SHAHWO IYO SUNUUD (QISO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

qiso kooban

                                                        SHAHWO IYO SUNUUD  

                                                               (QISO KOOBAN)
Wuxuu la fadhiyaa Gabar asaagiisa ah, quruxudeeda iyo qaabkeed tilmaan iskuguma mashquulinayo oo ma ahan dulucda Qoraalkayga.
Iyada ayuu ka hor jeerdaa gacantiisana sida barkin ahaan ayuu madaxa ugu cuskaday, sheeko yar oo ay baahi Shahwo ka muuqato ayaa dhax marayso labadooda.
Iyada waa laga dareemi karay in ay ahayd mid wax walba oo uga yimaadaa dhankiisa u diyaarsanayd in ay aqbasho.
Marba wuxuu salaaxayaa qayb jirkeeda ka mid ah, isaga waxaa ka muuqato baahi shahwo oo wuu muusoonayaa, indhahana wuu isku qabanayaa.
Khibraddayda marka aan wax ku cabbiro heer kulka jirkiisa aad ayuu u kacsan yahay, baasha yar ayuuba la soo aaday bushimaheeda oo aad looga soo shaqeeyay dhaldhalaalka ay qabaan dartood.
Waa kaa baasha dhakab ku siiyey bushimaheed, aniga waan eegayaa, marka uu kasoo fujiyey bushimihiisa bushimaheeda, waxaan arkayey in dheecaan yar oo jiidmayo uu kasii dhax muuqday labadooda bushimood!!!
Iyadu heer kulka ninka iiga muuqda kama muuqda oo waa taa marka baashada lagala dul kacay telkeeda iska qabsatay, lugahana inta is dul saaratay shiishad ay dhuuqaysay sii dhakabsanaysa.
Isagu xoogaa yar ayuu istaagay oo musqusha aaday, sida ay usii fiiranayso ayaa laga dareemi karaa in aysan qaab ahaantiisa ku qanacsanayn, xoogaa yar kadib waa kaa soo laabtay oo inta madaxa ka taabtay mar labaad bushimaheeda oo qaacii shiishadda kasii baxayaan dhakabsaday.
Inta xagiisa yara usoo jaleecday oo garabkiisa gacanta saaratay ayey wax waydiisay, isla markiina inta dhoola caddeeyey waa kaa jeebka gacanta lasii galay oo kuus yar oo Lacag iila muuqday soo baxshay, si farxad ku jirto ayey uga aqbashay, awalba biya dhaceeda aya ahaa Sanuudaas.
Waxaa iisoo baxday markii aan muuqaalka dhacadadaas aan idinla wadaagayo ka dhamaystay in macaashka uu ahaa Baahi shahwo iyo baahi Sanuud.
Dadka sida badan shahwada ayaa hogaamisa, qofka marka ay shahwada hogaamisana wuu dullowbaa, sidaas si la mid dadka qaarna Sanuudda ayaa hogaamiso, sanuud qofka ay hogaamisana waa qof aan dhiig iyo damiir toona lahayn, uga cabso naftaada qofka nuucaas ah in uu gato, maadaama ay tiisaba beec u tahay.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN