SAALAX ASHKIR IYO XAALKIISA (SHEEKO GABAN). W/Q Mohamed Musa Sh Noor

SAALAX ASHKIR IYO XAALKIISA (SHEEKO GABAN)

Waxaan ku wada tukanaa Masjidka, dhowr jeer ayaan isku saf ku tukanay, salaadda subax xitaa dhowr jeer waan isku aragnay, wax eraya ah isma dhaafsano aan ka ahayn in aan ku midowna safka salaadda inta aan ku jirno oo aan mar mar is dhahno is toosi, balse, hayb ahaan waan is naqiin oo waddada marka aan isku aragno asalaamu calaykum ka badan ma jirin, maxaa yeelay. aqoon kale oo isku leenahay ma jirin .

Dunida markan waxay noqotay sida Digsi lagu wada jiro, waxaa jiraya dad badan oo aadan aqoon u lahayn wax idin ka dhaxeeyana aysan jirin, xaqiiqda marka laga hadlana jinsi ahaan rag iyo dumar waxa ay yihiin aadan aqoon oo aad ku kulantaan Baraha Bulshada ee internetka sida Facebook iyo baro kale oo badan.

Inankan wuxuu ka mid ahaa asxaabtayda Facebook, aqoona uma lahayn, sababtana waxay ahayd magac ahaan ayaan u aqoonsan karay haduu ii sheego fcbook magaca uu kusoo galo, sidaas ayaan ku aqoonsan waayay, isagase wuu i yaqiin, sababtana waxay ahayd, sawirkayga ayaa meesha saarnaa,  marka sawirkayga iyo magacayga oo la is ku daray waa aqoon buuxda oo uu qofku igu soo qaban karo runtii, balse, mid hoose ima uusan aqoon, uga yaraanse waddada wuu igasoo qaban karay, wuuna isoo qabtay runtii.

Waxay ahayd salaaddii subax kadib, mar aan aqrisanayay Quraan ayuu ii yimid, markaas ayuu igu yiri “Maxamed ma dhamaysatay mise wali” markaas ayaan ku iri “wax yar ii dulqaado shan daqiiqo camal Jus ayaa qabya ii ah ee aan dhamaystiri rabaa, ii dul qaado” waxaanse sii waydiiyay in waxa uu iga doonayo ay yihiin wax dag dag ah mise wax la sugi karo ay yihiin, wxuuna iigu jawaab ceslahay dhamayso walaal waan ku sugayaa, haye ayaan ugu war celshay.

Markii aan dhamaystay ayaan u yeeray, oo ku iri “ka raali noqo inta yar ee aad  i sugtay,” si daganaan ka muuqato ayuu iigu yiri “adiga ayaa mahaddaas mudan walaal raali galintana waa xagayga, oo adiga oo Qoolka Allah aqrinaya ayaan kaa kala jaray, ka raali  noqo  gacantiisana wuu iisoo taagay, isaga oo igu oranaya waa Saalax Ashkri magacayga barasho wanaagsan.

Waxaan ugu jawaabay “Maxamed Muuse Sh Nuur”, wuxuu isla markiiba igu yiri “aqoon hoose kuuma lihi, balse, waan ku aqaanaa suura ahaan iyo magac ahaanba, markaas ayuu iisii raacshay, aad ayaan kuula socdaa, mar walbana waxaan jeclaa kulankaaga, isku xaafadna waa nahay, isku jamecana waa nahay, dhowr jeerna safka salaadda waan ku kulanay, walaale barsho hoose ayaa iigu kaa dhiman, taasna way imaan oo xiriirka labada qof sida uu usii balaarto ayay midaas ku xirantahay.

Wuxuu igusii yiri, “waxaan jeclaa lahaa, in aan si fiican kuula sheekaysto, bal iiga waran firaaqadaada” waxaan ku iri, “walaal firaaqadayda ma badna axadda iyo galabta sabtiga ayaan firaaqo leyahay”  wuxuu ii tilmaamay goobta uu ka shaqeeyo, oo aan markaa aqiin wuxuun iisii raacshay in uu yahay Milkiilaha goobtaas .

Goobtu, waa goob runtii aad u balaaran, kana kooban guryo flats ah iyo bakhaaro ganacsi, iyo farmashiyaaal ay ku yiileen, sidaas si la mid ah shaybaaro dadka lagu baaro,waxaan ku iri waan aqaan goobtaas maashaa allah.

Wuxuu igu yiri, maalinta axadda insha allah waqtiga duhurka wixii ka dambeeya aan kulano, si aan u wada fadhiisano, waxaana jeclaan lahaa runtii, in aan wax badan oo qaas igu ah kula wadaago, oo waliba noloshayda ku saabsan, si dadka asxaabtaada ah, aad qoraaladu ugu gudbiso ay cibra qaadasho ugu noqoto, waxna ay ku qaataan.

Waan la yaabay runti qofka sidaa igu oranaya, markaas ayaan waxaan ku iri, dhibkaaga haddii xalkiisa aysan dadku kugu kaalmayn Karin, la wadaagiddooda faai’da ma leh, markaas ayuu yiri “caawinaad cidna kama doonayo, aan Eeba ahayn muhiimadda waxay tahay, in kuwa Alla u nimceeyay ee kufriga badan ay Allah xusuustaan”.

Waxaan isla markiiba dareemay, in Saalax Ashkir xaalkiisu uusan sahlanayn, waxa uu sidana ay yihiin wax culus oo uu  doonayo in culayskooda laga dajiyo, isla markiiba waxaan ku iri, waayahay Saalax, balse waxaan kaa codsanayaa, in aan fasax buuxo u heli doono, waxa walba oo aad ii sheegtid, haddii aad is leedahay bulshada wax waa ka faaiidi karaan, isla markiiba inta gacantayda calaacasheeda tiisa saaray ayuu yiri, “aniga ayaa kuu imid kulana soo doontay arrimahayga, haddaanan raali ka ahayna kuuma imaadeen marka ka eed la’ow Maxamed”.

Maalinka aan is dhaafsanaynay hadaladaas, waxay ku aadanayd maalin Jimca ah, isla maalinkii axadda ee balantu ahayd ayaanu ku kulanay halkii noo madlanayd,  salaan kadib iyo shaah iyo is waraysi shaqsiyadeed kadib waxaan guda galnay muhiimaddi hadalka, oo ahayd wixii ku dhaganaa Saalax. 

Wuxuu ku bilaabay hadalkiisa “ Dunidu waa mid maldahan oo daah ku rogan yahay, duulkii doonana daah furkeeda uu ku qasban yahay, Daainna waa Eebe, ducana waa midda waalid, dareenna waa kan caqliga caafimaadka qaba lagu laro, daah furka sheekadayda, waxay dul taalaa shaqsiyaddayda”

Waxaan ku iri, gartay ee dar dar u gal sheekada Saalax, aniga oo yaaban isna leh, muxuu sheegi doonaa? ayaa waxaa mar qura, is badal ku yimida suuradda wajigiisa, oo wiilkii faraxsanaaa waxaa hal mar daboolay Murugo aad u daran indhah ayaana gaduutay runtii, waxaana dareemay isla markii in xaalku uusan wanaagsanayn, waxa soo socdana aysan ahayn wax wanaagsan, waxaana isku canaantay isla markii in aanan ku wanaagsanayn, imaatinka meeshan, hadana, dib ayaan isku qanciyay, waxaan xusuustay in aan ahay, ninka loo doortay sheekadan shaqsinimo, ee sirta u ah wiilkan, waxaana go’aansaday in aanan eray dhex galin ah oo waxba ku oran wiilkan inta uu sheekada ka guda galayo oo uu soo tufayo waxa maankiisa ku jira si uu nafis u dareemo.

Waxaan jecalaan lahaa, inta aanan idiin guda galin sheekada Saalax, in aan tilmaan yar ka bixiyo shaqsiyaddiisa, waa wiil dhalin yara ah, oo aan is leeyahay runtii 29 ilaa 30 ayuu u dhaxeeyaa, wuu cas yahay waana wiil xoogaa dheer oo dhuuban, qurux raganimo ayaa ka muuqata, asluub wanaagsan oo iimaan ka muuqda waa laga dheehan karaa wajigiisa, calaamadda sujuuda ee lagu yaqaan raga ahlu salaadka ah bartanka wajigiisa ayey ka muuqatay, daganaan aad u macaan ayaa ka muuqatay,  waa inta aan markaa ka arkay, wuxuu iigu daray in uu yahay nin ganacsada ah, oo waalidkiis uu kali ku yahay, aabihiis isaga oo yar uu geeriyooday, adeerkiis oo aan ilma dhalin uu soo korsaday, xoolahana isagu uu siiyay si uu ugu shaqaysto, wuxuu jeclaystay in uu ila wadaago markaa sir ka mid ah siraha noloshiisa, sababta uu iigu sheegay, marka aan waydiiyayna wuxuu iigu jawaabay, walaal waxaa tahay qof wax gudbin kara, sidaa darteed, waxaan jeclaystay in aad sheekadayda si dadban u gudbiso, ula jeedada aan ka leeyahyna waxay tahay, in dadka qaarkii ay dareemaan in uu Rabi nimco siiyay, nimcada Eeba siiyayna in ay ku shukriyaan ay hilmaansanyihiin, bal qaarkood ay la cilloobeen rabigooda, ayaga oo iska dhaadhacshay in Rabi uu ku adkeeyay Nolosha, sida dhabta ahna, uu allah nimcadiisa ku daboolay, Koonka oo dhan, qof walbana ay waajib ku tahay u mahad celinta allahiiisa.

Wuxuu yiri, “waxaan ahay wiil dhalin yaro ah, oo waqtiga noloshiisa ugu fiican ku jira, xoog iyo maalba Alle siiyay, Qurux jismina uu ugu deeqay,  hadana waxaa iska kay haysta, Imtixaan rabbaani ah kaas oo aan lasoo hana qaaday noloshayda bilowgeeda, balse, aan dareemay in ay tahay dhib i haysta markii aan qaan gaaray.

Saalax wuu sii watay sheekada, isaga oo ay illimo indhihiisa ka daadanaysay, wuxuuna yiri walaal Maxamed Rabi swt iguma abuurin wax shahwo la dhaho, Dumarka mid walba midda ay ka qurux badantahay har iyo habeen waa i dul taagan yihiin ayaga oo iga dalbanaya Guur, mid walbana waxbaan u sheegaa, aniga oo ka qajalaya in aan sirta noloshayda u sheego.

Hadalka isaga ayaa sii watee, wuxuu iisii raacshay in hooyadiis oo kaliya uu u sheegay, qofka labaad oo uu la wadaagayna aan aniga ahay Maxamed ah ahay, sababtana kor ayey ku qorantahay oo waa idiin sheegay, wuxuuna ii sii sheegay in uu hooyadiis ka codsaday in ay ducada kusoo kabto, maadaama uusan rajada Alle ka quusan waligiis, mar walbana uu ku raja wayn yahay in uu Alle u gargaari doono, maalin ay noqotaba, inta ka sokaysana uu sabarka weheshado .

Waxaan waydiiyay, in uu dhaqaatiir la xiriiray iyo in kale, wuxuu ii sheegay in uu dhowr dhaqaatiir la xiriiray, qaarna ay u deersheen, oo ay ku sheegeen xaalkiisa xaal dabiici ah, oo aan wax laga qaban Karin, qaarna ay raja galsheen oo ay dhaheen waxaan kaa qaadaynaa tijaabooyin caafimaad, in aan ku guulaysano ayaan raja ka qabnaa, balse ilaa hadda uusan wax natiijo ah haynin.

Waxaan waydiiyay, caafimaad ahaan siduu yahay marka laga reebo cilladaas uu ii sheegay kadib, wuxuuna igu yiri, aad baan u fiicanahay, balse, uusan aqoon nolol ahaan halka uu ku tiirsan yahay, micnaha Lab iyo Dhidig, maadaama labadaba uusan ahayn, waxaan ku iri, nin rag ah ayaa tahay sidanna Alle ayaa kuu doortay waana in aad ku qanacsanaataa, sababta uu Allah sidan kuugu doortay waxaa ka dambayso u jeeddo, ee sabarka sii wahesho Saalax insha allah waa la kheyrayaa.

Intii aan wada sheekaysanaynay telkiisa waxa dad soo wacayo waan la yaabanaa oo waxayba u badnaayeen Dumar, yarku waa wiil aad u dabeecad fican qaalina ka ah shaqsiyadda, sida dhabta ahna ma ahan Xaasid oo waa qof Bashaash ah oo aad u  fur furan, xitaa aniga waan jeclaystay la joogistiisa.

Wuxuu ii sheegay, in uu la nool yahay noloshaaas dhabta ah, xoolaha uu haystana  uu maanta ka jeclaan lahaa in shaqsiyadiisa dhabta ah, ee raganimo loo soo celsho, uuna ku baddalan lahaa wax walba uu haysto, wuxuuna igu yiri, waan ku qanacsanahay walaal dhabta aan ku noolahay, waana aqbalsanahay walaahi, balse xaaladaha dadka ee ilasoo darso ayaa ah, kuw mar walba igu abuuro Tiiraanyo, maxaa yeelay ayaga oo ogaal u lahayn xaaladdayda dhabta ah ayey ku hadaaqaan warar gudaha iiga dhaco dhaawacna ii gaysta.

Wuxuu yiri Saalax, waxaan kula dar daarmayaa qof walba oo caafimaad qaba, in u mar walba allihiisa u mahad celsho, nolosha qaaliga ah ee uu siiyay marba haddaada labad dhinac tahay, micnaha (Lab iyo Dhidig) aniga dhinacna ma ihi marka towbada hala badsho ayuu hadalkiisa kuso gunaanaday, runtii aniga ayaa adkaa, oo mar walba ku oranayay is adkee, nin rag ah ayaa tahay oohin ma wanaagsana, in la arko wajigaada oo illin dabooshay, balse markii uu sheekada soo gunaanadayay, aniga nafsad ahaantayda ayaa ceshan waayay illinta, maxaa yeelay, waxaa ila cuslaatay xaaladda uu ku noolyahay wiilkaas, iyo dulqaadka ka muuqdo iyo sida uu u jeclayahy, in dadku ku cibra qaataan noloshiisa, xaqiiqatan qanaaco badan ayaa iiga muuqatay, waa is dhihi kartaan aqristayaal, muxuu la ooyay haddii ay qanaaco buuxisay qalbigiisa.

Taas waxaan ka dhihi lahaa, qofku waa Bani aadam, dareen iyo damiirna waa leyahay, marka uu arko dunida ku hareeraysan, difaaca dareenkiisa hoos ayuu u dhacayaa, maxaa yeelay, waa xanuun runtii cudur kaligaa kugu ah hadana daawo ahaan aadan wali ku guulaysan umaddana aysan war u ahayn dhibkaaga, haddii ay ogaadaana in ay kugu maadsadaan mooyee aysan wax caawin ah kuu hayn.

Saalax  wuxuu igu ahaa, mid ka mid ah mucjisada noloshayda aanan hilmaamayn, mar walba oo runtii aan xoogaa dareemo daciifnaan xaga iimaanka ah, wuxuu ii noqdaa dhiiri galin nafeed, oo waan soo noqdaa, waxaana dareemaa in aan ahay Dambiile dulmi wada, markaas ayaan Allah xasuustaa ugana mahad celshaa nimcada uu igu mannaystay.

Hadaba, walaalka qoraalkan aqrinaya waxaa kuugu sugan qoraalka cibra qaadasho,  waana sababtaas sababta aan kuugu soo gudbiyay, uu igana codsaday runtii dhibanaha arrintan adag ay haysato, bal cabir naftaada oo xoogaa yar is xisaabi, adiga iyo wiilkan dhalin yarada ah xagee kala taagan tihiin, waa maxayse farqiga idiin dhaxeeya? ma adiga ayaa ka fadli badan? Alle miyuusan awood u lahayn, in uu wiilkaa farxaddiisa u soo celsho adigana kugu badalo booskiisa, waa maxayse sababta sidaa loo sameeyay? waa iska cadahay, waa cibro qaadasho, walaakey ama walaashey bal dib isugu laabo oo xoogaa yar la kaliyoow naftaada, dhowr si’aaloodna is waydiiya oo ku saabsan arrintan, waa hubaal in wax badan oo aad ku qanciso naftaada ay kuu soo baxayaan.

Waxaa jira mar walba dad badan oo  ku nool xaaladdan xaalad ka sii adag, saalax waaba caafimaad qabaa wuuna shaqaystaa oo assagiis ma tuugo, ka waran kuwa sariiraha aan kasoo kici Karin? ka waran kuwa aan lugaha lahayn ee aan talaabo gaddin Karin? qof walba qayb ayuu ka haystaa imtixaanka dunida, sidaa darteed waxba ha eegin dhibka markaa kugu dhagan, hana la eryin oo hala qaylin, naftaadana ha u sheegin wax aysan mudnayn.

Ciqaabaha Allah waa badan yihin, sidaas si la mid ah nimcooyinkiisa, allah ma naxo waa naxariirstaa, mar walba aan Allah ku xirnaano, aana uga faaiidaysano waqtigeena sida saxda ee nala amray.

Dunida aad dambiga ku samayanaysid allah ayaa iska leh ee ma waadan ka xishoonayn?!

Dunida aan quudanayisd cuntadeeda allah ayaa kuugu deeqay ee ma  wuusan mahad celin kaa mudnayn?!

Dunida keenitaanka lagu keenay, waxaa ku jirtay Xikmad, ee ma waadan ku cibra qaadanayn xikmadda ah abuuristaada?!

gaba gabada waxaan idinkula dar daarmayaa cabisda Alle iyo mahadnaqiisa oo la badsho

W/Q Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN