SIRTII XANUUNKA BADNAYD Q.2AAD

SIRTII XANUUNKA BADNAYD

Q.2AAD

 

Waddada ay baabuurka ku erayayaan oo ah rasto gaadiid hore shaagga ku falay oo bacaad iyo dhagax miiran ah, iyo baabuurka oo darawalku si waalli ah u cayrinayo darteed baabuurku waxa uu u saaltaynayaa (u boodboodayaa) si cadowtooyo ah. Maadaama aan garbaduubannahay oo sallaanka dhabar-dhabar u naalno marka baabuurku dhagax ama ciid tuuran ku istaagaba dhawr senti mitir baan aniga iyo saaxiibkay kor u boodaynaa dabadeedna sallaanka xadiidka ah ku dhacaynaa illeen gacmihii aan dhigaha baabuurka ku cuskan lahayn katiinad baa ku roorsane. Intaa waxaa dheer cabaadka iyo catowga saaxiibkay. “Alla tol beelayeey! Alla lo’dii, Alla lo’dii yaa hoynaya? Alla hooyooy! Alla aabbow! Yaa lo’dii cid gaynaya?” Ayuu saaxiibkay ku barooranayaa. Dabadeedna mid labada askari ka mid ah oo shaarib wayn aadna u madow indhihiisuna argagax kugu ridayaan baa Xuseen laad ku xaabinaya asaga oo ku oranaya “war aamus waryaa hooyadaa iyo lo’daba w*se.” Cabbaar ka dib buu Xuseen haddana calaacalkii bilaabaa, markaa ayaa haddana askarigii cag kab buud ah gashan ku haraatiyaa.

Maadaama ay ahayd markii u horreysay ee aan baabuur raaco, waxaa igu dhacay jirro-baabuur (car sickness). Intaan dawakhmay baan liidaanyooday dabadeedna hunqaaco (matag) ayaa i qabatay. Waxa aan u holladay in aan askarta u sheego hunqaacada i haysa balse waan baqay, in sida saaxiibkay kabo buud ah la igu laado. Markaa ayaan go’aansaday in aan hunqaacada isku celiyo laakiin ugu dambayn waan hayn waayay. Waa tii Soomaalidu tiri matag meel aad jeceshahay kugu ma simo e hal mar baa canjeelo iyo shaah caddays ahaa oo aan saaka Qarqoora kaga soo quraacday i soo dhaafeen. Haac! Batatataq! Caac! Batatataq! Askarigii shaaribka dheeraa ayaan jilbaha ilaa cagihii kabaha buudka ku jookaysnaa u buuxiyay. Kor buu si halhaleel ah ugu booday. Haac! Quhuc quhuc! Tuuh! Mar kale ayaan intii caloosha ku hartay soo hurgufay. Waa taa sagxaddii buuxsantay.
“War jooji jooji! Jooji eyga eygu dhalay iyo dhashiisu waa nagu matagay’e,” ayuu ku qayliyay.

Markii baabuurkii istaagay buu inta caagad biyo ah la soo degay mataggii iska biyaraaciyay. Dabadeed go’ shaal ah oo aan sitay bay sagxaddii ku tirtireen oo ku qallajiyeen anigana inta is istaajiyeen bay dhigaha baabuurka labo ka mid ah dhexdooda madaxa ii galiyeen si haddii matago aan bannaanka ugu hurgufo. Dhawr goor oo kale ayaan hunqaacay ilaa ay calooshu faaruq i noqotay oo waxba iga imaan waayeen. Maadaama baabuurku si daran u saaltaynayay labada dhigood ee ay qoorta iiga rideen jugo xanuun badan bay qalka iyo jeegada iga gaarsiiyeen.

Aniga oo sidaa u silcaya ayaa baabuurkii istaagay tuulo Ina Bulle lagu magacaabo. Dabadeedna inta ay dhigihii baabuurka silsilad nagu la xireen bay baabuurkii ka degteen. Markii askartii naga tagtay baa Xuseen calaacalkii bilaabay: “Alla lo’dii, Alla lo’dii yaa hoynaya? Alla hooyooy! Alla aabbow! Yaa lo’dii cid gaynaya?” Markaa ayaan saaxiibkay ku iri “saaxiib lo’du ayadaa hoynaysa oo sacaha dhalay baa horkacaya ee waxba ha ka welwelin.” Dabadeedna Xuseen baa igu waydiiyay halka askartu inoo waddo. “Halkee kale ee inoo wadi lahaayeen waan qafaalanahaye,” ayaan ugu warceliyay. Horay baan u maqalnay rag la qafaalay oo qafaalku ma ahayn wax nagu cusub balse saaxiibkay malaha argagaxa ku dhacay, cabsida iyo sida xun ee loo jirdilay baa illowsiiyay.

