QALADKAAS MAR DAMBE MA SAMAYN DOONO!!!. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

QALADKAAS MAR DAMBE MA SAMAYN DOONO!!!

Waan ku qasbanahay in aan magacayga iyo aqoonisgaygaba qariyo  aniga oo xurmaynaya mooralka caruurtayda, laakin haddaan kugula kulmi lahaa Bas ama Tareen dhexdiisa ama meel aan is leeyahay qofkan mar dambe iskuma arki doontaan waan kaaga sheekayn lahaa haddiiba markaas aad ku sugantahay xaaladda aan soo maray oo kale ama tala aad i waydiisato oo aan u arko in aad tahay qof caawinaad u baahan sidayda oo kale markii xaalku igu xumaa.

Yeelkadeede, waxaan doortay hadaba aniga oo og in laga yaabo in xaalkayga oo kale aad soo martay amaba aad hadda marayso in aan kaaga sheekeeyo dhaawacyada qalbigayga soo gaaray , laga yaabee in ay dhiiri galin kuu noqoto amaba aad uga bogsato bugto ku haysay ama aad hadda la taacalayso, maxaa yeelay, waxaan ogahay in ay igu dhacday sidan, anna sidan aan sameeyay.

Waxaan guursday Nin aan aad ugu waalnaa jacaylkiisa kaas oo qayb walba oo jirkayga inta muuqato iyo inta qarsoonba deeqay, laakin waxaan gartay mar dambe in aanan caqli ahaan kaamil ahayn xilliga ay waxaas oo dhan dhacayeen, qalbigayguna uusan u diyaarsanayn Guur waara.

Baahida nolosha shaqsiga marka laga hadlayo waxa koowaad ee aad u baahantahay marka wehel aad yeelanayso ayaa ah Jacayl, sidoo kale waxaad u baahantahay daganaan qalbi oo aan ku magacaabi lahaa Nabad, maxaa yeelay, haddii aadan nabdoonayn wax kuu macaan oo ku raaxaysan kartid ayaaba jirin.

Qiimaha nolosha si guud mararka qaar la iskulama fahmi karo, haddaad hesho qof halka aad ula qaadayso noloshaada kula fahmi kara markaas waa hubaal inta aan ka hadlay ee jacayl iyo daganaan qalbi in aad wada helayso, laga yaabaa tan in ay kuula muuqato mid aan xiiso sidaas ah lahayn laakin i aamin haddii aadan helayn qof qiimaha nolosha kula fahmi kara in xiriir walba ama guur walba aad samayso uusan waqti dheer gaarayn.

Hubaal in uusan jirin qof og waxa mustqablaka kuu hayo , laakin taas macnaheeda maahan in aadan isku day samayn karin, sidoo kale lama dhihi karo isku day walba oo samaynayso in aad u samayso si indha la’aan ah maxaa yeelay talaabo walba oo qaadayso ama ficil walba oo samaynayso waa in uu lahaadaa ka fiirsi iyo fakar la jaan qaadi karo xaqiiqda dhabta ah ee noloshaada ku dhex jirto markaas, haddii aadan sidaa samayna waa hubaal in naftaada aad God ku ridayso.

Waxba yaanan war kugu daalin aan u galo dulucda qisadayda, gadaal ayaan ka gartay in aanan si dhab ah u eegin ugana fakrin ninka qalbigayga qaatay ee aan guurkiisa ku dag dagay, maxaa yeelay waxaan ahaa qof uu jacayl waalay, sidoo kale si aan xad lahayn u dhex dabaalatay badwaynta raaxada jismiga , dabcan qanaaco aan xad lahayn, waana sababta iga indha tirtay in aan calaamadaha tilmaamaya qatarta ee gaduudan aanan arkin oo indha la’aan aan ka noqdo in ay jirtaba wax Qatar la dhaho.

Waa xaalka nolosha sida ay tahay  marka aan dhadhamino natiijada falka aan samayno ayaan gadaal ka garaanaa macaan iyo qaraar wuxuu ahaaba, muddo ayey igu  qaadatay in aan fahmo in ninkaas iyo anigana aanan isku dhinac ahayn.

Waxaan ahaa xaaskiisa saddexaad, 9 sano ayuu iga waynaa caruurna wuu lahaa, waxaas oo dhan waan ka warqabay, wax iga qarsoon ma jirin, hadana aniga oo og ayaan ku galay, maxaa yeelay aad ayaan u jeclaa, oo waxaan aaminsanaa haddii aanan helin noloshiisa in aysan waxba ii hagaagayn, waa sida uu markaa qalbigayga wax u arkayay.

Waxaan ahaa qof aqoon ahaan iyo dhaqaala ahaanba dhisan balse xoogaa ku daahday shaqa iyo waxbarasho, qof walba oo i arko wuxuu i waydiin jiray sababta aanan wali u guursan.

Rag badan oo heer sare nolosha ka ah ayaa ii soo haasawa tagi jiray, sababtaas ayey ahayd sababta dadka i yaqaana ii waydiin jireen sababta aan u guursan waayay iyo marka aan guursan doono, iyada oo qaarkood igu xifaalayn jireen in aan ahay qof ku jahwareertay raga key ka xulan lahayd, micnaha qof heer sare ka raba nolosha.

Laakin taas waxay ahayd xukmin qaldan, maxaa yeelay, xaqiiqda noloshayda waxba kama aysan ogayn, markii aan guursaday ninkan qof walba wuu ila yaabay qof  i dhaleeceeyo ma ahee qof kale ma arkayn, oo maxay igu dhaleeceynayaan tani waa noloshayda, doorashadayda iyo rabtiaankayga, aniga ayaa ku qanacsan oo doortay kuna raaxaysanaya.

Waxay doontaba ha noqotee, marka aan u xulanayay naftayda inta aan ka eegay oo ku indha dawaqmay kor ayaan idinkugu soo sheegay, hal shey oo muhiim ah oo qofka in laga eego ay tahay ayaa iga hoos baxday shaygaas oo ah kartida qofka iyo awoodda uu u leeyahay in uu kaga gudbo waqtiyada adag marka ay la soo darsaan.

Si lama filaan ah ayey soddohdey igala qaaday, ma aqaan oo manta ma dhihi karo waxaas ayaad ka samaysay, waligey inta meel isugu nimid laba eray oo xumaan ah nama dhex marin, dhawaqa aan eersaday ee ninka aan jeclaa intaas oo sanana aan sugayay, xaaladahaas xaas badnida ahna aan ku doortay aniga oo heli karo kuwa ka heer sareeyo ayuu subax aanan hilmaami doonin igu yiri hebla waad furantahay sababta aan kuu furayana waa hooyadey oo ku rabin iguna amartay in aan ku furo.

Runtii kama nixin in uu i furo ee waxaan ka naxay qaabka uu iila hadlay iyo macnaha dhabta ah ee ka dambeeya in uu go’aankaas noloshayda ku bur burtay qaato, waliba sabab hooyadiis.

Xulashada mararka qaar waxaa haboon in aad ku darto kartida qofka, aniga waxaan eersaday oo isku canaantaa in aanan eegin kartida ninka aan noloshayda u dhiibtay , xitaa ma ogi mana sii daba galin in waxa uu sheegayo ay run yihiin, halkii uu subaxaa i dhigay ayaan anigana dhab u dhigay oo wax walba aan u hayay ay iiga dhammaadeen, shallaaytadayda ayaa ah in qofka nuucaas ah aan marwo u noqoday.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN