QOOMIYADDA KHOISAN (CALI-BEESTAAN)

MAXAAD KA TAQAANAA QOOMIYADDA KHOISAN-KA/CALI-BEESTAANKA?

Khoisan, waa mid ka-mid-ah bulshooyinka ugu facawayn ee ku dhaqan qaaraddeena Afrika, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta. Waa qoomiyad asal ah oo aan isir ahaan ka tirsanayn bahda baantuuga( Jareerta) iyo kuushintiga(jileeca) midkoodna.

Deegaan ahaan waxay bulshadani degaan: Saxaraha Kalahaari ee dhaca koonfurta qaaradda, waxay kaloo ku kala filiqsanyihiin dalalka: Botswana, Zimbabwe, Namibia, Losetho, Zambia iyo South Africa.

Magacyada qoomiyaddaan loo yaqaano waxaa ka mid ah: Khoisan, Khoi-Khoi, Bushman iyo Cali-beestaan. Dhaqan ahaan waxay caan ku yihiin: ugaarsiga, dhaqashada xoolaha( ariga iyo lo’da), qoobab-ka-ciyaarka iyo isticmaalka maan-dooriyaha toobaakada.

Sida ku qoran website-ka Wikipedia, warbixin la soo saaray 2010-kii waxaa lagu sheegay in dadka Cali-beestaanku tiro ahaan dhanyihiin: 400,000/ afar boqol oo kun, waxaase la isku raacsanyahay: in ay adag tahay in la tirakoobo khoisanka iyo bulshooyinka la mid ka ah, taasoo lagu sababeeyo: socodkooda oo badan iyo cabsi laga qabo in ay dhib gaarsiiyaan dadka shisheeyaha ah ee isku daya in ay wax ka ogaadaan.

Waxaa xusid mudan in uu jiro filim aad u caan ah oo la yiraahdo “God must be grazy” Soomaaliduna ay u taqaano Cali Qaawane, soona baxay dabshidkii 1980-kii kaasi oo aad u soo bandhigaya dhaqanka la yaabka leh ee dadka Khoisan-ka.

Taariikhdu waxay xustaa dagaalo daba-dheeraaday oo dhaxmaray bulshada Khoisan iyo gumaystihii Bauer/Holandes-ka kuwaasi oo dhacay sanadihii: 1659-1673 iyo 1675-1677, dagaaladaas oo la sheego in uu bulshadaan hoggaaminayay geesi lagu magacaabi jiray Duma, colaadahaasi waxay ku caan yihiin magaca ( Khoisan-bauer war).

Ilaa iyo maanta, dadkaani waxay u dagaalamaan in loo ogolaado: in ay u noolaadaan qaab-nololeedkaan duugga ah ee ay ka dhaxleen awoowayaashood, waxaana inta badan la arkaa iyaga iyo ciidamada booliiska oo  ay dhaxmarayaan rabshado iyo isku-dhacayo.

Dhibaatooyinka ay ka cawdaan reer Khoisan waxaa ka mid ah: dalalka ay sida teelteelka ah ugu nool yihiin oo aan badankood u aqoonsanayn muwaadiniin, maadaama aysan qoomiyaddaani qaadan waraaqaha dal-ku-joogga, sida: baasaboorka, ID-ga iyo dhalashada, ayna yihiin dad guurguura oo seexda meeshii uu gabbalku ugu dhaco.

Aqriste, adigu waligaa ma aqaragtay Cali-beestaan, mase kula tahay in Soomaaliya laga helo dad ay isku isir yihiin?

Xigasho: Barta YouTubeka E-chronicle, Barta YouTubeka The house his majesty King Adam Kok V, Barta YouTubeka Best movies iyo Barta Internetka Wikipedia.

W.Q: Cabdinaasir Xiddig

SHEEKOOYIN