Naftaada dib u hel. Qore: Maxamed Muuse Sh Nuur.

Naftaada dib u hel. Qore: maxamed Muuse Sh Nuur. 
Lumid la lumo waxaa ugu xun tan uu qofku lumiyo naftiisa taas oo hadana ay uga sii darantahay isaga oo warba u hayn in uu waa hore lumay oo jahadii uu u socday jaho aan ahayn wajiga saaray.
Qof ma garto in uu lunsan yahay oo safarkiisa lumidda ah ayuu iska sii wataa ilaa Ajasha ay ugu timaado isaga oo soo baraarugin ogayna halka ay wax ka qaldameen iyo natiijadiisa waxa ay ku dambayn doonto.
Balse qofka garta in uu lunsan yahay mar walba waxaa u bannaan jaanis uu naftiisa dib ugu jihayn karo, dibna uu ugu hagaajin karo,  laakin garashadaas uu gartay in uu lunsan yahay ayaa u furta wadda kale oo walwal leh taas oo iyada nafteeda caqabad daran ah, balse sida uu ula qabsado xalkana u helo ayey ku xiranaataa natiijadiisa waxa ay noqon doonto.
Waa qasab in aad walwalayso adiga oo dadaal dheer, waqti dheer iyo enerjiba ku baxshay sida naftaada ay jihada ay leedahay ku gaari lahayd hadana gadaal aad ka ogaato in jihada aad kusoo daashay aysan ahayn tii aad tiigsanaysay.
Waqti badan ayaa kaa lumay oo dib usoo celin karin, dadaal iyo xoogna kuuma yarayn oo markan waxaa noqotay qof kusoo daalay safarkii lunsanaanta oo kusoo dhammaaday meel muhashadaada aysan marnaba filayn, waa niyad jab xun runtii dadka qaarna isla meeshaas ayey ku go’aansadaan in aysan horey u socon karin ayna ku qasban yihiin in ay rarkooda ku furtaan halkaas ay jahada uga luntay, isla meeshaasna ay jihadooda u baddashaan.
Wax walba oo la sameeyo laba dhinacba waa yeeshaan dhinac qasaaro iyo dhinac faaiidaba, balse waxay ku xirantahay sida aad u aqbasho natiijadaas aadan dooran balse danta kugu qasabtay.
Dadka qaar waa u aayaan oo farxad iyo wax aysan ka filayn jahada ay u socdeen ayey ka heelaan, qaarna qasaaro iyo quus qalbi ayey meel la yuurarsadaan niyad jab ay ka qaadeen natiijada xun ee ay dhaxlayn darteed, dadka nuucaas ah waxay ku qasban yihiin laba mid, in ay nolosha ka dhacaan iyo in ay inta dib u hilhishaan ay jaha cusub samaystaan dibna isku abaabulaan.
Laakin qofka haddii uu lahaa qorshooyin ayna jireen hadafyo uu lahaa waxaa yaraada markaas walwalkiisa, maxaa yeelay, wax walba uu sameynayo natiijada ka imaanaysa ayuu u diyaarsanaa dhinaca ay noqoto aqbaliddeeda.
Haddii aad ogtahay oo kala baandhayso waxa muhiimadda kuu leh oo kala hormariso ajandayaashaada markaas waxaa tahay qof qorsha ku shaqeeya, qorshana ku nool, waxa uu qabanayo xog ogaal u ah, natiija kasta uu helan dhib aan u arkin.
Waxaad noqonaysaa qof dadka waxa ay ka aaminsan yihiin iyo waxa ay u maleeyaan aan muhiim u arkin, sidoo kale waxaad noqonaysaa qof garan kara qiimaha iyo xaqa uu u leeyahay In uu noloshiisa jiheeyo sida uu doonana u maamusho.
Noloshaada Alle adiga ayuu hogaankeeda kuu dhiibay kuma dhihinn hebel raac oo sida uu u nool yahay u noolow iyo hebel u ekow ama isaga iska dhig, waxaad ogaataa in hebel Alle samaystay adigana ku samaystay, haddii uu Alle doonayo in aad hebel u ekaato ama isaga camal noqotid in aysan agtiisa waxba ka ahaan lahayn ama ka ahayn in uu sameeyo hebelka aad doonaysid in aad noqoto isaga oo laba ah oo isku qaab, isku fakar, isku caqli iyo isku dhaqanba ah.
Qiimahaaga qofnimo waa mid uu Alle qofna kula wadaajin, nolosha dunida sideedaba waa wadaag, la doonayo in aad wax kusoo kordhiso waxna ka dhinto adiga oo mar walba wax ku qiimeynaya heerka garashadaada iyo xaqiiqda aad nolosha ka baratay .
Qofka waa u bannaantahay in uu kaga daydo qaybaha wanaagsan ee noloshiisa dhaxalka u noqon kara waxna ku kordhin kara qiyamka qaab nololeedkisa, sidaas si la mid ah ayey dadka ayagana kaaga dayanayaana waxa wanaagsan ee ay u arkaan in dantooda ay ku jirto.
Hadaba marka aad dib u heshid naftaada kala garatidna waxa naftaada danteeda ah iyo waxa danta aysan kuugu jirin markaas waxaad garanaysaa heerka aad taagantahay, halka aad ka timid iyo safarkaaga dhirirka badan jihada uu ku jihaysan yahay ilaa ajjasho kuu timaado.
Intaas marka aad garato waxaa yaraanaya walwalkaagaa, waxaa kobcaya qaab fakarkaaga, waxaa noqonaysaa qof ay u xisaabsantahay tallaabo walba uu qaadayo, garashana waxaad u yeelanaysaa talaabo walba iyo ficil walba natiijada aad kala kulmayso inta aadan samayn, waxaa hagaagaya doorashadaada, waxaa dagaya qalbigaada oo walwal kuma noolaatid, waxaa yaraanaya quusashadaada iyo canaaanta aad naftaada kala duldhacdo, waxaa badanayo farxaddaada iyo mahdinta naftaada, waxaa kordhaya kalsoonidaada, wajigaaga mar walba astaan dhoola caddayn ayuu yeelanaya, waxaa yaraanaya filashada sababta niyadjab kugu dhici lahaa, waxaa kuu dhismaya darbi difaac aan la dumin karin leh, waxaad ogaanaysaa heerkaaga nolosha iyo macnaha uu qof walba kuu leeyahay, waxaad ku faanaysaa naftaada, waxaana mahdinaysaa meesha aad soo gaartay oo mar kula ahayd buur fuulitaankeeda aysan kuu suuroobin
Yabooha dhabta ah ee noloshana gacantaada ayuu soo galaya, isla adiga ayuuna noqonayaa qofka mar walba go’aanka noloshiisa jihada uu rabo u jihaysta.
Dhammaad
Waa ku mahadsantihiin aqirinta aad aqiriseen, fakarkiina iyo taladiina waa ii muhiim, xor ayaana u tihiin in aad ila wadaagtaan.
Qore: Maxamed Muuse  Sh Nuur
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN