dureera Dariiqyada Magaalada.

La soco Qaybta 2aad Axadda insha Allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN