SHAQAL CULUS iyo SHAQAL GUJAYSAN WQ; Cali M. Diini

SHAQAL CULUS iyo SHAQAL GUJAYSAN:

Qabyada Shaqallada Far Soomaaliga

Qore: Cali M. Diini

Maarso 27, 2022

 

 

 

Hordhac

Tan iyo markii Far Soomaaliga la hirgaliyay sannadkii 1972kii waxaa sototay dood ku saabsan qabyada Far Soomaaliga qoran ayada oo aqoonyahanno badani qireen in shaqallada astaamaha u ah codadka Af Soomaaligu ka samaysmo aysan dhammaystirnayn oo toban shaqal maqan yihiin. Waxa kale oo jira erayo isku dhigaal ah balse dhawaaq ahaan kala duwan kuwaas oo ilaa hadda xal loo helin. Waxa kale oo jirta in dadka dedaalka waday qaarkood ay isku qaseen ama ay isaga darsamdeen erayada dhawaaq ahaan kala duwan dhigaal ahaan se isku mid ah iyo shaqallada culus ee Far Soomaaliga ka dhimman. Qormadan waxa aan ku faaqidi doonaa labadaas arrimood (erayada isku dhigaalka kala dhawaaqa ah iyo shaqallada culus ee maqan) aniga oo ku dooni doona in gebi ahaanba labadan mas’alo aysan shuqul isku lahayn.

 

Dibudhugasho

Sida aynnu og nahay guddidii qorista Far Soomaaligu waxa ay alifbeetada Soomaaliga u qaybiyeen “shaqal iyo shibbane.” Shaqallada waxa ay ka dhigeen toban (10) shaqal (shan shaqal-gaab iyo shan shaqal-dheere), shibbanayaashana waxa ay u aqoonsadeen tiro 21 xaraf ah. Yeelkeed’e sida runta ah shaqallada iyo shibbanayaasha Soomaaligu intaas waa ay ka badan yihiin. Arrintan waxaa ku baraarugsanaa rag guddidaas ka mid ahaa oo uu kow ka ahaa Xuseen Shiikh Axmed “Kaddare.” Kaddare” waraysi uu siiyay Univeral TV sannadkii 2012[1] waxa uu ku sheegay in shaqallada codadka Af Soomaalidu ay labaatan (20) shaqal yihiin (10 shaqal-culus iyo 10 shaqal-fudud).

 

Aragtidan in shaqalladu toban ka badan yihiin, ma ahayn mid Kaddare ku koobnayd. Waxaa jiray rag asaga ka hor sidaas qabay iyo kuwo ka dambeeyayba[2]. Laakiin ilaa hadda wax aan si cad la isugu raacin waxa uu yahay shaqal culus, waayo waxaa qorayaasha qaarkood isku qaseen shaqallada culus iyo shaqallada gujaysan, kuwaas oo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fududba. Qodobka shaqallada dib baan ugu soo noqonaynaaye, aan shibbanayaasha wax yar dulistaagno.

 

Si la mid ah sida shaqallada codadka Soomaaligu qabyo u yihiin baa shibbanayaashuna qabyo u yihiin. Tusaale ahaan Buuni Cabdulle Raage Taraawiil waxa uu rumaysnaa in shibbanayaashu 22 shibbane yihiin. Waa kii lahaa:

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya[3]….

Sida aan filayo 21ka shibbane ee guddigii Far Soomaaligu ansixiyeen Cabdulle Raage waxa uu ku daray astaanta hamsada (‘) oo uu shibbane u aqoonsaday. Waxaa taas la qaba Barofaysar Cabdalla C. Mansuur oo buuggiisa Barashada Naxwaha Soomaaliga (2018, daabacaadda 2aad) hamsada ku daray shibbanayaasha.

Balse su’aashu waxa ay tahay hamsadu shibbane miyaa mise waa shaqal? Sida aan magacyada ka dheehan karno “shibbane” waa xaraf aan wax cod ah lahayn halka shaqalku yahay xaraf cod leh, sidaas darteed waxaa la oran karaa hamsadu shaqal ma ahan, si taas la mid ah waxaa waydiin la saari karaa aragtida Dr. Mansuur iyo Taraawiil ee ah hamsadu waa shibbane maadaama aysan shuruudihii buuxin oo aysan lahayn cod shibban. Yeelkeed’e hamsadu waa astaan ka mid ah alifbeetada Soomaaliga oo la’aanteed qorista Far Soomaaligu qabyo noqonayso.

 

Arrinta kale ee xusidda mudani waa in labada shibbane ee “W” iyo “Y” ay mararka qaarkood u dhaqmaan sida shaqalka. Tusaale: awr, cawl, wayn, nayl, wayl, sayn iwm. Fannaan hore ah na qoraaga buugga Bidhaamiye: Qubanaha Afka Hooyo (2018), Bashiir Cali Xuseen waxa uu labadan shibbane marka ay booska shaqalka galaan u bixiyay “shaqaluyaal.” Waxa asaguna labadan xaraf magac gaar ah ku summadiyay Cabdullaahi Diiriye Guuleed (Carraale) buuggiisa Miisaanka Maansada, sida aan ka soo xigtay Idiris Maxamed Cali oo Miisaanka Maansada falanqayn ku sameeyay[4] (2017). Carraale asagu waxa uu labadan xaraf u bixiyay “dhafane”.

 

Aynnu dib ugu noqonno mawduuceenniye, sida aan kor ku soo xusnay shaqallada Soomaaligu toban waa ka badan yihiin. Xuseen Shiikh Axmed “Kaddare” oo ka mid ahaa guddidii farta ayaa goor horeba qiray taas. Waxa kale jira qorayaal kale oo arrintaas qaba.

 

Maxamed-Baashe Xaaji Xasan buuggiisa Afka Hooyo Waa Hodan (2019, daabacaadda 2aad) waxa uu qabaa in shaqallada Soomaaliga toban ka mid ah oo kuwo culus ah aan la qorin. Balse Maxamed-Baashe tusaalayaasha uu soo bandhigay kuma uusan soo wada bandhigin tobanka shaqal oo idil. Isla Maxamed-Baashe buuggiisa waxa uu ku xusay in Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninkii allifay fartii Cusmaaniyada uu asaguna rumaysnaa in shaqallada Soomaaligu ay yihiin labaatan shaqal (toban culus iyo toban fudud). Sida aan buugga Maxamed-Baashe ka soo xigtayna Cusmaan Yuusuf Keenadiid waxa uu shaqallada fudud (kuwa aan hadda adeegsanno) u bixiyay Leeddo halka uu kuwa culus (ee naga maqan) u bixiyay koore. Dabadeed waxa uu u sii kala qabiyay mid walba labo, Leeddo gaaban (shaqal gaaban), Leeddo dheer (shaqal dheer), Koore gaaban (shaqal-gaab culus) iyo Koore dheer (shaqal-dheer culus)[5]. Ha se ahaatee sida ka muuqata tusaalayaasha Keenadiid ee Maxamed-Baashe soo xigtay, waxaa muuqata in Keenadiid isku qasay shaqalka culus iyo shaqalka gujaysan.

 

Waxaa asaguna qiray shaqallada dhimman Ibraahin-Hawd Yuusuf maqaal uu u bixiyay Qorista habboon ee Af Soomaaliga (2015) ayuu ku muujiyay arrintaas. Aragtida Hawd gadaal baan ku faahfaahin doonnaa.

Haddaba maxay yihiin shaqallada culus ee naga maqani? Waa se immisa?

Sida aynnu kor ku soo xusnay shaqallada codadka Soomaaligu ka abuurmo waxaa ka dhimman oo aan la qorin toban shaqal oo culus (5 gaaban iyo 5 dheer). Shaqalladaas badankooda si bilaa hawl ah ayaa dhegtu u soo qabanaysaa marka ay maqasho halka qaarkood sida shaqallada “E” iyo “EE” ay adag tahay in kuwa fudud laga baadisooco maadaama ay baxaalli ahaan u culus yihiin. Waxa kale oo ayaguna baaris dheeri u baahan shaqallada “I” iyo “II” marka ay eraga u hormaraan. Beddalkeeda shaqalladani marka ay dhexda galaan si dhib yar baa lagu soo qabanayaa.

Tusaale:

Dhig (dhulka dhig. Waa “i” fudud”).

Dhig (dhig ka mid ah dhigaha aqalka. Waa “i” fudud).

Diid (ha oggolaan/ha yeelin).

Diid (wareer. Waa aan diidayaa).

 

Faahfaahintaas yar ka dib bal aan imminkana u dhabbagalno kala duwanaanta shaqallada culus iyo kuwa fudud. Si aan taas u ogaanno waa in aan u fiirsanno oo dhug u yeelanno kala duwanaanta codadka erayada aan adeegsanaynno. Tusaale ahaan isbarbardhigga hoose, erayada dhanka bidix waa culus yihiin oo dhawaaqoodu waa ka duwan yahay kuwa dhanka midig oo ah kuwo fudud ah na kuwa farta hadda qoran ku jira, halka kuwa bidix ee culusi aysan ku jirin. Erayada ay shaqalladaasi ku jiraan aad bay u farabadan yihiin anigu se intan hoose un baan tusaale u soo qaatay.

 

Shaqal-dheer culus iyo Shaqal-dheer fudud

Baad (calafka xoolaha)    baad (dhac)

Jeed (sii jeed)                    jeeb (jeebka xiro)

Diid (diidmo)                     diid (wareer)

Oog (dabka shid)              ood (xerada ood)

Duul (weerar)                   duul (buub/biib).

 

Shaqal-gaab culus vs Shaqal-gaab fudud

Cad (cad hilib ah)               cad (midab cad)

Ded (ded guriga)                Jebi (kala jebi)

Irid (illinka guriga)             illin (ilmo)

Og (waa uu og yahay)        or (qaylo)

Dun (gurigii dun)                 dun (dun & cirbad).

 

Maadaama aysan jirin astaamo lagu kala garan karo shaqallada culus iyo kuwa fudud aan wax yar faahfaahin ka bixinno. Erayada ay ku jiraan shaqal-dheerayaasha culus, culays ama kakanaan baa ku dhacaysa xarafka koowaad ee eraga. Tusaale: duul (culusyku waxa uu ku dhacay “d” -da). Laakiin marka eragu shaqal-gaab yahay culaysku waxa uu ku dhacayaa xarafku u dambeeyay. Tusaale: cad (culaysku waxa uu ku dhacay “d”-da u dambaysa). Taas waxaa ka duwan shaqallada fudud, oo erayada ay shaqadallada fudud ku jiraan wax culays ahi ku ma jiraan hor iyo gadaal toona, erayadaasina si “natural” ah oo bilaa rabsho ah ayay dibnaha uga soo baxaan.

 

 

Shaqallada Gujaysan

Imminka aynnu dulistaagno waxa aan ugu yeeray “shaqallada gujaysan.”

Waa maxay shaqallada gujaysan?

Shaqalladani erayada ay ku jiraan sheekadoodu ma ahan tu cusub ee waa arrin soo taagnayd tan iyo markii la bilaabay in Af Soomaaliga loo baadigoobo far u gaar ah. Waa shaqallada erayada ay ku jiraan Maxamed-Baashe iyo rag kale waxa ay u bixiyeen “ISKU DHIGID KALA DHIGID.” Erayadani cod ahaan (dhawaaqa) ayay ku kala duwan yihiin balse isku si ayaa loo qoraa. Kala duwanaantooda codeed waxa ay samaysaa kala duwanaan macne badankooduna waxa ay u kala baxaan lab iyo dheddig balse intaas ku ma koobna sida aan gadaal ugu tagi doonno. Erayadan waxaa ugu caansan:

Inan (wiil)

Inan (gabar)

Shilin (hal shilin Soomaali ah)

Shilin (shilinta xoolaha jaqda).

Waxa kale oo ka mid ah marka eray dheddig ah dhawaaq lab ah loo yeelo sida:

Naag (qof dumar ah)

Naag (Cabdiyow wallaahi naag baa tahay)

Laan (laan qurac ah)

Laan (laanka).

 

Haddaba, sida aan kor ku soo sheegnay, waxa jira in dad badani isku khaldeen shaqalka gujaysan iyo shaqalka culus. Tusaale ahaan Ibraahin-Hawd Yuusuf waxa uu yiri “inan” (wiil) waa shaqal culus, halka “inan” (gabar) shaqal fudud yahay. Xaqiiqo ahaan taasi sax ma ahan waayo, labadan eray midkoodna shaqal culusi ku ma jiro, keliya waxa ay ku kala duwan yihiin halka ay ku dhacayso “GUJADU.” Si aan u fahanno aynnu qeexno waa maxay gujadu? Gujadu waa waxa Af Ingiriisiga lagu yiraahdo “stress” kaas oo ah xarako uu carrabku si gaar ah u dulistaago shaqal ka mid ah shaqallada eraga taas oo dhawaaqa iyo macnaha eragaba beddasha, waa na middaas halka ay ku kula duwan yihiin inan iyo inan, iyo kuwa kale ee xarakada gujadu ku jirto.

Tusaale: inan (wiil) wax ku gujo ah ma leh waa eray leh dabeecaddiisi dhaladka ahayd, halka inan (gabar) uu leeyahay gujo ku dhacaysa “a”-da taas oo eraga u ekaysiisay in “n”-da dambe labalaaban tahay (inann). Waxaa taas la mid ah ah:

Shilin (shilin Somaali, gujo la’aan)

Shilin (shilinta xoolaha jaqda, gujaysan)

Wayn (guri wayn. Aan ku gujaysnayn)

Wayn (waayid, wax waayid. Gujaysan).

Gujada ama gujaysku si isku mid ah ayuu u galaa shaqallada fudud iyo kuwa culus, taas oo meesha ka saaraysa aragtida Ibraahin-Hawd.

Dhigaalka hoose waxa aan ku taxay erayada leh shaqallada gujaysan (kuwa culus iyo kuwa fudud) iyo erayada leh shaqallada aan gujaysnayn.

 

Shaqal-culus gujaysan iyo Shaqal-culus aan gujaysnayn

Oog (oogta waaberi)          oog (dabka shid)

Geed (geed dheddig)          geed (geed lab)

Doog (dhaawac)                  doog (cagaar).

 

 

Shaqal-fudud gujaysan iyo Shaqal-fudud aan gujaysnayn

Gaal (naag gaal ah)          gaal (nin gaal ah)

Inan (gabar)                       inan (wiil)

Qorrax (qorraxda)            qorrax (nin magiciis)

Nayl (naysha yar)         nayl (naylka yar).

 

Waxa kale oo jira erayo si dabiici ah gujadu ugu jirto waxaana ka mid ah:

Qorshayn, tirayn, samayn iwm.

 

Halkaas waxa aan ku arkaynnaa in shaqalka culus iyo shaqalka gujaysani kala duwan yihiin, gujaduna ay si isku mid ah u gasho shaqallada culus iyo kuwa fudud.

 

Mar kale haddii aad sii qeexno, shaqalka culusi waa mid kala duway Baargaal (shaqan culus) iyo Af-gaal (shaqal fudud),

Abgaal (shaqal culus) iyo dhaqan gaal (shaqal fudud)

 

Sidaa oo kale shaqalka gujaysani waa midka kala duway: deeq (saddaqo, shaqal gujaysan) iyo Deeq (nin magiciis, shaqal fudud).

 

 

Gunaanad

Waxa aan ku soo gunaanadayaa, inkasta oo tan iyo waagii la bilaabay baadigoobka Far Af Soomaaligu yeesho lagu baraarugsanaa in shaqallada Soomaaligu u qaybsamaan shaqallo fudud iyo kuwo culus haddana ayada oo taasji jirtay baa la qaatay in la hirgeliyo shaqallada fudud oo keliya. Yeelkeed,e ta aan lagu baraarugsanayn qorayaal kala duwanna isaga qasantay baa ah shaqallada culus iyo shaqallada leh xarakada gujada taas oo ragga qaarkood si khaldan ugu sheegeen shaqal culus. Qoramadan waxa aan ku bayaamiyay kala dunwanaanta u dhaxaysa shaqallada gujaysan iyo kuwa culus, aniga oo isla markaana caddayn u keenay in shaqallada fudud qudhoodu ay xarakada gujada qaataan. Ugu dambayn qormadani waa isku daygii koowaad ee loogu dhabbagalay kala duwanaanta shaqallada culus iyo shaqallada gujaysan, aniga oo ku rejo wayn in u dhabbagal intaan ka gundheer mawduucan lagu samayn doono.

halkaan kala deg qoramada oo pdf ah

SHAQAL CULUS iyo SHAQAL GUJAYSAN: Qabyada Shaqallada Far Soomaaliga

 

 

 

Raadraac

Buugaag

Bashiir Cali Xuseen, Bishaamiye: Qubanaha Afka Hooyo, 2018. Laashin Publishers and publications.

Cabdalla Cumar Mansuur, Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, 2018 (daabacadda 2aad). Looh Press with Garanuug Limited.

Maxamed-Baashe Xaaji Xasan, Afka hooyo Waa hodan, 2019 (daabacadda 2aad). Garanuug.

Xuseen Shiikh Axmed “Kaddare”, Waasuge iyo Warsame: socdaalkii 30ka maalmood, 1986. Akadeemiya Cilmiga iyo Fanka.

 

Maqaallo iyo Waraysiyo

  1. Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed “Qorista habboon ee Af Soomaaliga”, WardheerNews, 2015.
  2. Idiris Maxamed Cali “Falanqaynta Miisaanka Maansada”, 2017.
  3. Xuseen shiikh Axmed “Kaddare”, waraysi uu siiyay barnaamijka Fool-ka-Fool ee Universal TV ka baxay 2012: https://fb.watch/b-WgvD1zSo/.

 

Cagadhig (footnotes)

[1] Waraysiga Kaddare: https://fb.watch/b-WgvD1zSo/.

[2] Cusmaan Yuusuf Keenadiid baa ka mid ahaa raggaas. Asagu 1920kii ayuu fartiisi Cusmaaniyada ku adeegsaday 20 shaqal. Sida aan dib ka arki doonno.

[3] Meeriskani waxa u uku jiray gabay Cabdulle Raage ugu debbaaldegay hirgelintii Far Soomaaliga. Waxa aan ka so xigtay buugga Waasuge iyo Warsame ee uu Kaddare qoray.

[4] Falanqaynta Miisaanka Maansada oo uu qoray Idiris Maxamed Cali ayada pdf ah ayaan internetka ka helay balse kuma qorna halkii lagu daabacay.

[5] Fiiri buugga Afka Hooyo Waa Hodan bogga 214aad.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.