NIN HABAARAN W.Q Seynab Xaaji (Ugbaad)

NIN HABAARAN

 

Beri hore ayuu sidan oo kale u daalay. Beri hore, hore. Beri aan dhoweyn. Sidii berigaas ayuu dharaarta idilkeeda ku dhammaystay qalalaase iyo qaylo. Rabshaddii uu saaka salaaddii la kawsaday ayuu ilaa galabgaabadkan dhex taagan yahay. Gaarigiisii ayaa balaayo xiriirta ku daahfuray maalintiisii, isagoo nolosha maalintaas waxaan ahayn ku fikirayn ayuu shil gondaha la gelay. Subaxan wuxuu garwaaqsaday inay dhibaato u dhinnayd. Taariikhdiisii istirtay ayay dhibtu dib u raadcaysay. Ma xaddidi karo waqtigeedii, laakiin dagaalkeedii iyo daalkeedii ayuu xusuustaa. Dhacdadii beddeshay magaciisii. Foolmaroodi ayaa lagu naanaysayay, intii dhacdadaas ka dambaysay. Labadiisa ilkood ee afkiisa ku soo haray dartood. Waa laba ilkood oo kala jeeda. Midna sidii ilig-jiir bay dhanxanagga xaggiisa u xoodantay midina sidii ilig-maroodi ayay dibadda u soo qaroofatay. Midda dibadda u soo baxday ayay dadku islamarkiiba arkaan. Sidaas darteed, waxay ugu yeereen Foolmaroodi. Afkiisa kaliya isma beddelin ee isagoo dhan baa is dhimay. Jeex kama joogo jirkiisii dhumucda lahaa. Midabkiisii dhalaalayay wuu dhaday. Timihiisii way bideen. Bidaar baa isku gambisay. Lixdanka gu’ uu baarka ka gooyay, labaatankii sano ee ugu dambaysay ayaa lagu magacaabayay foolmaroodi.
Xaas iyo carruurba labaatankaas sannadood way is-moogaayeen. Tiro ka toban jeer wuu guursaday. Carruur dhawr bahood ahna wuu tafiiray. Kulligoodsa furriin foolxun ayaa uga daba-maray. Haweenkaas waxay ka qaateen hantidiisii badnayd ma jirto, aan ka ahayn cunugga ay garaaran yihiin. Xaas uu furay oo aan cunug wadan lama sheegin. Mid weliba iyadoo ilma sidata ayay habaar ama halhaleel uga bixi jirtay gurigiisa. Saxiir iyo silic dhexdooda ayuu saxaraha marsiin jiray. Dilkooda wuxuu ka mid ahaan jiray jadwalka noloshiisa iyo gurigiisaba. Hantiile af adag, gacan adag oo il-adag ayuu ahaa.
****
Labaatankaas sannadood ee sidii biriqdii u dhaafay wuxuu ahaa meermeer. Lacagtiisii baa ku loofartay. Xaaskiisii ugu dambaysay oo beddeshay qaanuunkii guurkiisa iyo gurigiisaba ayaa kala faniintisay wuxuu intii iyada ka soo hartay ka hagraday. Subaxda uu furi doono habeenkeedii ayay labadooda is-galeen. Inkastoo ay jir ahayd una babac dhigtay jugtiisii carada wadatay, haddana si weyn ayuu habeenkaas uga tabar roonaaday. Intuu isku qabtay labadeedii gacmood ayuu dible u fadhiisiyay. Jirkeedii oo isku duuban ayuu xarig ku tig-tigay. Habeenkii oo dhan bay sidaas u fadhisay. Il-galacle iyo isla-hadal bay ku ag qotontay salligii uu ku dangiigay. Cududdiisa midig oo wejigiisa ku laaban ayuu salligii isku kala bixiyay. Wuu daallan yahay. Wuu soo jeedaa wuuna hurdayaa.
“Xarigga iga fur.” Codkeedii saamalleylsanaa ayuu ku soo toosay.
Dhabar-dhabar ayuu u soo fadhiistay. Islaantiisii uu caawa fiidkii xir-xiray baa si maskiinnimo ah u soo eegaysa. Siduu wejiga xaggeeda ugu soo dhuubayay ayuu labadiisii indhood sidii tooshkii wejigeedii bul ku siiyay. Intay dib uga ribatay ayay tiri:
“Xarigga iga fur.”
“Intaad ila tirsanayso meeshaaada ayaad ku xirnaanaysaa.”
“Waan daalay ee walba iga dabci.”
Salligii intuu ku wada noqday ayuu qummaati u joogsaday.
“Xarigga wuu i goostay.” ayay ugu nafhurnimo warrantay.
Salligii ayuu ka soo baxay. Waxay moodday inuu xaggeeda soo aadayo. Laakiin, wuxuu u kacay bannaankii guriga.
“Ilaahay ma taqaannaa?”
“Waan aqaannaa.”
“Yaan kugu dhiman!” ayay ugu digtay.
“Iska dhimo. Maxay, walooy hadda, noloshaadu taraysay?”
Isagoon innaba u jixinjixayn ayuu barsaddii uga baxay. Cabbaar ayuu dibadda ku maqnaa. Rafasho iyo ribasho ayay la sii gedgeddoontay. Dhinac kasta ayay isu majiirtay. Dhan kasta ayay isu maroojisay. Labadeedii gacmood oo isa sahaya ayay ku dadaashay inay xarigga iska furto. Labada gacmood way isku xiran yihiin. Darbiga ka dambeeyana way iskula xiran yihiin. Xarig aad u dhuudhuuban baa isaga baxay jirkeedii buurnaa ahaa. Baruurtii jirkeeda ayuu xariggu goostay.
Waxay isku dayday inay xarigga iska dabciso. Gacantii bidix baa u soo dabacday. Iyadoo la xarbinaysa tii kale ayuu bannaankii ka soo noqday. Intay rog-rogadkii hakisay ayay si nugayl ah u soo eegtay. Xaggeedii ayuu u soo dhaqaaqay. Intuu ku foorarsaday ayuu gacantiisii xaggeedii u soo taagay. Waxay istiri, wuu ku dilayaa. Wuuna dilayaa, hadday ka qabato. Shaki ugama jiro taas. Barbar ayay isku tuurtay. Gacanteedii u soo furatay way qarinaysaa, dharbaaxadiisana way ka baxsanaysaa.
Markay dhinac u dhacday, ayuu xariggii la go’ay. Iyadoo gees iyo garab ku socoto ayay ka sii willatay. Markaas labadeeda gacmood way kala hareen. Bidixdeedu waa xor midigteeduna way xiran tahay. Gadaal intay u fadhiistay ayay isu diyaarsisay inay is-difaacdo. ‘Laabta haraati ka geli… maya, waxba kama tarto… qaniin… maya, waa la mid… xarigga ku marji…’

Waxaa u soo baxday fikrad ka wada fiican jar-iska-tuurnimadaas. Qoraygiisii ayay ku kor dagtay. Xooggii ay isugu kor tuurtay kushkii uu qoraygu ku jiray ayaa jirkeedii damqay. Waa bunduq uu isaga u haystay rasmi ahaan. Lama-huraannada ayuu qoraygu u toogga hayay. Tuug ama arrin kaloo kediso ah ayuu isaga dhawrayay. Waligiis isma dhihin qoraygaagii rasmiga ahaa ayaa lagugu soo taagi doonaa. Wayse dhacday.
‘Bam.’ Xabbad cas baa ka kor biriqday odaygii. Gadaal-gadaal buu u wareeray. Qoraygii intay saani u qabsatay ayay la soo aadday. Isagoo jahawareersan ayuu darbigii albaabka jug ku yiri.
“Waxaan caawa dhan kuu baryay si xushmad leh oo bani-aadannimo leh…”
“Ha degdegin…”
“Maxaa ii dhiman?”
Way ka daba dhukinaysaa.
“Dhiig islaameed luqunta ha suranin.”
“Iska dhimo…” markeeda ayay bilawday inay dhimashadiisa ku digato.
Inuu ku soo boodo ayuu damcay. Waysa kaga garasha horraysay. Qoraygii ayay kooraysatay. ‘Qash-qac.’ Dib ayuu u dagay. Yaab uma yara. Caro iyo qab baase uga sarreeya. Wuu dhirifsan yahay. Wejiga iyo kilillada ayuu dhidid ka burqanayaa.
“Aan kula hadlo…”
“Maxaa kuu haray?” xabbad kale inay riddo ayay damacday. Qoraygii ayaase u awood sheegtay. Culayskiisa ayay la liicday. Intaas buu ka faa’iideystay. Iyadii iyo qoraygii ayuu isku duubay. Xabbad labaad baa lugahooda ka dhex baxday.
****
Maalin dhoweyd, markuu sharciga gaarigiisa cusub u doontay sahal ayuu ku soo helay. – Gaariyaashiisii horoo dhan darewal ayuu u qaban jiray. Kanse, isagaa isteerinka u qabtay. – Markuu tagay xafiiska ruqsadaha bixiya wuxuu ku fikirayay in dhawr maalmood oo dambe la sii jiidjiidi doono. Markuu soo gelayba xanaaq ayuu la soo gelay. Ninkii warqadda dalabka ka buuxbuuxinayay ayay isu soo hareen. Runtii caddayd ayuu ku billaabay hadalkiisii.
“Ruqso gaari ayaan rabaa, mana lihi wax khibrad ah.”
Ninkii oo talo ku soo yaraatay ayaa ku naxay hadalka odayga.
“Maxaad ka soo doontay halkan, haddaadan khibrad lahayn!” ayuu ku canaantay.
Intuu u faarumaystay niman ka dambeeyay ninka wax qoraya ayuu kor u yiri.
“Wax kastoo layga baahan yahay waan bixinayaa.”
Wuxuu ka hortagayaa, inuu dhibaato iyo hawl kale kulmo imtixaanka darewalnimada. Dhawrkii maalmood ee ka dambeeyay markuu gaariga la wareegay, wuxuu ku fekerayay in uusan ku xanuunsan xereda imtixaanka dhexdeeda. Sannadihii la soo dhaafay ayuu deris la ahaa cudur maskaxeed miyirkiisa la taga. Dhawr saacadood ayuu hawada ka baxayaa, markuu qabtaba. Cudurkiisu wuxuu u dhexeeyaa qallal iyo suuxdin. Gariirkii qallalkana ma laha. Dawo joogta ah ayuu qaataa. Taas oo lafteedu dhibteeda wadata. Hurdo iyo habbiso ayuu ka qaadaa, markuu xabbad ka liqo. Maanta dawadii ma soo qaadan. Juuc-jireedkeeda iyo caajiskeeda wahsiga badan ayuu isu diidayay intuu xereda iyo wareysiga ku dhex jiro.
Ninkii wax qorayay labada dhinac ayuu eegay, isagoo hubinaya in uu hadalku dhegtiisa kaliya ku dhacayo. Nasiibdarro, waa lala maqlay yaboohaas aan la dhaafi karin. Si uu saamigiisa bartiisii ugu soo celiyo ayuu yiri:
“Xagga istaag. Shaqaalaha shaahoodana iska diyaari.”
“Qadana waan ku darayaa.” ayuu la soo booday.
“Xaggaas istaag.”
Arrintiisii dhinac ayay u dhacday. Meeshii loo tilmaamay ayuu u beeray. Dad badan oo laga rabo shaqaalaha shaahooda ayuu ku biiray. Waa qaar iskood u dhacay iyo kuwa kas cad loogu riday imtixaanka darewalnimada.
