NOOFALKU MA AHAN MAALAAYACNI W/Q: Cali M. Diini

NOOFALKU MA AHAN MAALAAYACNI

Ayaan dhawayd waa tii ay taagnayd dood kulul oo ka dhalatay buugga: QAB iyo QUURSI, dooddaas oo aan filayo in dadka dhaliyay ay ahaayeen dad aan aqoon badan u lahayn ujeeddooyinka iyo sababaha loo qoro sheekooyinka noofallada (novels) ah ama se aan horay u akhrin buug noofal ah. Sidoo kale dad aan aqoon sida loo fasiro hummaagga sheekada iyo sida loo furfuro falkaha sheekada uu qoraagu falkiyay u la soo baxaan ujeeddada iyo xikmadaha qoraaga. Aniga oo aan ku dheeraanayn waxaan rabaa in aan idin la wadaago qiso yar oo ku saabsan sheekooyinka noofallada ah, waana tan ee akhris wacan.

KALIFOORNIYA iyo NOOFALLADA:

Ma ogtahay halka uu ka yimid magaca California? (Kalifoorniya waa gobol galbeedka Maraykanka ku yaal). Maxaa se ka dhexeeya noofallada iyo California? Mase ogtahay in magacu af Carabi yahay?

Sannadkii 1510-kii ayaa nin Isbaanish ahaa oo la oran jiray Garcia Ordonez de Montalvo ayaa waxa uu qoray sheeko noofal ah oo ugu magacdaray “Las Sergas del muy esforzado caballero Esplandian, hijo del excelente rey Amadis de Gaula,” meaning “The exploits of the very powerful cavalier Esplandian, son of the excellent king Amadis of Gaul.”

Qoraagu waxa uu buugga ku xusay Jasiirad dahabka iyo barwaaqadu dhex ceegaagto oo ay boqorad u tahay naag madow oo aad u qurux badan. Jasiiradda waxa uu u bixiyay Kalifoorniya (California) oo macneheedu yahay dhulkii Khaliifadda ama Khaliifka. Waxa kale oo qoraagu qoray in boqoraddu ay leedahay beer ay ku nool yihiin xayawaan Galayrka u eg, balse, leh addimada libaax, qof walba oo Jasiiraddaas ku soo xadgudbana Galayr-libaaxa ayaa casho looga dhigaa.

Maadaama muslimiintu ay muddo dheer xukumayeen dhulalka Spain iyo Portugal xilliga buugga la qorayna ay aad ugu dhawayd markii Kirishtaanku si buuxda ula wareegeen gacanka Aybeeriya (Spain iyo Portugal) oo dhan iswayddiin ma leh halka qoraagu magaca ka keenay. Dabadeed dhulmareennadii Isbaanishka ahaa ee California tagay sanadkii 1542 ayaa magaca California oo ay buuggii Garcia Ordonez de Montalvo ka barteen waxay u bixiyeen dhulka cusub ee ay calanka Isbaanishka ka taageen. Akhristow ka warran haddii dhulmareennadii Ibaanishka ee California Spain u soo sahmiyay ay ahaan lahaayeen dad aan buugaagta noofallada akhrin? Maanta ma jiri lahaa gobol California la yiraahdo?

Ka warran haddii Garcia uusan qori lahayn jasiirad khiyaali ah oo California la dhaho oo boqorad madow xukunto?

Haddaba akhristow ogow in buugaagta noofalladu aysan ahayn maalaayacni iyo cantarabaqash la iska qoray ee ay aad u baahan tahay marka aad akhirnayso in aadan sheekada ayada oo qallalan korka ka dareerine aad u baahan tahay in aad barato sida loo fasiro hummaagga sheekada oo ah halka ay ku jiraan ujeedada iyo xikmadda qoraagu qalinka u qaatay.

W/Q: Cali M. Diini

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN