SHARIIF-SAALAX MAXAMED CALI: hoggaamiyihii mashruucii ugu qiime iyo qaayo waynaa ee Soomaalidu abid samayso

SHARIIF-SAALAX MAXAMED CALI: hoggaamiyihii mashruucii ugu qiime iyo qaayo waynaa ee Soomaalidu abid samayso
Cali M. Diini

Xuquuqda sawirka: buugga Haldoor

 

Shariif-Saalax Maxamed-Siraajuddiin waxa uu ahaa danjire, qoraa, cilmibaare iyo afaqool figta sare uga jiray aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee dhidibbada u taagay dhigistii iyo hirgalintii far Soomaaliga waxa uu na qayb wayn ku lahaa fufkii iyo hanaqaadkii cilmibaarista iyo dhigaallada aqooneedka sare ee geyiga Soomaaliyeed ka hanaqaaday nuskii dambe ee qarnigii tagay.

Waxa uu sannadkii 1936kii ku dhashay magaalada Xuddur. Halkaas ayuu waxbaradhada asaasiga iyo tan islaamka ku bartay ka hor intii uusan Muqdisho u wareegin halkaas oo uu ku dhammaystay dugsiga sare. Sannadihii 1955-1956 waxa uu waxbarasho u joogay dugsiga tababarka macallimiinta Genoa, Italy. Ka dib waxa uu diblooma sare ka qaatay mac’hadkii dhaqaalaha iyo sharciga ee Muqdisho oo mar dambe loo beddalay Jaamacadda Ummadda.
Sannadkii 1962 waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay ee dhaqaalaha siyaasadda ka qaatay jaamacadda Roma, La Sapienza.

Shariif-Saalax waxa uu nasiib u yeeshay in hoggaamiyo mashruucii ugu qiime iyo qaayo waynaa ee Soomaalidu abid samaysay, waa mashruucii dhigista iyo hirgalinta far Soomaaliga ee 1972kii. In Shariif-Saalax mashruuca sidaas u baaxadda wayn ee taariikhiga ahaa hoggaamiyo wax ay ina tusaysaa qofnimadii Shariifka, aqoontiisi afeed iyo middiisi maamul, iyo mas’uuliyaddiisi. Dabcan, qof walba oo waqtigaas aqoonyahan ahaa waa uu jeclaa in uu asagu noqdo qofka mashruucaas taariikhiga ah hoggaamiya oo magaciisa iyo muunaddiiba sooyaalku weeleeyo buugaagta taariikhdana magaciisa lagu xardho. Waxaa in aan xusno mudan in Soomaalida qaarkood aaminsan yihiin in gobollo dalka Soomaaliyeed ka mid ah aan af Soomaali hagaagsan looga hadlin, ama haddii aan si kale u dhigo dadka deggan gobollada dhexe iyo waqooyi ay qaarkood qabaan in ayaga un yihiin kuwa af Soomaaliga saxda ah ku hadla (waa sida ay la tahay’e). Shariif-Saalax na uu ka yimid ama ku dhashay gobolka Bakool oo lahjadda Maayga looga hadlo sidaas oo ay tahay Shariif-Saalax waxa uu hoggaaminayay mashruucii dhigista far Soomaaliga asaga oo siigada kaga tagay raggii ka soo jeeday gobollada dhexe iyo waqooyiga oo ayagu af Soomaaliga si gaar ah isku xejiya. Taasi waxa ay na tusaysaa in aan waxba ka jirin kutirikuteenta ah af Soomaaliga waxaa yaqaan dadka deggan gobollo gaar ah.

Mashruucii dhigista far Soomaaliga iyo hoggaamintii Shariif-Saalax

Mashruucii lagu doonayay in lagu dhigo (qoro) far Soomaaligu waxa ay soo socotay muddo dheer oo soo bilaabatay bartamihii 1950kii balse waxaa majaha qabtay caqabado siyaasadeed iyo kuwa aragtiyeed (ideology) dawladihii rayidka ahaa (1960-1969) iyo middii daakhiliyada (1956-1960) waxa ay xallin waayeen caqabadahaas aan kor ku sheegnay taas na waxa ay sababtay in ay ku guuldarraystaan qorista far Soomaaliga.
Maamulkii askarta ee xukunka xoogga ku qabsaday oktoobar 1969kii ayaga oo ka faa’idaysanaya xukunkii maamulka ee ku aruursanaa gacanta golihii sare ee kacaanka, waxa ay go’aan ku gaareen dhaqaajinta qorista far Soomaaliga taas oo aysan jirin koox horistaagi kartay. Shariif-Saalax Maxamed Cali na waxa uu nasiib u yeeshay in uu hoggaamiye u noqdo guddigii dhigista far Soomaaliga ee la dhisay 1971kii muddo sagaal bilood gudohood ah na guddigaas waxa uu golihii sare ee kacaanka u gudbiyay far Soomaaliga aan maanta adeegsanno. Guddigaas waxa ay kala ahaayeen:

1. Shariif-Saalax Maxamed Cali
2. Muuse Xaaji Ismaacil Galaal
3. Yaasiin Cismaan Keenadiid
4. Sh. Ibraahin Xaashi Maxamuud
5. Cabduraxmaan Nuur Xirsi
6. Sh. Jaamac Cumar Ciise
7. Mustafe Sh. Xasan Cilmi
8. Maxamed Sh. Xuseen “Sheeka-Xariir”
9. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare”
10. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud “Insaaniya”
11. Xirsi Magan Ciise
12. Axmed Cartan Xaange
13. Iikar Baana Xaddaad
14. Cabdullaahi Ardeeye
15. Cabdi Daahir Afey
16. Maxamed Xasan Aadan “Gahayr”
17. Dr. Yuusuf Xirsi Axmed
18. Dahabo Faarax Xasan
19. Cabdullaahi Xaaji Abuubakar
20. Maxamed Nuur Caalin
21. Maxamed Shire Maxamed “Gaab”
22. Axmed Cali Abokor
23. Cumar Aw Nuux
Fartii ay guddidu u gudbiyeen dawladda waxaa la hirgaliyay sannadkii 1972. Maarso (March) 1973 na waxaa la bilaabay in far Soomaaliga la baro shaqaalihii dawladda, ardaydii, macallimiintii iyo dadweynihii magaalooyinka degganaa. Ugu dambaynna 1975 ayaa la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee dadka baaddiyaha deggan far Soomaaliga lagu barayay (fiiri buugga HALDOOR, BOGGA 42).

Xilalkii siyaasadeed iyo kuwii maamul ee Shariifku qabtay

Shariif-Saalax sida aan kor ku soo sheegnayba waxa uu ahaa danjire, siyaasi iyo maamule. Shariif xilalka kala duwan ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa:

1. Wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare (1974-1976).
2. Maareeyihii warshaddii caagga “INCAS” (1976-1977).
3. Hoggaankii cilmibaarista ee XHKS (1976-1977).
4. Hoggaankii xiriirka caalamiga ah ee XHKS (1977-1978).
5. Shariif-Saalax muddo 13 sannadood ah ayuu danjire Soomaaliya u fadhiya dalalka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Shiinaha (1978-1989).

Dhigaalladii uu qoray iyo cilmibaaristii uu Shariifku sameeyay

Shariifku (Eebbe ha u naxariistee) waxa uu ahaa qoraa dhawr ah wax ku qora oo qoray buugaag dhawr ah iyo cilmibaare raadraac qotodheer ku sameeya af Soomaaliga. Buugaagta iyo cilmibaarisyada uu Shariifku sameeyay waxaa ka mid ah:
1. Huddur and the History of Southern Somalia

2. أصول اللغة الصومالية في العربية: دراسة مقارنة (الجزء ا أ ل

3. لمعجم الكشاف عن جذور اللغة الصومالية في العربية )المجلدا أ لول

4. Xusuustebyo Eldoret: Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya 2002-2003

ملحمة النواب ا أ لحرار الصوماليين ضد ا ا لحت ا لل ا ا لثيوبي. 5

Shariifku gumaysidiid ayuu ahaa

Shariif-Saalax waxa uu ahaa waddani ka horjeeda faragalinta shisheeyuhu ku hayaan dalka Soomaaliyeed. Waxaa markhaati inoo ah sidii adkayd ee Shariifku uga horjeestay faragalintii iyi duullaanka Itoobiya ku soo qaadday dalka Soomaaliya sannadkii 2006 duullaankaas na Shariifku waxa uu ka qoray buug.

Gebagabadii, Eebbe ha u naxariistee Shariifku waxa uu
Gebagebadii, Eebbe ha u naxariistee Shariifku waxa uu Muqdisho ku geeriyooday bishii 3aad ee sannadkii 2014.

Tixraac

Mustafa Cabdullaahi Fayruus & Cabdulqaadir Nuur Xuseen “Maax”. (2018). Haldoor: Taariikh-nololeedkii iyo Dhaxal-cilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali (1936 -2014). AGA, Muqdisho.

Somalitalk. (2014). http://somalitalk.com/2014/03/27/shariif-saalax/.

 

SHEEKOOYIN