SIRTII XANUUNKA BADNAYD Q.1AAD

SIRTII XANUUNKA BADNAYD

Sheeko Gaaban

1

Soddon gu’ oo gaw ah ayaa la joogaa barqadii ibliisku bawdka na ga la booday. Waan xusuustaa, sida saaka oo kale, waxa ay ahayd soddonkii Maarso sannadkii 1982 barqadii aniga iyo saaxiibkay Xuseen shayddaanka qooqani hoggaanka ku ritay dabadeed sidii awr hayin ah u la dhaqaaqay. Tabta saaka oo kale ayay barqo kulul ahayd. Sida roobkii gu’gu sannadkan u soo daahay oo kale ayuu sannadkaana u soo daahay. Sidaa oo kale labaatan iyo siddeed gu’ ayaa laga joogaa maalintii aniga iyo Xuseen isugu keen dambaysay. Runtii ma jeclayn in aan saaxiibkay il dambe saaro. Tan iyo xalay markii hooyaday ii sheegtay in berri foog Xuseen inoo imaanayo welwel iyo walbahaar baan kax la ahay. Imaashihiisa intii aan la gaarinba maqalka magaciisa ayaa igu hafiyay xusuuso murugo badan iyo sir xanuun iyo dikaan badan igu haysa taa oo aan ku dhowaad soddon sannadood qarinayay welina qarinayo. Tan iyo xalay markii afka hooyaday aan magaciisa ka maqlay hurdo ma ledin. Teer iyo xalay, iyo saakadan uu i hor yuuraro waxaa kashayda iyo maankayga ku lagdamaya labo daran tii aan dooran lahaa. Mar damiirkaygu waxa uu i farayaa in aan Xuseen iyo hooyaday u sheego sirta xanuunka badan ee aan tobannaanka sannadood qarinayay. Mar kalena waxa uu igu adkaynayaa in aan afkayga xirto sirta xanuunka badanna aan godka la galo.

Xuseen Dhafoor Guuleed waxa uu ahaa saaxiibkayga koowaad xilligii carruurnimada. Ma xusuusto, ma shan jir ama lix jir baan ahaa markii aan Xuseen isbarannay. Laga bilaabo maalintii aan isbarannayna maalin ama labo maalmood ka badan isma aynnaan moogaan ilaa barqadii ibliisku na qafaashay. Sidii aan labadeennu saaxiibbo u ahayn baa labadeenna hooyana saaxiibbo u ahaayeen oo mar walba u wadajooogi jireen. Sannadihii badnaa ee aan Xuseen saaxiibbada ahayn labadeenna qoys ee reer miyiga ahi isku berrin bay yiilleen geeddigana waa wada guuri jireen. Xuseen qoyskoodu waxa ay lahaayeen lo’ badan oo tiro iyo dheeraad ah halka qoyskeennu lahaayeen geel kadin kor u dhaafay iyo soddomeeyo lo’ ah. Sannadihii hore aniga iyo Xuseen maqasha ayaan wada raaci jirnay laakiin markii dambe lo’da ayaan bakadaha iyo bananka bariga Gaalkacyood ku wada jiri jirnay.

Beri aan lo’leynimada qawaday oo geelleynimo u jeelay baa Xuseen geeljirannimada aad iigu suurad xumeeyay lo’ jiristana hummaag bilan iigu yeelay. Waxa uu ii tilmaamay nolosha silica ah ee geeljiraha: kelinimada, harraadka, socodka aan dhammaan, arradka iyo ugaarnimada. Halka uu lo’leynimada wanaaggeeda ii bidhaamiyay: tuulajoognimada, harraad la’ida illeen maalin walba meel biyo leh baadbjoogtaaye, labbiska iy xarraga caanaha badan ee lo’du sababta u yihiin. Runtii Xuseen labada nololood ee lo’ jiraha iyo geel jiraha waxa uu ku mataalay duurjoognimo iyo magaalojoognimo.

Xuseen labo gu’ ayuu iga waynaa laakiin markii aan toban iyo saddex jir gaaray dhererka iyo lixaadka labo nin oo is le’eg baynnu noqonnay looma na malayn jirin in uu iga wayn yahay. Labadeennuba waxa aan ahayn labo nin oo si wacan u koray oo kolkii aan toban iyo afar jir ahaa asaguna toban iyo lix jirsaday waxa aan muruq iyo muuqaba u dhigannay labaatan jirro.

Xuseen waxa uu lahaa toddobo walaal: Xasan oo labo gu’ ka waynaa, labo inan oo Xuseen ka yaryaraa iyo afar gabdhood oo wiilasha ka sii yaryaraa. Xuseen aabbihii, Dhafoor Guuleed inta badan qoyska waa uu ka maqnaan jiray oo dhawrkii bilood buu mar soo dhici jiray dhawr toddobaad ka dib na waa uu dhaqaaqi jiray. Sida aan maqlay qoys bahyar ah oo gobol kale deggan buu lahaa.

Qiyaastii sannad ka kor marka aniga iyo Xuseen colka shayddaan na kaxaysanayo ayaa curadkii reer Dhafoor Guuleed, Xasan Dhafoor habeen madow dhaqaaqay oo meel uu jaan iyo cirib dhigay la waayay. Hooyadii Xiddo Xuseen na meel walba waa ay ka raadisay, ilaa Gaalkacyo ayay sii istaagtay balse faro maran bay la soo guyanoqotay. Yeelkeede, maalin Xuseen hooyadii iyo islaamo kale aqalkeenna yimaadeen baan maqlay ayaga iyo hooyaday oo isu sheegaya war ah in Xasan Dhafoor fakaday oo jabhadda u galay. “Alla Ilaahow ka soo badbaadi,” ayay ku ducaysteen. Runtii anigu berigaa ma aqoon waxa jabhad laga wado, waxa aan aqaannay magac afka laga dhawri jiray ama dadka degaanku adeegsigiisa aysan ku qanacsanayn kaa oo ahaa “Mahbar.” Inkasta oo aan Xuseen waydiiyay fakashada Xasan iyo halka uu tagey haddana Xuseen waxba ii ma sheegeen. Waa dambe ayaan fahmay qoyska iyo qaraabaduba cabsi badan ka qabeen in dawladdu ogaato in wiilkoodi jabhad noqday, taa oo ay dhibaato kala kulmi lahaayeen, haddii dawladdu ogaato. Inkasta oo goor dambe shaki iga galay in dawladdu arrinkaa moogganayd.

Waxa ay ahayd diraac (jilaal) dabadheeraatay oo dadka iyo duunyaduba kulka iyo hanfida dareemeen, inkasta oo dhulku baad iyo biyo lahaa. Reeruhu waxa ay yiilleen duleedka ceelka lagu magacaabo Ceel Gaduud oo qiyaastii konton kiilo mitir Gaalkacyo bariga ka xiga. Roobkii gu’ga ee ay ahayd in uu da’o labo ama saddex toddobaad ka hor weli lama hayo marka laga reebo shuux-shuux aan waxtarmaad lahayn. Lo’da labada qoys soddomeeyo ayaa dhashay labaatameeyo kalena maalmo gudahood in ay dhalaan baa la sugayaa.

Ayada oo xaalku sidaa yahay baa subax aniga oo safar sokor doon ah ugu baqoolaya tuulada Qarqoora Dheer oo cabbaar naga yara durugsanayd waxa aniga iyo Xuseen ku ballanay in Xuseen berri foog lo’da Ceel Gaduud u soo arooriyo aniguna aniga oo Qarqoora Dheer ku soo dhaxay aan Ceel Gaduud ugu imaan doono si aan lo’da u la waraabiyo. Ceel Gaduud wax tuulo ah oo wax laga iibsadaahi ma degganayn maadaama agagaarkiisa labadeenna qoys keliyihi deggaanaayeen.

Habeenkii inta aan Qarqoora Dheer seexday baan aroortii, qiyaastii lixdii iyo barkii aroornimo Qarqoora ka dhaqaaqay aniga oo kiilooyin sokor ah tunka ku sita. Goor qiyaas ahaan saacaddu sagaalka iyo barka ku beegnayd baan Ceel Gaduud ku soo baxay. Ceel Gaduud waxa uu ku yaallaa meel bannaan oo aan geed dheer lahayn. Waxaa tuulada ka dhisan daashash (waabab) maqaayado iyo bakhaarro ahaan jiray kuwaa oo dayrtii hore bari lag ga xaysraacay. Waxa kale oo ku yaallay dhawr beerood oo qaraha, digirta, masaggada iyo galleydu ka baxaan balse ayagana abaarta darteed laga ga hayaamay.

Markii aan u soo dhowaaday baa lo’dii oo ceelka dulgabrani ii muuqatay balse Xuseen waa ii muuqan waayay. Aniga oo xoogaa welwel ahi i galay baan saanta soo boobay. Waxa aan niyadda iska lahaa “ninkii aaway, ma ceelka ayuu ku dhacay?” Haddana waxa aan niyadda isugu qaboojiyay in ceelku uusan ku baac dheer ahayn oo xataa carruurtu inta gasho ku dabbaalan karto.

Aniga oo indhahaygu lo’da ceelka gabran ku foogan yihiin baan daashashkii oo aan ceelka ka soo ballaysimay soo dhexmaray. Aniga oo weli daashash dhex socda ayaan cabaad iyo qaylo iyo digdig maqlay, markii aan dhinacda eegayna waxa aan arkay arrin iga nixisay. Waab wayn oo dhanka midig iga ga beegan oo aan markaa xoogaa dhaafay baan eegay mise afar nin oo tuute gashan baa Xuseen oo dhulka bilqan sidaa oo kalena garbaduuban laad iyo haraati la dhacaya. Aniga oo istaagay iyo mid askartii ka mid ah oo indhihiisu i qabteen baa isku mar noqday. Isla markiiba qori garabka u surnaa ayuu inta igu soo fiiqay igu amray in aanan is dhaqaajin dabadeedna “xabadka dhulka dhig” inta uu yiri ayuu dhankayga u soo dhaqaaqay. Aniga oo xabadka dhulka ku haya ayuu inta labadayda gacmood dhabarka mariyay katiinad igu roorshay. Dabadeedna Xuseen oo afka iyo sanka ka dhiigaya iyo aniga aan waxba qabin bay gaari Landrover ah oo waab kale gudihiisa ugu qarsanaa guradiisa dambe nagu tuureen. Sababta ay gaariga waabka u geliyeen waa si dadka ceelka imaanaya sida aniga oo kale aysan inta baabuurta arkaan u baqa cararin.

Gaariga buudigiisa dambe shiraac tuutaysan baa ku daboolan. Aniga iyo Xuseen oo jeebbaysan buudiga shiraacan sagxaddiisa ayay si arxan darro noogu tuureen labo askarina dhinacyada ayay naga fadhiisteen halkii labadii askari ee kale shirka galeen, dabcan mid baa darawalka ahaa. Dabadeedna waddadii rafka ahayd ee Gaalkacyo aadaysay bay si arxan la’aan gaarigii ugu eryeen.

Waxaa qoray Cali M. Diini

La soco qabta xigta

SHEEKOOYIN