QIRASHO LA’AAN JACAYL IYO, QASAARO LIXAAD. W/Q: Amina Cabdillaahi

KHASAARA JACAYL

QIRASHO LA’AAN JACAYL IYO, QASAARO LIXAAD.

Guriga ayay igula noolayd, waxa dhalay adeerkay ruma oo aabbahay ay isku oday iyo bar yihiin, adeer cali waxa uu degan yahay Baadiyaha, Xoolo miyi oo Geel iyo Adhiba leh ayuu dhaqdaa, Beer dalagu uga soo baxana wuu leeyahay.

Gabadhisa yar waxa uu noogu keenay si ay Tacliin ugu barato, anigu berigaa kuray ayaan ahaa oo dugsigii dhexe baan ka siibaxayay markii Felis noo timid, Guriga ayaan ugu dhigi jiray far Soomaaliga iyo Xisaabta si aan hadhow ugeyno Fassalka lixaad.

Runtii way dedaashay oo waxa ay noqotay Qof Fahmad badan oo Maskax furan, falis, waa Inan Edab iyo Akhlaaq badan, waa walaashay, Uur hooyo ayuun baanan ka soo wada dhicin.

Annigu waan ka waynaa da’ ahaan, markii Dugsigii sare ay gashay, Gashaanti timotidcan ayey noqotay, waxa ay bilowday Haasiwihii oo marka ku cusbaa, Wiil ay isku fasal ahaayeen oo alifle u ah, ayay sheeko wadaag ahaayeen.

Xilligaa anigu waxa aan ku jiray Jaamacadda, iyadu waa qof aan jecelahay oo unugulahay, si xad-dhaafa ayaana u daneeyaa, inta aan iyada ka fikiro walaalahay kama fikiro.

Marka ay maqan tahay ee ishaydu qaban waydo, waann ka werwera, oo hooyo ayaan waydiiyaa xagga ay ku maqan tahay, iyadu way ii timaada oo waanu wada kaftanaa. balse uurkayga ma oga waxa ku jira, iyo sida aan u jecelahay toona, walaalkeed uun bay ii haysta.

Marka ay iskuulka ka soo rawaxdo, qolkeeda ayaan u soo daba maraa, oo buugteeda ayaan baadhaa, waxa ay buugta jeldigooda ku dulsawirtay, (Love) Wadnayaal gudbinaaya dareen jacayl, iyo geeraaro aad umacaan oo Cishqiya.

Buug ayaan ka dhex helay waraaq far qurux badan lagu qoray, oo aad u xardhan ubaxyona ay ku sawiran yihiin, qoraal kalena uu ka hooseeyo, waann la cararay warqadii, sariirtayda dusheeda ayaan ku akhristay, waxa u soo qoray jacaylkeedii aliflaha ahaa, dareen badan ayey xambaarsanayd oo Kacayl ah.

Aniga intaan akhriyay illin ayaa iga socotay oo sida biyaha qoysay jidhkaygii mana dareemayn wax kale Falis ayaan xasuusanayay oo i hor imanaysay, Maqsinkii ayaan ka soo baxay, oo waraaqddii halkii ay taalay baan ku celiyay.

Kaabada guriga ayaan fadhiistay aniga oo fikiraaya, Falis ayaa soo baxday oo igu tidhi “Guuleed, maxa saacadan kaabada ku fadhiisiyay waa Milic kulayle” kor inta aan u eegay ayaan ugu jawaabay “Walaal Qaali qabow ayaan dareemaya, ee ma kulaylba cimiladu maanta? Waxa ay igu jawaabtay  kulayl way dhaaftay oo Kaliil ayaa soo baxday.

Markaasay aragtay indhahaygii oo casaaday sidii qof maanta oo dhan ooyayay, “Alla alla huuno guuleed maxa kugu dhacay ayay igu tidhi” si naxariis leh intaan hoos u foororsaday, ayaan ku idhi “waxaba, ee madaxa iyara xannuunaya”

Kiniin iyo biyo ayay ii keentay, waan ku farxay iyada darteed ayaan dawadii u liqay, awelba Xanuun imuu hayne,waan jecelahay umana sheegan karo!!  qof hadday la haasawdo waan hinnaasaya oo is badelaya, murugoonayaana.

Wiilka Allif-laha ah way isku dheeryihiin, jacayl xad dhaafa ayey isu hayaann, Laba qof oo is jecel in aan dhex gali karo maahan, balse isku day kasta ayaan sameeyay, waan kaantaroli kariwaayay dareenka jacayl ee aann falis u hayo.

Waa mid ku milmay dhiigayga, oo raacay dheecaankayga, xataa Hablo kale waan la sheekaystay, si aan iyada u illaawo, hasayeeshee waan ku guuldaraystay oo Nin ay meeli ka cadahay meeli ka madaw ayaan noqday.

Waan sannifaa oo iskaga tegaa sidii qof walaan, Habluhu way isukay sheegeen, oo magacayo ayay ii bixiyeen shan mirirle uu ka mid yahay, iyaga oo uga jeeda ninkani maalmo yar oo kooban ayuu kula soconayaa, isaga oo aan waxba kugu aragna wuu kaa tegayaa.

Sababtuna waxa ay ahayd dareen jacayl umaan hayn, Ee nafta uun baan ku samirsiinayay, haddaan falis u soo bandhigo waxa uurkayga jiifa ee dadka iga reebay, ee I bahdilay habeen iyo maalina aan la murugoonaya innuu yahay jacaylkeeda, waann ka baqanayaa.

Qalad inay ii fahanto ayaan diidayaa illeen walaalkeed ayay iga dhigatayee, oo ay guriga uga tagto dartay oo meeshaa ay ceebi ka dhacdo. Ax ax jacaylku wuu i hogaaminaya, ma yaqaano qofkan waxbad isku tihiin ee ka joog, meel aan wax ka bilaabo ma aqaan, sidaas darteed ayaan go’aansaday in aan iska aamuso oo la noolaado jacaylka waxbana u sheegin ina adeertay.

Foonforkii markii ay dhamaysay ayay iyada iyo jacaylkeedii ku tashadeen inay tahriibaan, anigu waxa aan ahaay qof xaaladeeda la socda, oo il naxariis leh ku dareemaya.

Kuuliyadii ay jaamacada ka geli lahayld ayaanu isla falanqaynay, tay dhigan lahayd. Waxa ay igu jawaabtay “walaal iminka waxba dhiganmaayo sanadkan waan nasanaya” Balse, waxa ay ahayd qof rabtay inay Waddanka ka baxdo.

Subax ayey igu tidhi “Dalxiis ayaan u tegaya Berbera aniga iyo asxaabtayda” aan ku raaco ayaan ku idhi, “iska joog ayay igu tidhi walaal, waa hablo keliya dadkaanu is raacayno”

Sidii ayay ku baxday, duhurkii markay ahayd ayaan wacay, lambarkeedii wuuba xidhan yahay ,dabka ayaa ka dhacay baan is idhi. Maalinta waann dareemayay waayo aragtideeda ayaan ku ildoogsan jiray, gabalkiiba dhacay welina may iman, asxaabtaydii berbera joogtay ayaan wacay, si ay iila raadiyaan, waxbaa ku dhacay ayaan isleeyahay, wax sheega waa lawayay waagii dambena sidii ayuu ku beryay, markiiba waa la dareemay inay tahriibtay.

Subaxdii sadexaad ayaan Adisababa ubaxay oo idhi aniga ayaa doonaya, nasiib daro kumaan gaadhin, subaxdii aan imid ayay iyaguna baqooleen, Suudaan markay maraysay ayay la soo hadashay xafadii, anigana hooyaday ayaa warka ii soo gaadhsiisay, iska soo noqona igu tidhi.

Lacag ayaa loo diray, aniguna saacaddaa ayaan go’aan ku gaadhay in aan kadaba baxo falis, nabad qab baan ku gaadhay Suudaan, xeradii ay joogeen ayaan tegay, reerkayagu ima oga oga in aan tahriibay oo daba socdo falis, lacagta anniga ayaa haystay, oo saaxiibkay ayaa iga soo daba dirayay.

Falis markii ay i aragtay, u qaadan waaba ku dhacay, way yaabtay, waxa ay igu tidhi maxaa kusoo waday, aqoon-yahan ayaad ahayde, shaqaale dawladeedna waad ahayd, oo mushahar waad qaadanaysay gurigiini ayaad joogtay.

Jawaab yar oo fudud ayaan siiyay, waxa Saxaraha i soo mariyay waa arrin dheer aniga ayaa mar kuu warami doona, aann faraxsana oo wejigeedaan arkayaa, hortayda ayay ka dhoolacadaynaysa, dhinac murug ayaan ka dareemaya oo waxa la socda qofkii ay nolosha laqaybsan lahayd, oo aniga waa guuldaro bilaash ayaan naftayda ubiimeeyay.

Isku gaadhi ayaanu raacnay, saxaaraha badhtankiisi markaanu marayno, ayuu gaadhigi qallibmay, wiilkii falis ay is jeclaayeen wuu dhintay, intii aanan miyir doorsamin ayaan u soo gurguurtay dhinaceedii, madaxeedu wada dhiig ayuu ahaa, gacanteedii ayaan tiigsaday oo faraha hore ayaan qabtay, aniga oo ku dhawaqaya “falisey ha dhiman waan ku jecelahay, adiga dartaa ayaan saxaraha u soo maray” waan dareemi karay in aysan miyir lahayn, waxayse iga ahayd mar uun uurkaaga ha soo tufo culayska jacayl ee ku haya.

Gacmahayagii oo is haysta ayaan koomo galay, falis na bartii ayay ku naf baxday oo ku dhimatay aduunkana kaga tagtay, aniguna waxa aan noqday mid lixaad la’a oo lugtiisi wayay.

W\Q: Amina Cabdillaahi

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.