QOFKAHADAL iyo ISKAHADAL

QOFKAHADAL iyo ISKAHADAL

(Autobiography vs Memoir)

Xuquuqda sawirka: Google

Hab-qorista aan u naqaanno taariikhnololeed ee sooyaalqofeedka ka warrama marka Af Ingiriisiga (iyo afaf kale) la joogo waxaa loo qaybiyaa saddex nooc oo kala ah: biography, autobiography iyo memoir. Biography waa marka taariikhnololeedka qof uu ruux kale qoro; autobiography waa marka uu qofi qoro sooyaalkiisa qofeed; halka tan u dambaysa “memoir” tahay marka qofku qoro sooyaalka qayb noloshiisa ka mid ah oo uu si gooni ah u xushay.

Inta aan ogahay qorayaasha Soomaalidu ma kala saarin saddexdan nooc marka laga reebo labo nin: Shariif-Saalax Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Cumar Warsame (Feegaar).

Shariif-Saalax waxa uu “memoir” ku soomaaliyeeyay erayga XUSUUSTEBYO, Buug xusuusqor ah oo uu ka qoray shirkii dibuheshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya, buuggaas oo magaciisu yahay “Xusuustebyo Eldoret: Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya 2002-2003”.

Cabdiraxmaan-Feegaar asagu buug uu qoray sannadkii 1983 oo cinwaankiisu yahay “Hab-qoraalka Sheekada Gaaban” waxa uu biography ku soomaaliyeeyay “QOFKAHADAL” halka uu autobiography ku macneeyay “ISKAHADAL.” Mudane. Feegaar ma uusan soo hadalqaadin xusuustebyada (memoir).

Soomaalida waan ku arkay qof taariikhnololeedkiisi (biography) uu qof kale qoray, iyo qof asagu taariikhnololeedkiisi (autobiography) qoray laakiin weli ma arag qof xusuustebyo qoray (Af Soomaali), waxase aan arkay buugga uu qoray Cabdullaahi Yuusuf Axmed in erayga memoir si khaldan cinwaanka buugga loo raaciyay. Buugga Cabdullaahi Alle ha u naxariistee cinwaankiisu waa “HALGAN IYO HAGARDAAMO: TAARIIKH NOLOLEED” laakiin qaybta hoose ee jaldiga cinwaanka ayaa lagu qoray “STRUGGLE AND CONSPIRACY: A MEMOIR” ayada taariikhnololeed lagu soomaaliyeeyay memoir taas oo aan sax ahayn, waayo haddii aan Soomaaliga xagga isla dhigno oo cinwaanka Ingiriisiga ah qaadanno dabadeedna buugga akhrinno waxaa inoo caddaanaysa in uusan buuggu memoir ahayn, si taas la mid ahna uusan biography ahayn. Biography ma ahan oo buugga sida ku qoran waxaa qoray Cabdullaahi oo ah isla qofka uu ka warramayo, sida aan kor ku sheegnayna biography waxaa qora qof aan ahayn qofka uu buuggu ka warramayo. Sidaas aawadeed buugga Cabdullaahi ma ahan biography ma na ahan memoir, ee waa autobiography ama ISKAHADAL sida Cabdiraxmaan-Feegaar qabo.

Maxay ku kala duwan yihiin autobiography iyo memoir maxay se isaga mid yihiin?

Waxa ay isaga mid yihiin, waxaa qora isla qofka warkiisa buuggu tebinayo. Waxa ay kale oo ay isaga mid yihiin, waa tebin dhab ah (non-fiction narrative).

Waxa ay ku kala duwan yihiin waxyaabo badan oo aan ka xusi karno:
1) autobiography waxaa lagu tebiyaa sooyaalka qofka oo dhan si ama hab taxan (CHRONOLOGICAL) , min alif ilaa ya’ (A to Z). Halka memoir qofku diiradda ku saaro qayb ama dhacdo gaar ah oo noloshiisa ku saabsan qasabna ma ahan in ay ahaato chronological. Tusaale ahaan, qofku waxa uu memoir ka qori karaa hal ama labo dhacdo oo xusuustiisa dareen culus ku reebay sida safar uu galay sida buugga Eat, Pray, Love: One Woman’s Search for Everything Across Italy, India and Indonesia by Elizabeth Gilbert.
Afar sannadood uu waxbarasho sare dibadda u joogay ayuu ka qori karaa. Ama waxa uu memoir ka qori karaa dugsigii Qur’aanka ee uu soo dhigtay asaga oo diiradda saaraya dareenkiisi subaxdii u horraysay ee dugsiga la geeyay, hab-dhaqankii macallinkii dugsiga iyo sidii uu ardada u dhangedayn jiray, noloshii iyo hab-dhaqankii ardadii ay isku dugsiga ahaayeen. Ama waxa uu memoir ka qori kara dagaallo sokeeye oo ka dhacay magaaladii uu ku noolaa iyo sidii ay u saameeyeen asaga iyo qoyskiisa, iyo noloshii magaalada.
2) waxa kale oo memoir uga duwan tahay autobiography waa habka tebinta. Memoir marka la tebinayo waxaa loo tebiyaa si u eg sheekafaneedda noofalka, oo dareenka (feelings/emotions) iyo hummaagyada (imagery) ayaa xoogga la saaraa ayada oo la adeegsanayo af maldahan (figurative language). Halka autobiography aan taas la adeegsan.
3) autobiography waxaa iska qora qof caan ah sida Nelson Mandela (Long Walk to Freedom), halka memoir ayan qasab ahayn in qofku caan yahay. Tusaale: Mayo Angelou caan ma ahayn markii ay qortay “I Know Why The Caged Bird Sings.”
4) akhristuhu waxa uu autobiography u akhriyaa si uu u barto sooyaalka qoraha, halka uu memoir u akhriyo ogaanshaha iyo danaynta dhacdada/ooyinka uu qoruhu tebinayo ee noloshiisa la soo gudboonaaday.

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN