QAXOOTINIMO ILAA AQALKA CAD, RIYADA FATIMA NOOR OO RUMOWDAY!

fatima

QAXOOTINIMO ILAA AQALKA CAD, RIYADA FATIMA NOOR OO RUMOWDAY

Waxay leedahay Qiso murugo badan balse dhamaad wanaagsan, magaceeda waa Fatima Noor, waxay ku dhalatay Magaalada Kismaayo, waxay lasoo qaxday qoyskeeda xilligii ay dagaalada sokeeye halakeeyeen dalkeeda, waxayna soo caga dhigatay Xerada Qaxootiga ee lagu magacaabi jiray UTANGE oo ku till Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Waxay ku noolayd caruurnimadeeda Teendho Buluug ah oo ku dhex tiil Xerada Utaanga, taas oo ay mucaawino ahaan uga heleen Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay ee loo yaqaano United Nations agency, UNHCR.

Muddo markii ay xagaa ku noolaayeen ayaa waxaa dhacday in la xiro xeradaas qaxootiga, isla markii la xirayna waddo kale uma furnayn waalidiinta Fatima noor in ay ku celshaan ilmahooda dalkii hooyo ee ay dagaalada uga soo qaxeen, balse waxaa jiray qorshe ay ka lahaayeen ku noqoshada dalka hooyo, taas oo ujeeddadooda koowaad ahayd in Doon tahriibin ah laga saaro Fatima.

Safarka tahriibinta ah ee Fatima ayaa la xiriiray codsi Qaraabanimo oo ay sameeyeen waalidkeed kaas oo hirgalay, fatimana waxay nasiib u yeelatay in loo tahriibsho xagaa iyo Waddanka Danmark.

Go’aan aan la jeclaysan balse ay duruuf kalliftay ayuu ku ahaa waalidkeed, balse Waddo kale uma furnayn aan ka ahayn in ay ku qamaaraan nolosha gabadhooda, si haddii ay bad baaddo ay u hesho nolol dhaanta midda ay markaa ku noolayd.

Ayaga oo tilmaamaya sababaha ay u aqbaleen Qatar galinta nafta gabadhooda ayey dhaheen “waxaanu doonaynay in ay gabadheena hesho nolol ka wanaagsan midda naf la caariga ah ee qatarta badan ee aan ku noolayn, si gabadheena waxbarasho wanaagsan u hesho muhiimadda koowaad ayey ahayd, nafta qaddarteedana Alle ayaa haya oo og goorta ay go’ayso iyo halka ay ku go’aysaba.

Waanu ogayn in aanan arki doonin gabadheen muddo ku dhow ama ka badan toban Sano, marxaldda ay galayso aawadeed, balse, wax walba waxaanu ka door bidnay bad baadada Aqoonta nolosheeda, waasa haddii lagu guulaysto safarkeeda ku aaddan xagaa iyo Danmark.

Fatima maadaama ay gabar yar ahayd kuma adkaan la qabsashada Nolosha danmark, waxayna dagaan ahaan u dagtay magaalo yar oo la dhaho Alvey oo u dhow caasimadda waddankaa ee Copenhagen, halkaas oo ay iskool ka aadi jirtay isla markaana ku qaadatay Dhalashada Waddankaa.

DIB ULA MIDOOBIDDA QOYSKEEDA.

Rajadeeda ah in ay mar dib ula midowdo qoyskeeda mar walba waa ka guuxi jirtay laabteeda ugu dambayna ducadeeda ahayd in uu Alle qoyskeeda dib ula mideeyo ayaa la aqbalay 13 sano kadib, markii aabaheed uu ku war galshay in la aqbalay codsigoodii dib u dajinta ee xagaa iyo Mareenka.

Qoyskooda markii ay tageen Mareekanka waxaa la dajiyay Gobolka Teksis, halkaas oo uu aabaheed ka bilaabay shaqada wadidda Taraakyada oo uu saacado badan shaqayn jiray, si uu u dabbaro Nolosha adag ee qoyskiisa.

Aabaha Fatima waxaa u suura gashay in uu si wanaagsan u kala barto una fahmo qaabka nolosha Mareekanka, wuxuuna go’aansaday in uu gabadhiisa Fatima dib ula mideeyo inta kale ee qoyskiisa, nasiib wanaag waa u fududaatay ayaa la dhihi karay oo Fatima dib ayey ula midowday hooyadeed iyo walaalaheed.

Sanadkii 2005tii ayey nasiib wanaag wada qaateen dhalashada Mareekanka, mahadda allena waxaa u suura gashay in ay Guri ka gataan goob lagu magacaabo American icon Elvis Presley—Memphis, Tennessee, goobtaas ku taala bank of the Mississippi River.

Wixii intaa ka dambeeyey nasiib wacnida qoyska reer Noor waxay ahayd mid iska soo daba dhaceysay, oo waxaa xigay qallin jabinta ay ka qalin jabisay Fatima iskool ay markaa dhiganaysay.

HAMMIGA FATIMA.

Hammiga Fatima waxaa ka mid ahaa in ay mar uun hor istaagto Calanka Dalka mareekanka isla markaana ku dhaarato dhaarta ay Dadka Wadaniyiinta ah dhaartaan si ay u gudato waajibaadka dalkeeda cusub.

Hammiga Fatima halkaa kuma istaagin, waxaa la aqbalay codsi ay u qoratay jaamacadda University of Memphis halkaas oo wacdaro dhanka aqoonteeda ah kusoo bandhigtay, waxaana aad ula dhacay qaabka aqoonteeda college professorska jaamacaddaa.

Dadaal dheer iyo codsiyo is daba jog ah kadib Fatima waxaa la aqbalay codsigeeda shaqo ee aqalka cad ku aaddanaa halkaas oo ay ilaa hadda shaqa ahaan uga shaqayso, waxayna ku magacaabantahay Kaaliyaha waaxda socdaalka iyo hor u marinta reer Miyiga.

Iyada oo la joogo Xilli Bulshada mareekanka qaarkeed uu kusii kordhayo Nacaybka Dadka Muslimka ku abtirsada, isla markaana lagu guda jiro xilli doorasho oo dadka islaamka neceb sida Donald Trump ay isaga hadlayaan hadalo lagu jahwareeray balse muujinaya islaam nacayb, ayey tiri Fatima “ hadalada laga sheegayo islaamka waa kuwa runtii uur ku taalo igu ah, niyad ahaan aanan ii wanaagsanayn, isla markaana su’aal galinaya dacadnimada ay u qabto dalkeeda cusub ( America)  iyo Jihada wanaagsan ee ay tiigsanayso”

Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayey tiri “aniga waxaan u dhaartay Dalkan laba jeer si aan u difaaco dastuurkiisa iyo codowga doonaya in uu wax u dhibaba, dhaartaasna waxaan maray markii aan qaadanyey dhalashada waddankan iyo markii la ii dhaarinayeyba shaqada aan hadda ka hayo Aqalka Cad”.

Shaqaadeed waa mid toos ugu xirta Dadka Qaxootiga ah sida Soomaalida iyo kuwa kalaba si ay ula qabsadaan dalka Mareenka, waxay ka mahad naqdaa Fursadda Shaqo ee loogu deeqay, taas oo ay aaminsantahay in ay tahay dib u gudidda Ixsaanka waddankeeda cusub.

Waxay hadalkeeda kusoo gunaanadday Fatima “ waxaan ku dhashay Soomaaliya, waxaana kusoo bar baaray Denmark, waxaan dareensanahay in aan ahay 100%  Ameerikaan ayey ku tiri Cod yar oo dabacsan, balse ay ka muuqato lahjadda  Ingariiska Mareekanka.

W/Q: Nadia Bilbassy-Charters

Waxaa tarjumay: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN