SAFARKAYGII DHUUSAMAREEB

Badanaa ma safro! Waxaan ka doorbidaa akhriska buuggaagta, oo aan ka helo aqoonta kala duwan ee ku kaydsan. Laakiin maalmo aan aad u fogeyn ayaan u safray Dhuusamareeb, waa magaalo madaxda is-maamul gobolleedka Galmudug. Waxay caasimadda Muqdisho u jirtaa fogaan dhan 511 km, waxaa dhexmara laami dheer oo isku xira qaybta waqooyi iyo koonfur ee dalka. Sida la sheego waa magaalo qadiimi ah, oo taariikh leh. Dhul ahaan waa hodan, waxaa ka buuxa khayraad dabiici ah, oo ugu horreeyo Yuuraaniyoom, shidaal iwm. Dhanka cimilada waa kuleel, dabeyl badan! Deegaan ahaan waa mid deggan oo aad u nabdoon. Ha iska carro-gaduudnaato, laakiin waa nolol kaafiso!

Muqdisho Ilaa Dhuusamareeb

Billowga safarka, waxaan xusuustaa aniga iyo saaxiibbo kale oo wada fadhiya maqaayad ku taala gudaha gegada dayuuradaha caalamiga ee Aden Adde. Wiil yaroo xayeesi dhuuban ah ayaa inoo yimid, wuxuu na weyddiiyay “Maxaad cabaysaan?” Mid saaxiibkay ah, oo war badan ayaa jawaabtii la booday, wuxuu ka dalbaday koob shaax laakiin daqran! Aniguse, waxba ma oran. Intii uu saaxiibkay shaaxa iska fuuqsanaaayay, anigana meel dhinaciisa ah ayaan la fadhiyay buugga “On the Road” ee uu qoray Jack Kerouac. Waa buug xiiso badan oo aan kala socday sheeko ku saabsan dhallinyaro ciyaal xaafadeed ah, oo safar dheer galay-Maraykanka ilaa Mexico ah.

Saacaddu markaay dul timid 14:15 p.m. Ayaa waxaa inoo baaqay nin meesha uu nagala jaanqaaday aan garanayn, wuxuu amar nagu siiyay in aan saf u galno diyaaraddii Dhuusamareeb u socotay. Dee waynu galnay. “Waryaa fadhi alaala fadhiga aad rabto ku fadhiiso.” Hadalkaas baa aad iiga qosliyay waayo anigu waxaan raadinaayay fadhi numbarkiisu ahaa 12B, oo “boarding pass” ka iigu qornaa. Waan xusuustaa khaladkii aan sameeyay markii iigu horreysay ee aan diyaarad raacay, waxaan iska fadhiistay fadhi uu qof kale lahaa.

Tusbax iyo Qori

Galab casar ah, oo salaaddii la tukaday ayaynu soo gaarnay garoonka dayuuradaha ee loo yaqaano Ugaas Nuur. Waa meel iska barxad ah, oo aan mashquul badan ka jirin sida kan Aden Adde oo kale. Waxaa kuu muuqanaya keli askari iyo geedo gaab-gaaban oo aad mooddo in la dhahay intiina ha dhaafina. Waxaan gudaha u galay magaalada laakiin markii aan soo gaaray bar koontaroolkeeda ayaa waxaa na celiyay askari lafo yar, dhallinyaro ah laakiin gadaal dambe aan ka ogaaday in uu taliye u ahaa ciidanka meesha joogay. Wuxuu amar nagu siiyay in aan ka soo degno gawaaridii aynu saarnayn ka dib saf dheer ayaynu galnay, waxaa nagala qoray magacyadeena. Waxaan aad ula yaabay markaan arkay askari garbahiisa xiddigo badan saaran yihiin, haddana safka dhinac kaga jira. Taa waxaa iiga qosol badnayd markaan arkay askari qorigiisa afka hore tusbax intuu ku duub-duubay, sida robot camal meel geeska ah taagan. Hubin badan ka dib waa nala fasaxay, annaga oo dareemeyno amni iyo nabad ayaynu galnay gudaha magaalada.

Intii aan soosocday gegada dayuuradaha ilaa gudaha magaalada, dhulku wuxuu ahaa mid cidlo ah, fidsan, oo aan isleeyahay waa mid ku wacan in laga dhiso warshado waxsoosaar leh. Waxaan imid guri la iigu talaggalay in aan dego inta aan magaalada joogo, waa dhisme shan qol ka kooban. Dhinaca dambe waxaa ka degan RW Hassan Ali Kheyre, qaybta horana guddiga dibu-heshiisiinta Galmudug. Labaduba waa la ballansannahay, laakiin waxaa iigu soo horreeyo kulanka RW kheyre. Aniga iyo saaxiibkay warbadane, waxaan ku ballannay in magaalada aan ku soo dhex yara wareegno. Ma dhicin! Oo waxaan la cammirannay qaar ka mida asxaabta, oo fadhiyay maqaayad la dhaho Midnimo. Waa meel dhallinyarada magaalada iyo dadka “elite” ka ah ay iskugu yimaadaan, waxay ku soo xusuusanaysaa hotelada iyo maqaayadaha Xamar. Halkaas ayaynu ku cashaynay habeenkaa.

Waxaa la gaaray ballantii RW Kheyre, aniga iyo saaxiibada kale ayaa kulan la lahaa. Markii uu inoo yimid ayaan ka codsannay in uu warbixin guud inaga siiyo caqabadahii iyo fursadahii uu la kulmay intii uu joogay Galmudug. Maxaad ku taqaanaa? Waa nin hadal yaqaan ah, af-macaan laakiin aan rumaysannahay in uu ka mid yahay kooxda qurbajoogtada u badan ee ka macaashaysa xukunka dalka (Bureaucratic Bourgeoisie Class). Habeenkaas wax badan ayuu inoo sheegay, waxaan ka xusuustaa in uu mar nagu dhahay “Umalayn maayo in aad ila dareemaysaan laakiin waxaan idin sheegayaa in isbeddel xoog badan uu ku soosocdo dalka.” Isbeddelkaas xoogga badan waxa sababi kara ayaynu isweyddiinay, anigu waxaan ku fasiray in soosaarista/siyaasadda shidaalka (Petropolitics) ay wax weyn ka beddeli doonto siyaasadda dalka.

Safarkaygii Dhuusamareeb wuxuu ahaa mid aan aad ugu raaxaystay, waxaan ku xusuusan doonaa askarigii xiddiglayaasha badnaa ee safka hore baarista igula jiray, tusbax iyo qori.

WQ: Hassan Mudane

Lafogure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN