SIDEEN BUUG U QORAA? 

SIDEEN BUUG U QORAA?

Sideen qoraa ku noqdaa?

In badan baa labada waydiimood ee kore la i waydiiyay. Dadka waydiimahaas i soo waydiiyay waa dhallinyaro akhrisay wax aan qoray, gaar ahaan labada buug ee WAAYIHII WARSAME iyo XAKAME. Dhallintaasi oo malahayga u maleeyay in aan qoraa ahay si gaar gaar ah ayaan farriimo ugu jawaabay aniga oo jawaabahayga sal uga dhigay khibraddii aan helay dhawr sannadood oo aan wax xarxarriiqayay. Sidaa daraaddeed, waxa aan jeclaystay in aan jawaabahaygi oo aan sii naaxnaaxiyay halkan idin kula wadaago si ay uga faa’idaystay dadka aan halkan deriska ku nahay, intooda laga yaabo in ay waydiimaha kore qabaan. Balse inta aanan gudagelin jawaabaha waydiimaha aan afeef gaaban ka hormariyo.

 

QORAA MA AHI

Derajada qoraa ma qaadan karo ama lama siin karo qof walba oo buugaag qoray, sababtuna waa in QORAA (writer) la siin karo qofka si joogto ah wax u qora oo wax qoristu shaqo u tahay, qofkaasi ha noqdo sheekacuriye tobannaan buug oo sheekafaneed iyo sheekagaaban ah qoray ama weriye wargays wax ku qora. Qoraa waa qof wax qoristu hawlmaalmeed u tahay. Aragtidan oo aan anigu in muddo ah rumaysnaa waxaa qaba Professor Cabdalla Cumar Mansuur. Qofka sidayda oo kale aysan wax qoristu shaqo u ahayn laakiin qoray buugaag la daabacay waa QORE (author) derajada qoraannimada lama siin karo ilaa wax qoristu hawlmaalmeed u noqonayso.

 

JAWAABTAYDA

(sideen buug u qoraa)

Ugu horrayn, jaawabahaygu kuma qotomaan aqoon gaar ah oo aan mawduucan u leeyahay, shakhsi ahaanna iskool ama jaamacad u ma aanan gelin barashada waxqorista (creative writing), keliya waxa ay ku ku qotomaan khibraddii aan helay dhawr sannadood oo si aan joogto ahayn aan wax u qorayay ayna ka dhasheen saddex buug oo la daabacay iyo dhawr qabyo ah.

Ma aha hawl fudud in aad buug qortid, haddana ma adka marka doonis ama rabitaan jirto.

In aad qortid buug dhan oo boqollaal bog ah ma ma aha shaqo fudud ma na aha hawl raaxo badan. Haddii ay fududdahay ama ay wax lagu raaxaysto tahay qof walba ayaa tobannaan buug sannad walba qori lahaa. Waa hawl u baahan doonis ama rabitaan daran oo ku shidaalinaya muddana kaa dhexguuxa. Waa in aad tahay qof ku riyoonaya in uu maalin buug qoro. Waa in aad leedahay hammi iyo himilo aad ka dhabayntooda naawilaysid.

Muddo marka aad riyadaas ku jirtid waa in aad garatid in riyo aan ficil ka dabayni qarow un tahay weligeedna aysan dhaboobi doonin. Sidaa daraaddeed, waa in aad qalinka iyo buugga isa saartid ama kombiyuutarka dul yuurarsatid oo bilowdid qorista waxii muddada fog maankaagu foolanayay. Ha is oran “bisha dambe ayaan bilaabayaa iyo sannadka xiga sug.” Ha is dhihin “ma qori karo wax dad waawayni akhrin karaa.” Taasi waa cudurdaarasho iyo dibudhigasho. Cudurdaarashadu waa tii murtida Ingiriisiga ahi tiri “excuses are well plan lies.” Halka qoraaga lagu magacaabo Brian Tracy uu dibudhigashada ku tilmaamay “tuugga riyooyinka.” Sidaa aawadeed, haddii aad rabtid ka dhabaynta riyadaada bilow wax qoris. Maalin walba dhawr bog ka qor mawduuca aad rabtid in aad wax ka qortid; ama mawduuc kale oo aan ahayn kan aad buugga ka qori rabtid.

Wax qorista maalinlaha ah waxa aad ka helaysaa dhawr faa’ido oo ay ka mid yihiin:

1. Waxa ay kaa caawinaysaa in aad yeelatid caado wax qoris.

2. Waxaa kordhaya tayada qoraalkaaga. Yacni waxa aad baranaysaa sida af Soomaali hagaagsan loo qoro oo waxa aad baranaysaa astaamaynta qoraalka, tixidda erayada habboon, dhisidda jumladaha iyo falkinta fikradaha maankaagu godlanayo.

Intii aanan bilaabin wax ku qorista af Soomaaliga waxa aan isu malayn jiray in aan af Soomaaliga aqaan far Soomaaligana si habboon u qori karo, laakiin markii aan wax qorista bilaabay baan ogaaday in aanan afka iyo fartiisa midna aqoon. Marka, walaashayey ama walaalkayow ha is oran af Soomaaliga waad garanysaa fartiisana waad qori taqaan. Bilow wax qorista adigaa wax badan ogaan doonee. Midna ogow, Soomaalida habaqaadday ama dhalatay 1991 ka dib badankooda far qoraalka Soomaaliga iskoollada lagu ma barin sidaa darteed waxa ay ku qasban yihiin in ay ayagu isbaraan. Sida ay isku bari karaanna waa akhriska buugaagta af Soomaaliga ah ee sida hagaagsan u qoran, iyo in ayagu in badan wax qoraan.

Haddii aad jeceshahay in aad ka dhabaysid riyadaada noqo akhriye akhrisku caado u yahay. Nin qoraa wayn ahaa ayaa la sheegaa in uu yiri “si aad hal buug u qortid, akhri kun buug.” Halka murti kale leedahay “akhriska badani waxa uu ku baraa sida qoraalka wanaagsani u eg yahay.” Sidaa aawadeed, ogow haddii aad wax qoris bilowdid adiga oo aan wax akhrin caado akhrisna lahayn in aad tahay qof gudcur gudaya, waxa aad qortaana noqonayaan nuh iyo nah la’aan.

Hagaag, ka soo qaad in aad shuruudaha kore buuxisay: si joogto ah baad wax u qortaa, caado akhris baad leedahay, si hagaagsanna wax waad u qori kartaa. Maxaa xiga?

Haddii aad heerkan soo gaartay waxa ay u badan tahay in aadan talo iiga baahnayn. Yeelkeede aan wax yar ka iraahdo maxaa buug lagu qoraa?

Waxa aad buuggu ku qoraysid aan labo u kala qaadno:

1. HAL-URUUR* (non-fiction) sida, saynis, taariikh, caafimaad iyo la mid ah

2. HAL-ABUUR (fiction) sida sheekafaneed

Buug HAL-URUUR ah haddii aad qoraysid waxa aad u baahan tahay:

B) in aad aqoon durugsan u leedahay mawduuca aad buugga ka qoraysid. Aqoontaas jaamacad u gal ama akhris badan ku kasbo, waa qasab ah in aad aqoon kugu filan ka haysatid mawduucaas. Hadde ogow, qasab ma aha in aad khabiir ku tahay mawduuca. Waana tii horay loo yiri “haddii qof wax yaqaan oo keliyihi buug qori lahaa, buugba lama qoreen.

T) afka aad wax ku qoraysid in aad si wacan u taqaan, si hagaagsanna u qori kartid.

J) qorista ka hor in aad baaritaan (research) badan samaysid.

Dhanka kale, haddii aad buug HAL-ABUUR ah qoraysid waxa aad u baahan tahay:

B) afka aad wax ku qoraysid in aad si wacan u taqaanid si hagaagsanna u qori kartid.

T) akhriskaagu in uu aad u badan yahay. Tusaale haddii aad rabtid qorista sheekafaneed Soomaali ah qorista ka hor waa in aad akhrisaa badi sheekafaneeddada Soomaaliga, iyo qaar kuwa adduunka ka mid ah. Waxaa waydiini ka imaan kartaa, haddii qofku leeyahay hibo hal-abuurnimo saa’id ah, aqoonta iyo qorista uu afka u leeyahayna heer sare yihiin ma u baahan yahay akhriska sheekooyin kale si uu asagu/ayadu mid u qoro? Laga yaabee in dadka qaarkood qabaan in uusan u baahanayn, balse aniga waxa ay i la tahay qof walba oo raba in uu wax qoro waxaa waajib ku ah akhrinta wax la mid ah waxa uu qori rabo. Ogowna, marnaba ma sinnaan karaan wax qof wax akhiyaa qoray iyo wax uu qoray qof aan wax akhrin.

 

BILOW QORISTA BUUGGA

Haddii aad ogaatay kala duwanaanta HAL-URUUR iyo HAL-ABUUR imminka waxaa la joogaa waqtigii aad buugga bilaabi lahayd.

Ka bilow:

1) yeelo ama dooro goob aad wax ku qortid. Dadku isku dabeecad ma aha, qof baa meel walba oo uu joogo wax ku qori kara qofna goobo gaar ah, sida meel cidlo jabaq la’aan ah un buu wax ku qori karaa. Sidaa daraaddeed, is aqoonsi dabadeedna dooro goobtaada.

2) mar walba hayso shay (buug ama moobeel) aad fikrada kugu soo dhaca ku qorato. Marka aad buug qorista ku dhex jirto fikrado iyo aragti badan baa kugu soo dhacaya adiga oo aan joogin goobtii aad buugga ku qoraysay ama aan haysan qalabkii aad buugga ku qoraysay, sidaa aawadeed, waa in aad haysatid meel aad fikradahaas ku qoratid. Markii aan qorayay buugga WAAYIHII WARSAME, waxa aan xusuustaa ayada oo fikrado igu soo duxaan aniga oo shaqada jooga dabadeedna aan moobeelka halhaleen u la soo baxo oo ku qoro. Xataa waxa aan xusuustaa habeen aniga oo hurda aan fikrad cusub ku riyooday dabadeedna intaan hurdadii ka soo booday fikraddii qortay.

3) qoro muuqaalka guud (outline) ee sheekada sida cinwaanka, cinwaan hoosaadka, cutubyada iyo cutub hoosaadyada. Dadka qaarkood (anigu aan ku jiro) hannaankan ma adeegsadan. Laakiin dadka wax qora badankoodu hannaankan bay adeegsadaan. Marka adigu is aqoonso.

4) si joogto ah (maalinle) u qor qoraalka buugga. Haddii aad go’aansatid qorista erayo cayiman sida 1000 maalin walbana kaba sii fiican.

5) qabyo qoraalka koowaad ( first draft) ee buugga marka aad dhammaysid ha is oran buug baad qortay. Waayo, shaqadii buugga waxaa kuu haray 70%. Yacni qoraalka koowaadi waa bilowga hawsha baaxadda wayn ee aad dhabarka saaratay.

6) dib u akhri waxa aad qortay adiga oo tifaftiraya. Tifaftirka waxaa ugu sahlan astaamaynta qoraalka waxaana ugu dag dhismaha iyo tixidda jumladaha.

7) marka aad dib u akhriska iyo tifaftirka dhammaysid mar kale dib u akhri si dhugmo leh ama dib u akhri adiga oo indhahaagu kuwa gorgorka la mid yihiin.

8) hadda adiga hawshaadi waa gebigebo. waxaa la joogaa waqti aad buugga u diri lahayd qof kale oo adiga kaaga aqoon iyo khibrad badan buug qorista. Waxaa dhici karta in qofkaasi ku siiyo talooyin kuu cuntami waaya, sida in aad qoraalka qaybo ka mid ah buugga ka saartid ama dib u qortid. Qiimee taladiisa ka dib na adigu go’aan gaar. Haddii laabtaadu (qalbigu) diido talada saaxiibkaa ama aad labalabayso, waxa aan kugu la taliyanayaa in aad laabtaada aamintid oo taladeeda raacdid, waayo, ma jiro qof kaaga aqoon badan sida aad rabtid u buugaagu u ekaado iyo waxa gudihiisa ku qoran.

9) hal mar oo kale dib u akhri, ha na hilmaamin qurxinta iyo simidda qoraalka. Haddii aadan aqoon qof yaqaan u dir ama baro. I rumayso, dib u akhriska, tifaftirka iyo qurxinta buuggu waa wareer iyo niyadjab miiran.

10) ugu dambayn, waxaa la gaaray waqtigii buugga la daabici lahaa ee u dir madbacaddii daabici lahayd.

* erayga HAL-URUUR ma aha ku horay loo adeegsaday, waa mid aan jeebkayga kala imid oo aan filayo in uu lid ku yahay erayga kale ee HAL-ABUUR.

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN

DUGUL Q.6AAD

DUGUL Q.5AAD

DUGUL 4AAD

DUGUL Q3AAD