QUUS WQ; Cabdinaasir Xiddig

QUUS

Hooyo, waxaan ahay wiilkaagii yaraa. Haa, wiilkaagii aad sagaalka bilood uurka ku soo qaadday. Wiilkaagii aad gu’yaasha badan koolkoolinaysay, hab-baraysay, u heesaysay, huggiisa iyo hadal-bariddiisana aad waqtiga badan galisay. Alla maxaad i jeclayd, Alla maxaad naxariis badnayd, Alla maxaad dulqaad badnayd!
Hooyo, waxaan ka baqayaa in aan gafo haddii aan iraahdo waxaa tahay hooyada ugu fiican hooyooyinka ifka ku nool, ku soo nooladay ama ku noolaan doona, maxaa yeelay dhammaantood ma wada arkin, waxaanse hubaa in aad tahay mid ka mid ah hooyooyinka ugu fiican adduunka. Waan xusuustaa heesihii iyo sheekooyinkii aad ii taleexin jirtay habeenkii marka xooluhu soo xaroodaan, cuntaduna ay dabka saaran tahay. Sheekooyinkii i illawsiin jiray: dhawaaqa waxaraha, yuuska nirgaha iyo sawaxanka dhallinyaradii caways-tumayaasha ahaa.

Hooyo, waxaad ii gogli jirtay gogol aad u wanaagsan, waxaad i huwin jirtay dhar aad u dugsoon, waxaadna aqalka aan dhinaca ka jiifo ka shidi jirtay dhir aad u udgoon, kuwaasi oo gaashaan iiga noqon jiray kaneecada iyo bahaladda gurguurta. Waxaad i seexin jirtay rako ay aad u adag tahay in wanaageeda erayo Af-soomaali ah ku muujiyo, laga yaabee in aan maciin bido afafka bulshooyinka ilbaxa ah, kuwaas oo aan ka xusi karo: Faarisiyiinta, Roomaanka iyo Urduuga ay ku hadlaan bulshada reer Hindustaan. Maya, ankee isku darkooda kuma qeexi karo wanaaggii iyo daryeelkii aan dhankaaga ka helay.

Hooyo, wax kastaahi dhankayga waa sidii aad igu ogayd maalinkii aad geeriyootay ee maydkaaga karaamaysan lagu qaaday ratigii aad aadka u jeclayd ee Mayle, waa ratigii aad markaan guurayno I saari jirtay. Asagii laftitkiisaa la kacay maydkaagii.
Hooyo dhimashadaadii ka dib, kaliya ma cidloone waan hoogay oo ba’ay, waan jabay oo guuldarraystay, waan ciishooday oo cabtay, balse waxba iima tarin, ii mana aysan ii soo kaa celin. Waxaanba noqday sidii qof meel dheer ka soo dhacay, oo haddana ku sii dhacay ceel mataan ah oo aad u dheer! Waxba ii ma aysan tarin oohintii aan ooyay, mana helin ilaa maanta wax kaalintaadii ii gala.

Hooyo, waxaad ka tagtay dad Soomaaliyeed iyo dal Soomaaliyeed oo hodan ah, waxaanse maanta ka soo dhax-hadlayaa dad Soomaaliyeed oo sabool ah iyo dal Soomaaliyeed oo gawaan ah. Waxaad ka tagtay dad dhaqan iyo diin leh, waxaanse ka soo dhax cataabayaa dad dugaag ah oo aan haba yaraatee wax dhaqan ah lahayn.
Waxaad ka tagtay dad qab leh oo wax bixiya, waxaase badalay: dad la quursaday oo gacanta hoorsada, dad gumoobay oo astaan u noqday ceeb iyo foolxumo, dad marka xumaan la qeexi rabo lagu soo hal qabsado, dad marka guuldarro la sharixitago magacooda la soo qaado. Dad ay is-kugu-darsantay wax kasta oo laga ducaysto, kana gacan maran wax kasta oo lagu ducaysto.

Hooyo, madaxdeennu waa dallaaliin, mucaaradkeennu waa qaaqlayaal, hoobalkeennu waa qashin-dhax-joog, qalanjadeennu waa jiima daran, ugaasyadeennu waa caada-qaadayaal, aqoonyahankeennu waa hummaag, gabyaageennu waa shilin-caabud, wadaadadeennu waa ibliisyo, xeerkeennu waa xigtaysi, xoolaheenuna waa gallay dhacday. Xaaraantu waa noo xalaal, xalaashuna waa naga xaaraan. Quruxdu waa noo fuulxumo, foolxumaduna waa noo qurux. Dilku waa noo gobanimo, daysmaduna waa noo doqonnimo. Duullaanku waa noo xal waanwaantuna waa noo liidnimo.

Hooyo, waxaan ka shallaayaa dhalashadii aan ku dhashay dhulkii dhiigga iyo Colaadda ee Mudug, waxaan ka shallaayaa in magaalo-madaxdaydu tahay Muqdisho, hoygii dilka iyo dagaalka. Waxaan ka shallaayaa in dalkaygu yahay Soomaaliya, saldhigga dhaca iyo musuqmaasuqa. Waxaan ka shallayaa in qaaraddaydu tahay Afrika, rugta ceebta iyo ciilka. Waxaan ka shallaayaa waxkasta oo igu dhacay, waxkasta oo igu dhici gaaray iyo waxkasta oo aan goobjoog u soo ahaa.

Waxaa qoray Cabdinaasir Xiddig

SHEEKOOYIN