NASRO. (SHEEKO GAABAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

sh

Nasro
(Sheeko gaaban)
Waxaan ka mid ahay Hablaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku dhashay, waxaa dhacday in markii aan jiray Da’da 14 aad waa xilliga qaan gaarnimadayda la iga helay Cudurka Kansarka, wixii markaa ka dambeyayna waxaan maray dhowr gubniin ama waxa loo yaqaano (chemotherapy).
Xaalad quus ah ayaan gaaray runtii, ismaba lahayn maanta oo aad ka sheekaynayso xaaladdaas ayaa la gaarayaa, quruxda iyo shaqsiyadda wanaagsan ee raga iisoo haasaawa taga iga sheegayaan iima muuqan, mar walba waxaan marti u ahaa Murugo, waxaan is waydiin jiray xilliga ay yaqiinta ii imaanayso( dhimashada).
Runtii ma ahan qoraal wax lagu muujin karo dareenkayga, wax walba oo nolosha ah waan ka quustay, mid ayaasa isku maaweelin jiray ahayd in waqtiga la iigu tala galay aanan dhaafayn.
Alle waxaan ka tuugi jiray in uusan i silcin, dadkaygana ila silcin, Rajada ah in aan ka kacayo xanuunkan mar walba waan qabay, hadana wuxuu ii ahaa tigidh la ii siiyay halka aan u jihaysanahay.
Runtii xanuunada nuucan oo kale ah qofka ay ku dhacaan waxaa la sheegaa in uu yahay qof og halka uu u socdo, micnaha sababta uu u dhimanayo.
15 Sano markii aan la noolaa xanuunka rajadayda caafimaadna quustii ay ka baxday oo la ii sheegay in meelihii xanuunka ku dhacay lagu guulaystay dawayntooda, ayaa waxaa dhacday in uu Alle iisoo diro kii aan la qaybsan lahaa Nolosha.
sida aan ku kulanay iyo sida dhaqsiyaha leh ee aan isku guursanay cajiib ayey ahayd, wuxuu Alle iiga dhigay mid i fahamsan, igula nool xaaladdayda Bukaanimo, bishii ugu horaysayba waxaan qaaday Uur, nasiib darrase wuu igasoo dilmaya, waxaa ii bilaabatay quus kale oo nolosha ah kadib markii uu dhaqtarka ii sheegay in aanan awood u lahayn in aan uur qaado, waqtina loo baahan yahay in la siiyo daawayntayda.
Waqtiga da’ ahaan ii haray ilma ku dhalsta iyo waqtiga uu dhaqtarka sheegay in aan sugo ma ahayn laba is qabanaysa.
Ma jirin waddo kale oo ii furan aan ka ahayn in aan ducada badsado, ninkayga wuxuu ahaa mid mar walba i taageeraa, ilma horey umaso dhalin, waxaan ka codsaday in uu Xaas kale yeesho, anigana iska key haysto, wuu diiday, jawaabta uu isiiyay waxay ahayd haddii aan xaas kale guursado, awood uma yeelanayo in aan waqtiga adag kula mar, waa xilliga aad ii baahantahay, ma ahan in aan tayda eegtaa ee waa in aan teena wada eegaa, aniga wuxuu Alle ii qoray aniga oo helin God ma galayo, waan ku wehlinayaa inta uu waqtiga ka imaanayo.
Nasiib wanaag Waqti yar kadib ayaan bilaabay in aan caroodo, dhibsado hadalkiisa, Dagaal badan aan la galo isaga, intaas oo dhan isaga wuu ii sabrayay, maalintii dambe ayuu igu yiri in aad uur leedahay ayaan filaa, aniga ma aaminsanayn waayoo xitaa dhiigayga caadada wuxuu bilaabay in uu waqtina yimaado waqtina maqnaado, waana astaamaha lagu garto marka ay dumarka dhalma goynta ku dhawaadaan.
Sugitaan gaaban kadib, waxaan aaday dhaqtar, in aan uur leeyahay ayaana la ii sheegay, Alle mahaddii si wanaagsan oo caafimaad qabta ayaan u dhalay, gabar lagu magacaabo Ilhaam, xaalkeena aad ayuu u wacan yahay, ujeeddada sheekadayda wa in aan ku dhiira galshaa dadka xaaladahayga iyo kuwa ka daranba qaba in aysan quusan, waad noolaanaysaa inta laguugu tala galay, waadna dhalaysaa inta aad dhali lahayd, badi oo kaliya baryada Alle iyo kalsoonida naftaada.
Magacayga waa Nasro, Naciim Axmed, (Nasro Af madow)
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN