NIN KU SIRAY WAX KUU SHEEG”

Waa heestii “NIN KU SIRAY WAX KUU SHEEG” ee uu sameeyey Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub. Waxaa si talantaaliya ugu luuqeyn jiray Saynab Cige, Salaad M. Shardi Derbi, Xaliimo Khaliif Magool iyo Maxamed SaleebaanTubeec. Intii dhimatay Allaha  u naxariisto.  Aamiin. Heestaan waxa ay taabaneysaa dhinacyo badan oo nolosha ku saabsan iyo sida wax la isku dabo marinayo iyo in ay siyaasadda aysan laheyn walaal joogtaa balse ay leedahay dano joogto ah.

Maxaa siro la qaybsaday
Safaf laysu kala maray
Siraad laysu wada shiday
Laysi sogor dahaayaa
Lays wada sabaayaa
Salaan aan niyaa ahayn
Gacmaha laysa saaraa
Laysi soo dhoweeyaa
Runta laga siqaayaa
Beenta sacabka loo tumay
Adduunyadan sir iyo caad
ninba sida dantiisaa
U dhigtaa saqaafaa
Saba laysu jiidaa
Laysu wada sanqanayaa
Siddi qabaxdu daba taal
Hadba sugab la mariyaa
Calooshana sun jiiftaa.
Sancaalaa aad sugeysaan
Hubka sameystaan
Haddaaney idinku socodsiin
Suu ugu gadmaayaa.
Waxay tahay su’aashii
Kolba laba sokeeyaa
Saaxiibahoo walaalaa
Laysugu soo diraayaa
Markii laba saf loo go’ee
Saanaddii dhammaatee
Soo qayshado la dagihii
Sorry waanu ka xunnahay
Siliciyo dhibtiinaba
Siintii way dhammaatee
Sawaariikhda naga gada
Sahal loo yiraahdaa
Waa sidaa ujeedadu
Waa waa sidaa ujeedadu.
Afrikaay sidaadaba
Sacbaan xoolo leenahay
La yiraahdo saxardiid
Sumaddiisu midab tahay
Afartan iyo siddeed naas
Simani ay ku yaallaan
Caanuhu ay sunsumayaan.
Markii uu salaaddiyo
Saqdii dhexe ka toosiyo
Candha saabkii waayuu
Isticmaar salaaxuu
Sibraarrada ka dhaansaday.
Jeeraad saafi noqotaanoo
Faro siman ahaataan
Inaad seermaweydiyo
Guryamo ka baaqdaan
Sacabka haw garaacina.
Garaacina.
Sidan waan naqaannaa
Sidanna waannu garannaye
Hadday gacantu saan tahay
Sirbay cirib ku leedahay.
Sinnaantu waa dhab
Dhab dhab waa dhab.
Saadaashu waa run
Run run waa run.
Xornimo waa sed
Sed sed waa sed.
Haddaad samirkii aragteen
Waxba inaanu soo sidin
Sannadkana ogaateen
Qarnigu sargooyada
Labaatan uu ku sugan yahay
Taariikhdana la socotaan
Maydin seefta maashaan
Maydin seefta maashaan.
Illaa aad sameysaan
Saldhiga tidhaahdaan
Sokeeyihii madoobaa
Sugi mayno nolol wacan.
Sugi mayno.
Ninku sugey gar kuu dhigey
Kuu dhigayeey.
Nin ku siiyey kuu faan
Kuu faanyeey
Nin sarbeebay kaa qari
Kaa qariyeey
Ninku sira
W/D: Cabdikariim Cabdulle

SHEEKOOYIN