SIDA AAD RABTO MA HELI KARTID. Qore : Mohamed Musa Sh.Noor

SIDA AAD RABTO MA HELI KARTID.

Adiga oo lahaan karo hammi badan oo aad u hayso qof noloshaada mar walba farax galsha aadna dhihi karto qofkaas muddo ayey naftaada u baahnayd, xaqiiqatana qofkaas aadan ka caajisin la hadalkiisa, la noolaantiisa iyo la raaxaysigiisaba, hadana  waxaa dhici karta in qofkaas uusan kuu noqon sida aad rabtay in uu kuu dareemo ama kuula jaan qaado nafsad ahaan.

Eedda in qofkaas uusan noqon sida aad ka rabtay ama kuu dareemo qofna ma yeelan karo oo taas waxaa la dhihi karaa waa mid ku timaada kala duwanaanta dadka sida ay wax u arkaan ama u dareemaan.

Runtii niyad jab ayaad dareemaysaa marka qof aad aad u jeceshahay naftaadana aad siisay in uu dhinac walba kaa fahmi karana nafsad ahaan aad iska dhaadhicisay marka uu hadal yar oo kaftan ah aad tidhi uu u fahmo dhanka aad ula jeeday ma ahee dhanka kale ee xumaanta.

Is fahamka mar walba waxaa lagu macneeyaa saldhiga farxadda iyo daganaanta nolosha, qofka aad naftaada u xulanayso waa in uu mar walba ahaadaa qof aad kuu fahmi kara dareen ahaan iyo dabci ahaanba dhan walba.

Sidaas ay tahay hadana caqabado mar walba waa jirayaan oo qasab ma ahan in sida aad wax u rabto ama u daremayso uu qofku kuula fahmo maxaa yeelay qofku waa qof kale oo adiga maahan mana kugu dhex noola, wuxuu leeyahay dunidiisa iyo xaaladihiisa kuwaas oo laga yaabo in mararka qaar qaabka uu wax u fahmo ay saamayn ku yeeshaan.

Is faham darrada qofka sidaas noloshaada ugu lamaanan ee dunidaada oo dhan in uu yahay aad aaminsantahay idinka dhex dhalata waa mid saamayn ku yeelata dareenkaaga maalmeed  iyo xaaladahaaga qof ahaaneed.

Adiga oo is dhahaya waqti wanaagsan la qaado qofkaaga haddii qofkaaga uu maalintaas kugu noqdo mid u fahmo sida aad wax u rabto si ka duwan hubaal in maalintaas jawigu uu kaa halaabayo farxad la’aana ay kugu dhici karto, taas oo saamayn ku yeelan karta in qofkaas aad sidii aad u ahayd aad usii ahaato.

In qofku sidii aad u ahayd aadan u ahaan micnaheeda maahan in aad qofkaas dhibsatay ama ku nacday qaabka uu maalintaa kuula dhaqmay ee waa mid qasasaya in qofkaas aad ula faqdo sidii aad ula faqi jirtay, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in qalbi jab uu kaa soo gaaro is faham darradii idin dhex martay maalintaa uu jawigu idinka halaabay, sidaad darteedna aad u baahantahay waqti aad kusoo kabato oo naftaada ay caadi ugu soo laabato.

Dareen xumada aad dareemayso kaligaa maahan oo dhanka kalana waa ay jirtaa oo qofka isaguba kaama filayn in aad ku dhihi karto erayga uu ka carooday ee sida aad doonayso ma ahee sida kale uu u fahmay, runtii waxaa la dhihi kara jawi xumadaas labada dhinacba saamayn xun ayey ku yeelatay.

Nolosha sideedaba ma kaamilna oo xubno kuwa isugu dhaw ee wax wada quuto waa carrabkaaga iyo ilkahaaga ayaguna adiga oo ka filayn ayey is qabtaan mid walbana goonidiisa u xanuunsadaa, hadana sidaa ay tahay marka waqti uun la joogo oo wax walba caadi kusoo laabtaan waa kuwaa wax wada quuta mid walbana kan kale la’aantiis in uuusan qurxanayn ka muuqan karto waxna quudan karin.

Xaqiiqdii mar walba waxaa jiraysa gocosho aad isku waydiinayso sababta qofkaaga uusan kuu fahmi karayn uusana wax ugu arki karayn sida aad doonto, xaqiiq ahaana taas waa caqabad nafsiyan si hoose kuu ugaarsato.

Marka xaaladahaas is faham darrada ee jawigiina hallaynaya ay mar walb idinku bataan waxaa lumaya ku dhiiranaata qof walba uu ku dhiiran karo in sheeka farxadeed kaftan ku dheehan aad la yeelato qofkaaga maxaa yeelay waxuu qof walba ka baqayaa in jawigu hallaabo is faham darraduna baahdo.

Hadaba marka cabisdaas ay xoogaysato qof walbana uu is tuso inta qofkiisa ka xumaan lahaa jawi qaldana uu galin lahaa in xiriirka wada faqidda uu yaraado, taas oo natiijada ka dhalato ay noqoto mid qofna uusan mahdin.

Marka xiriirku labada qof yaraado waxaa sii yaraada baahida qofku qofka kale wahel ahaan u qabo taas oo keenta in qofku waxyaaba kale ku mashquulo taas oo hadana sii fogaysa meeshana ka sii saarta isu soo dhawaanshaha labada qof, maxaa yeelay xiriirka oo yaraada waxay ka dhigantahay yaanan la wada xiriirin marka dan la iska leeyahay oo kaliya danta la kala leeyahay hala kala fushado.

Inta badan uu xiriirka labada qof uu yaraado waxay ka dhigantahay in la sii kala fogaado oo la sii kala maarmo, saamaynta ay arrintaas yeelatana runtii waa tilmaan aanan wanaagsanayn oo biya dhaceedu noqon karo in lagu kala tago aakhirka meeshaas.

Hadaba si intaas oo dhibaata ah oo xiriir la’aanta ka dhalata looga fogaado waxaa la gudboon labada qof ee lamaanaha nolosha isu ah in ay mar walba hagaajiyaan is fahamka dhexdooda ah.

Qofka aad jeceshahay waa in uu wanaagiisa oo kaliya kuu muuqdaa, fahamka aad xagiisa ka qabtana uusan noqon faham xun, xitaa marka hadal aan kula wanaagsanayn oo dareen xun ku galsha waxaa wanaagsan in qofka kale uu ku dadaalo hagaajinta jawiga si looga fogaado in jawigu qaldamo.

Runta waxay tahay in mar walba is faham darradu ay imaanayso, muhiimadda koowaadna ay tahay sida looga gudbo is faham darradaas oo xalkeeda la iskula fahmo, ilaa xad xiriirka mar walba qof ayuu ku tiirsan yahay qofka uu ku tiirsan yahayna waxaa wanaagsan inta uu samirka wax ku dabari karo in uu ku dabaro.

Hadaba sida aad rabto ma heli karaysid mar walba taasna in maanka aad ku haysid waa muhiim, ha noqon qof dunidiisa kaliya ku dhex nool oo doonaya mar walba in sida uu yahay ama jecel yahay loo fahmo.

Kala dunwaanata sideedaba waa quruxda nolosha , sidaas si la mid ah in mar mar la is qabto waxay cusbaysaa oo dhadhan u yeeshaa jiritaanka ama adkaynta xiriirka labada qof ka dhaxeeya.

Inta badan oo caqbado ay yimaadaan oo si wada jir ah oo is faham ku dheehan ay labada qof uga wada gudbaan waxa ay ka dhigan tahay ka guul gaaridda imitixaan nafsad ahaan u soo wajahay labadooda.

Ficilka uu qofkaaga kugu sameeyay farxad galin la’aantiisa yeysan kuu muuqan ee waxa kuu muuqdaa ha noqdaan qofkaaga, waana in aad ogaataa in aad tihiin laba qof oo mid walba dunidiisa ku nool yahay waxna wada wadaagaya.

Mar walba oo wax wadaag uu jirana hubaal isku dhac wuu imaanayaa, ma ahan micnaha xiriirka ama nolosha in aadan caqabad la kulmayn, ee waa in aad fahamtaan sida looga gudbo waxa wadajirka idiin soo wajaho.

Daganaanta, isu samirka, is fahamka hal dhinac culayskiisa u bato waa daawada xiriirka waara, ma ahan in qofku sida aad doonto in uu kuu fahmo aad kula baratanto oo haddu xumaan kugu sameeyo aad adigana mid la mid ah dareensiiso, taas runtii waxay sii fogaysaa in la isku  soo dhawaado oo sida haboon la isku fahmo.

Hadaba waxaan kusoo gunaanadayaa qormadayda  in aadan rajayn in sida aad rabto laguu ahaado oo taa aadan heli karayn balse aad isku daydo adigu in aad noqoto sida qofkaaga kale jeclaan lahaa, micnaha u samirto  iskuna daydo in aad u fahamto wax walba uu ku dhaho dhanka wanaagsan.

Haddii qof walba sidaas u dhaqmo oo mas’uuliyaddaas uu qaado hubaal in guusha ka dhalata xaaladdaas ay noqonayso mid qof walba farax galiso, maxaa yeelay dhamaanteen waxaan wada doonaynaa oo raadinaynaa farxad aan kuwada noolaano, si taas aan u helnana waa in qof walba uu isagu noqdaa isna dareensiiyaa in uu yahay qofka lagu jiifo oo lagu socdo.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN