QARAW (Sheeko gaaban) | WQ. Cali M. Diini

QARAW

Sheeko Gaaban

 

Xalay aniga oo lugaynaya jidkuna xoogaa mugdi yahay ayaan arkay nin jidka dhiciisa meesha dadku maraan jeegajeego u jiifa waan ku soo leexday mise waa nin aan Facebook friends ku nahay laakiin aanan aqoon kale u lahayn waligayna aanan la hadlin inkasta oo aan dhowrjeer comment isku aragnay.

Ninku wuxuu ii la ekaatay in uu hurdo, haddana meeshu meel la seexdo ma ahan. Waan dul istaagay oo cabbaar eegay, mise wallay ka tahay ma nuuxsanayo. Shaki ayaa igalay, ah ma nool yahay mise wuu dhintay? Intaan ku foorarsaday ayaan gacantayda sankiisa u dhaweeyay, si aan u hubiyo in uu neefsanayo. Balse hal mar ayuu gacantii dhab i siiyay oo asagoo sidiisi jeegojeego u jiifay i soo jiiday si xoog ah. Gacantaydi ayaan kilkilay anigoo is leh ka baxso waan se ka baxsan waayay. Gacantaydi kale ayaan isdhahay isaga fuji mise ayadiina intuu dhab yiri buu farihii i maroojiyay! Waan qayliyay xanuun dartiis laakiin iima uusan jixinjixin ilaa mid kasta oo farihii ka mid ah uu la simay dhabarka dambe ee calaacasha. Anigoo xanuun dartiis dhidid i wada qoyay ayaan xasuustay lugahaygi oo aan difaacu nafsiga ka qayb qaadanayn. Lugta midig ayaan intaan kor u qaaday damcay in aan qoorta uga istaago si aan neefta ugu celiyo kadibna uu iiga fuqo. Cajaa’ib! daqiiqad ka hor waxaan u hubinayay in uu neefsanayo imminkana neefta in aan ku celiyo ayaan rabaa. Balse inta aanan qoorta uga istaagin ayuu intuu gacantaydi sii daayay si awood leh cunaha ii qabtay. Gacantii uu ii fasaxay faraha ayaa burbursan oo ma adeegsan karo tii kalana wali wuu haystaa, haddii aanan tallaabo qaadin ama aan la iga soo gaarin, xaqiiq, sekanno gudohood in aan ku suuxayo. Indhihii bannaanka ayay i yimaadeen iska dhaaf in aan qayliyo ama ashahaatee xattaa please ha i dilin ma oran karo.

Aniga oo sidaas xaalkaygu yahay ayaa nin kale oo aan Facebook friends ku nahay naga soo duldhacay. Markuu arkay ninkii ayuu inta i sii daayay, af aanan aqoon igu la hadlay asagoo u eg sidii nin ii hanjabaya. Hadalkiisa kalmadda Facebook ayaan ka fahmay.

Ninka aqoon iyo xiriir midna wali ma aynaan yeelan laakiin waxaan ogaa in uu dal Yurub ah ku noolaa.

Waxaan isdhahay maxaa jidadka Perth, Australia seexiyay waxa daran?

***Dhammaad***

 

Sheekadan waa halabuur (fiction) aan qoray dhawr gu’ ka hor waana sidii aan u qoray oo waxba kama beddalin

SHEEKOOYIN