QORSHEYEELO 2020 W\Q:-Cali M. Diini

QORSHAYEELO 2020

Ma jiro qof qorshe la’aan ahi, ma jiro qof higsi la’aan ahi. Mid walba oo naga mid ah waxaa u muuqda oo maskaxdiisu tusaysaa meel uu rabo in uu timaaddada (mustaqbalka) gaaro, tusimayso kaliya ee waxa ay u sawiraysaa jidkii uu mari lahaa. Tus: waxaa kuu sawiran adiga waxbarashada heer ka gaaray, shaqaystay, guursaday, magac iyo maamuus yeeshay, guri iyo baabuur yeeshay, da’ noqday oo masaajidka shanta waqti ku tukanaya.

Fikirka iyo malayntu waa waxa aan xayawaanka kale uga duwannahay. Balse maskaxdeennu waxa ay inoo sawirtaa sawir qurux badan iyo nolol raaxo leh in aan gaaraynno ee na ma tusto ama inoo ma malayso dhibaatooyinka iyo qallafsanaanta waayaha, iyo guuldarrooyinka nolosha, waayo qaybta difaaca ee maskaxda ayaa ilaalo xoog badan naga haysa oo aan inoo oggolayn sawirradaas aan wacnayn. Sidaas awgeed waa in aan annagu degsannaa qorshe iyo jadwal-hawleed oo aan ku gaari karno berrinka quruxda badan ee maankeennu inoo sawirayo.

Si aan aan u qorshaynno socdaalka iyo geeddiga aan ugu kicitimi lahayn berrinkaa barwaaqada ah ee maskaxdu inoo sawirtay ugu horreyn waa in ogaanno ama helno sirta ka dambaysa imaansheheenna addduunka, maxaan adduunkaan u imid ama la ii keenay? Maxaan u noolahay? Maxaanse kala tagayaa berri? Marka aan Muslimiin nahay jawaabta Alle ayaa waa hore inoo sheegay oo yiri:

وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ (51: 56).

U ma abuurin dadka iyo jinniga in ay caabudaan un maahane.

Si aad Alle u caabudno waa in aan baranno sidii aan u caabudi lahayn iyo in aan noolaanno, si aan u noolaannana waa in aan shaqaysannaa iyo in aan xirfad yeelannaa. Halkaas waxaa inooga cad in barashadu sal u tahay wax walba sida cibaado, shaqo iwm, oo noloshada bilowgeedu yahay akhris iyo qoris. Haddaad rabto in aad wadaad noqoto waa in aan diinta baratid, haddaad rabtid in aad ganacsade noqotid waa in aad ugu yaraan wax qori kartaa ama akhrin kartaa. Waa ay jiri karaan dad ganacsiga meel sare ka gaaray in aysan wax qori karin ama akhrin karin basle taasi waa naadir. Sidoo kale casrigaan hadda lagu jiro waa ay adag tahay ama maba dhici kartaba in qof wax akhrin karin qorina karin oo nolosha heer la gaaro. Muslim haddaannu nahay si gaar ah ayayba tasi inoo saamaynaysaa waayo Nabigeennu Muxammad (csw) kow markii Alle adduunka u soo diray Alle uga ma billaabin ‘saaladda tuko ama dadka khamriga iyo sinada uga dig ee waxaa Alle kuu yiri:


.اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ.

Sidaas awgeed bilowga socdaalkeenna aan ugu socdaalaynno berrinka barwaaqada ee maskadaxdu inoo sawirayso waa in aan ka bilownno akhriska iyo qorista. Intaas kaddib baro naftaada oo daraasayn ku samee, waayo waxa aad tahay qof ka duwan toddobada bilyan qofood ee adduunka ku nool. Si kasta oo ay u jiraan dad aan si un isugu dabeecas iyo dhaqan dhowdihiin haddana waxa aad leedahay wax aysan balaayiintaas kale lahayn oo aad uga duwan tahay. Marka in aad ogaato qofka aad tahay waxa ay kuu fududaynaysaa in aad gaaro berrinka aad geeddiga ku tahay ee maskaxdaadu kuu soo sahmisay. Kaddib dooro qofka aad rabtid in aad noqotid mustaqbalka iyo waxa rabtid in aad adduunka ku soo kordhisid, dabadeed deji qorshihii aad halkaaas ku gaari lahayd.

Si qorshaha aad dejisay u noqdo mid guulaysta waxa aad u baahan tahay in aad leedahay DIIRAD, DADAAL, WAXBARASHO JOOGTO AH, FILASHO WANAAGSAN, DULQAAD, JOOGTAYN iyo DHISHIBILIIN-NAFADEED.

Haddii aadan lahayn diirad oo maalinba meel tooshku kuu qabanayo ogow guul gaari mayside. Waa in diiraddu kuu soo saarnaato halka aad qorshaysid in aas gaartid, dadaalna aad ku dartid, khaladaadka kaa dhacayna aad wax ka baratid iyo in aad maalin walba wax cusub baratid toos ah ah ‘akhri buugaagta.’ Intaas waxa raaca in aad tahay ruux mar walba wax san fisha iyo in uu guulaysanayo, dulqaada na u leh turaanturrooyinka noloshada oo aan horay iska dhiibin. Sidoo kale waa in aad noqotaa qof joogayn leh oo aadan noqon mid 2 asbuuc kaddib daalaya haddnaa bil ka bacdi hawshii dib u bilaabaya. Ogow in aad geeddi tahay u na socotid berrinkii naqa lahaa ee maskaxdu sahanka ku soo aragtay. Sidaas darteed xasuuso in qoys geeddi ahi uusan socodka joojin ilaa uu ka gaaro berrinkii uu geeddiga ku ahaa.

Ugu dambayn waa in aad naftaada dishibiliin u samayso aadna ka dhigto mid habaysan oo urursan, lehna awood ay ‘maya’ ku oran karto markii ay aragto wax jidka socdaalka kaa leexinaya. Ha noqon ruux qaba qandhada la yiraahdo SHINY OBJECTS SYNDROM (xiisaalow maalinba meel ku booda haddana 2 bilood kaddib ka xiise dhaca oo wax kale oo cusub billaaba).

Gebagebadii, baro MAARAYNTA MAALMAHA. ogow ma jiro ruux heer ka gaaray nolosha oo ahayn mid ka adkaaday maamulka maalmaha, hadba sida aad maalmaha u maaraysid ayaa horumarkaaga iyo guushaadu ku xiran tahay. Xasuuso in waqtigu ka mid yahay nimcooyinka Alle inoogu nimceeyay aakhirana na la kula xisaabtamo doonno halka aan ku dhamaynnay waqtigii Alle na siiyay.

Ha noqon qof maalintu hoggaamiso ee adigu noqo mid maalinta hoggaamiya. Si kale haddaan u dhigo maalintu yaysan ku maamulin ee adigu noqo mid maalinta maamula. Taas macneheedu waa, qorshayso 24ka saacadood ee maalinta hawsha aad qabanaysid. Ha noqon mid inta subaxdii soo kaca yiraahda “maanta maxaan qabtaa? Maanta intee aadaa?” Ogow dadka guulaystay waa kuwa maalinta qorsheeya ka hor inta aysan maalintu imaan.

W\Q:– Cali M. Diini

SHEEKOOYIN