****
Isagoo suuqa dhexdiisa socda ayuu maanta ayuu hal mar hawada ka baxay. Kedis buu u suuxay. Nin uu wed wado ayuu jiiray. Markuu soo naaxay ayuu arkay ninka fidsan taayarka hoostiisa. Durba gaarigiisa caabboon ayuu kula cararay. Isbitaalka ayuu ka gaarsiiyay. Gargaarka degdegga ah ayaa loo sii gudbiyay ninkii. Naftu way ku jirtay balse wuu liitay. Iridkii qolka gargaarka degdegga ah ayuu fikir la istaagay. Arrintan ku soo korortay ayaa cudurkiisii soo kicisay. Wuxuu billaabay in uu gariiro. Jirkiisoon gariirka wada qaadan ayaa bannaanka dawo looga diray. Markuu keenay ayaa haddana cirbad go’an loo celiyay. Markuu cirbaddii la soo joogsaday ayaa loo diray qaybta lacag shubidda. Lacagtii lagu soo dallacay baa madaxiisa ka weynaatay. Wuu qaadan waayay una qaadan waayay.
Xaashidii qaansheegta ayuu albaabka isbitaalka kala soo baxay. Sidii wax maqan ayuu dardaray qof kastoo ku soo aadday jihadiisa. Geedo isbaalka ku hor yiillay ayuu hammi la hoos kadalloobsaday. ‘Maya-maya, waxani suuragal maaha! Xaggee laga keeni waxan oo kharasha ah! Si kalaa wax u jiraan… maya! Wax soconaya maaha waxan. Lacagta cirbadda lagu soo iibiyay kaliya ayaa ka badan wax kasta. Intan haddaan ku sii daro, shaki la’aan waan waalanayaa. Hadda ayaanba fayoobayn! Maxaa gaarigaas iyo wadiddiisa igu watay! Jinni ha wadee!’ Warqaddii gacantiisa ku laabnayd ayuu qummaati u eegay. ‘Bal arag waxa kharash ay dhib la’aan qalin ku soo xar-xarriiqeen! Maba fekeraan! Ilaahay amarkiis dadku caqli wax kala reeba ma laha. Xaggee lacagtan laga keenayaa maba ku xisaabtamin! Tii cirbadda horta ma ku jirtaa….?’ Xaashidii ayuu sii kale jiiday. “Ssss… ma-ba ku jirto ka warran!” ‘Oo waayahee maxay ku qabanayaan kharashkaan! Ilaahayow ha na waalin. Ilaayahow ha na waalin!’ Xaashidii ayuu calaacashiisa ku cadaadinayaa. Iyadoo cajiman ayuu gunta gacantiisa isaga qariyay. Labadii gacmood ayuu dhafoorrada la aaday. Waxaa ku soo dhacday haddana in uu hubiyo cadadka lacagta warqadda ku qoran … xaashidii oo canyuubsan ayuu kala jiijiidayaa. Khaddii qalinka oo balawdy baa si kale wax u tustay. Intii qornayd baa u labalaabantay. Xaashidii ayuu caro la dildillaaciyay.
Markuu fikir ku dhibtooday ayay qalow ku soo tiri: haddaad ninka kaw kaga siin lahayd. Waayo, diyadiisa isagu qayb weyn kuma yeelan lahayn. Fikirkii ayuu aad ugu daalay. Daalkaas oo la aaday daalkii laabatan sannadood ka hor soo maray.
Isagoo labada dhafoor labada gacmood ku celinaya ayaa lagu wargeliyay in uu dhintay ninkuu keenay. Mar qura ayuu qaboobay. Dhulkii la dhaqaaqay. Gariir gudaha jirkiisa ka imanaya ayaa saaqay. Salka ayuu u dhacay.
“Yaa! Ma dhintay hadda! Ninkii ma dhintay! Hadda, waa dhintay miyaa ninkii miskiinka ahaa! Adduunyo waa taas! Waxay gasho lama arko!…”
Ninkii warka u keenay oo la yaabban khalkhalka hadalkiisa iyo isku-dhex-yaaciisa ayaa gadaashiisa laga dhawaaqay. Gabar cod khafiif ah leh ayaa ka daba keentay: “Ilaahay mahaddii, ninkii weli naftu way jirtaa.”
Madaxii ayuu caajis kor ula qaadi waayay. “Oo ninku ma-ba dhiman miyaa! Waa nool yahay! Muxuu tolow ku diiday dhimashada, malag ha qaadee!”
Cabbaar ka dib ayuu hoos u yiri: “Idinkuna waxaadan hubsan ayaad iila soo tanaagoonaysaan! Ma dhiman kute! Malaggu adiga ha ku qaado, miskiinkaas beddelkiis.”

Dhammaad

W.Q. Seynab Xaaji (Ugbaad)

SHEEKOOYIN

DUGUL Q.6AAD

DUGUL Q.5AAD

DUGUL 4AAD

DUGUL Q3AAD