Hillaaddii soddon daqiiqadood ka dib waxaa baabuurkii lagu soo guray lix nin, afar dhallinyaro ah iyo labo nin oo odayaal ah. Odayaasha mid ka mid ah oo madaxu boosaystay bidaartuna dhakada bartankeeda joogto ayaa askarta cay iyo habaar u dhaadhaaminaya. “Ciidan ma tihidiin ee cadow baa tihiin cidhib Alle idin ka ma reebee. Cawaan cawaan dhashay iyo dugaag baa tihiin. Dadka Soomaaliyeed waa iska kiin xorayn doonaan cadow yohow cadowhu dhalay,” ayuu ku celcelinayaa. Markaa ayaa askarigii shaaribka waynaa asaga oo qoriga baadkiisa la dhacaya ku oranayaa “war aamus. Shib dheh, mahbar yohow mahbarku dhalay. Haddii kale sujuudda ayaan kaa tooganayaa”.

Odaygii si walba oo qoriga baadkiisa loogu garaacay waa uu diiday in uu aamuso ilaa ay markii dambe ay askartu kabihii buudka ahaa madaxa uga la tunteen. Dabadeedna odaygii waa tabar dhigay waana miyir beelay, ilaa aan Gaalkacyo aan ka gaaraynayna sida maydka ayuu sallaanka baabuurka u dhex bilqanaa.

Goor cillallow ah ayaa baabuurkii Gaalkacyo galay. Meel aan filayo in ay xero ciidan ahayd baa baabuurkii galay dabadeedna odaygii suuxsanaa maahane intee kale waxaa sidii arigii na la kugu xareeyay qol dhagax ah albaab culus oo bir ahina dhacan u yahay. Qolka waxaa ka buuxay rag soddomeeyo ku dhow oo dabcan ayagana la soo qafaalay. Saacado ka dib na waxaa na loo soo galiyay odaygii oo daal iyo dacdarro badani ka muuqdaan.

Ammin saacaddu saqbar ku soo dhowayd baa inta iriddii cuslayd ee birta ahayd na laga furay dabadeed waxaa na la saaray baabuur millateri oo baabuur wayn ah, ka gadaalna baabuurkii waxa uu cagta saaray laamiga koofur iyo Muqdisho afka saara.
Habeenkii oo idil waynnu guuraynaynay. Goor waagu beryi rabo ayaa gaarigii xero ciidan nagu daadiyay. Dabadeed dhisme dhagax ah oo labo qol ah ardaagiisa hore ayaa nala tubay oo nala safay dabadeedna annaga oo taagtaagan baa saddex askari oo sakiimo ku hubaysani madax xiirid nagu bilaabeen. Dhawr daqiiqadood gudahoodna annaga oo madaxyo yuul ah leh waxa ay noo qaybiyeen saraawiil dabagaabyo ah iyo shaarar kaaki ah, iyo kabo buud ah, ka dib na inta na dareeriyeen bay waxa na geeyeen labo musqulood oo xerada dhexdeeda ku yiil. Waxa ay nagu amreen in aan qubaysanno dabadeedna labbiska ay na siiyeen ku labbisanno. Cabbaar ka dib na annaga oo kaakigii iyo buudkii ku labbisan bay inoo horkaceen teendho wayn oo xerada dhexdeeda ka mudan. Teendhada gudaheeda waxaa taallay miis dheer oo ay dul safan yihiin saxuun bariis iyo hilib geel ka buuxaan, iyo galaanno biyo cad ka dhaansan yihiin.

Marka hilibkii iyo bariis aan ka dharagnay biyihiina ka wabaxnay waxa ay ahayd goor qorraxdii soo baxday. Dabadeedna mar kale ayay askartii ina horkacday. Waxaa nala hortubay iridda dhismihii labada qol ahaa mid ka mid ah markaa baa labo-labo gudaha qolka na la kugu daayay. Qolka waxaa gudihiisa yaalla miis yar oo labo askari dagaal ka fadhiyaan, mid walbaa kursi ku fadhiyo. Askari walba buug wayn baa horyaalla qalinna gacanta ayuu ku haystaa. Midkii dhanka bidix xigay baan anigu ku aaday. Dabadeedna waxa uu hadal iiga bilaabay: “sheeg magacaaga oo saddexan.”
“Guuleed Jaamac Shire.”
“Meeqa jir baa tahay?”
“14 jir baan ahay.”
“Ma adigaa 14 jira?”
“Haa.”
“17 u qor,” waxaa yiri askari i dabataagnaa oo ka mid ah kuwii meesha nagu soo xareeyay. “Waryaa sow 17 ma jirtid?” ayuu sii raaciyay.
“Maya, 14 jir baan ahay.”
“17 jir baan kuu qorayaa,” intuu yiri ayuu buuggii wax ku xarxarriiqay. Dabadeedna “yaa tahay?” i waydiiyay.
“Dacas.”
“Yaad ka sii tahay?”
“Elcaabin.”
“Halkee lagaa soo waday?”
“Ceel Gaduud.”
“Oo ku taal?”
“Gaalkacyo agteeda”.

Dabadeed inta aniga dibadda la ii saaray baa inan kale qolkii la geliyay ilaa dhammaanteen sidaa na la yeelay.

Intaa ka dib askartii inta na dareeriyeen bay waxa ay nagu xareeyeen teendho kale oo gasadeeda ay yaallaan miis dheer iyo dhawr kursi. Teendhada sallaankeedu waa bacaad carro gaduud saafi ah. Waxaa nala faray in bacaadka aan fadhiisanno. Ka gadaalna waxaa soo galay saddex sarkaal oo fadhiistay kuraastii miiska ka dambeeyay. Askartii meesha nagu xaraysay baa salaan ciidan oo aad mooddid in la qallaleen u taagay saddexdii sarkaal. Dabadeed saddexdooda midkii dhexda ku jiray baa inta uu istaagay waxa uu gacanta midig ku qabsaday makarafoon miiska saarnaa, ka dib na waxa uu hadalkii ku bilaabay:

“Jaallayaal magacaygu waa Kornayl Guullane, halkan waxaa idinkeenay dawladdiina, idiin ma na ay keenin in ay idin waxyeellayso ee waxa ay idiin keentay in aad gudataan waajibka dalkiinna iyo dadkiinna idinka saaran, waajibkaa oo ah in aad cadowga ka difaacdaan oo ka ilaalisaan. Dhawr iyo labaatankii sannadood ee la soo dhaafay inanno idin la mid ah ayaa qarankan cadowga ka ilaalinayay. Sidaa daraaddeed, imminka waxaa la gaaray miilihiinni iyo xilligii aad idinkuna markiinna qarankan cadowga ka jiri lahaydeen. Haddii nin walba geeliisa iyo lo’diisa dhexjoogo yaa dalka difaacaya? Sow ma ogidin haddii idinku aad qoriga iyo tuutaha qaadan waydaan in cadowgu idinkugu imaanayo geelasha iyo lo’da dhexdooda oo idinkana idin layn maayo xoolaha dhici maayo? Sidaa aawadeed, saaka laga bilaabo waxa aad ka mid tihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa la idin siinayaa tababar iyo aqoon ciidan oo aad dalkiinna iyo dadkiinna ku difaacdaan taa oo berri foog la idiin bilaabi doono. Waxaa la idinka rabaa in aad tababarkaa si wacan uga soo dhalaashaan aqoonta la idin bari doono iyo awaamiirta la idin fari doonana sida ay yihiin u qaadataan. Ninkii u dhagafududaan waaya xeerarka ciidanka iyo awaamiirta taliska ciidanka waxaa lagu qaadi doonaa ciqaab adag, sida xeerarka ciidanku farayaan. Ninkii isku daya in uu ka baxsado xerada tababarka ama ciidankaba waxaa loo aqoonsan doonaa cadow kalkaal qarankiisa khiyaameeyay abaalgudkiisuna waa dil toogasho. Waxa aan idiin sheegayaa, haddii aad is leedihiin waad fakan kartaan in qofna uusan qaranka ka dhuuman karin gacanta qaranka Soomaaliyeed na dheertahay oo meel walba gaari karto kaana soo qaban karto.
Ugu dambayn, waxa aan idin kula dardaarmayaa in aad ragannimadiina muujisaan tababarkana si dhab ah u qaadataan. Waxa aan idiin sheegayaa in tababarka berri la idiin bilaabayaa yahay halka aad mustaqbalkiinna ka dhisi lahaydeen oo ninkii tababarka sida uu yahay uga soo dhalaala uu mustaqbalka noqon doono sarkaal ciidanka derajo fiican ka gaara sharaf iyo karaamana qarankiisa ku dhex leh. Waxa aan idiin sheegayaa in aniguba aan labaatan sannadood ka hor joogay halka aad saaka joogtaan laakiin dedaal iyo daacadnimo badan iyo jacayl ay ciidanka iyo qarankayga u qabay ay ii suuragashay in sannado gaaban gudahood aan sarkaal sare ku noqdo maantana aan gaashaanle sare ahay. Idinkuna sidaa oo kale in aad yeeshaan baa la idinka rabaa,” ayuu Kornayl Guullane hadalkii ku gunaanaday.

Khudbaddii Kornayl Guullane ka dib waxaa na la geeyay teendho wayn oo dhanka galbeed ee xerada gudaheeda ka qotantay. Xeradu guryo ma leh, sidaa daraaddeed teendhada gudaheeda waxaa taalla sariiro saddex-saddex isugu rakiban oo joodariyo dhammaad ah ku goglan yihiin. Aniga, saaxiibkay Xuseen iyo inan kale oo Daa’uud magaciisu ahaa isku sariir baan noqonnay. Sariir summaddeedu S108 tahay baa na la ku qoray. Anigu waxa aan nasiib u helay S108-L.3. L.3 waxaa laga wadaa lambar 3, taa oo macneheedu yahay saddexda fooq ee sariirta kan u sarreeyay ayaan ku hoyan doonaa.

Intaa ka gadaal waxaa na la faray in aan seexanno, annaguna dhacsaal baan ahayne isla markiiba hurdo ayaan ka khuurinnay. Dabadeed casarkii baa askari jeedal sitaa inta noo soo xaluushay qaylo iyo jeedal isugu keen daray. Mid walba oo naga mid ah hal jeedal oo xanuun badan buu ku jiiday. Ka dib na meel xerada dhexdeeda ah fuustooyin biyo ah iyo baafaf dharka lagu mayrto yaallaan buu inta na geeyay na faray in aan mayranno calalladii aan xirnayd markii na la soo qafaalay. Laakiin askarigu saabbuun aan calallada ku mayranno nama uusan siin sidaa daraaddeed biyo cad baan ku dhaqannay. Markii aan dharkii mayrannay oo geedo teendhada agteeda ku yaallay ku warannay buu inta na dareeriyay na geeyay kurshiinka (jikada) xerada cuntada loogu kariyo ka gadaalna mid walba oo innaga mid ah waxaa la siiyay gaaweeto cuntada lagu cuno haddii la doonana lagu karsado iyo buraashad kuwa askarta ah oo biyaha lagu qaato. Ka dib na cunnnakariyihii ayaan saf u galnay, dabadeedna mid walba oo naga mid ah fandhaal cambuulo qallalan ah baa cunnakariyihii gaaweetada ugu riday. Waa cashadeenni caawa. Caawa keliya ma ahane habeen walba cashadeennu waa intaa. Waxaa intaa dheeraa jimbar shaah ah. Sidaa ayaan habeenkii ku seexannay.

Habeenkii markii aan sariirta tagnay baan aniga iyo Xuseen iswaraysannay. Saaxiibkay Xuseen weli lo’dii baa maankiisa ku gaardinaysay isla habeenkaana waxa uu ba ka fekerayay sidii uu xerada uga fakan lahaa. Waxa uu laqi la’aa afduubka iyo qafaalka iyo xeradan xabsiga ah. Laakiin anigu waa ka duwanaa. Wax walba oo aan qabay iyo baqdin walba oo ay haysay waxa ay raaceen khudbaddii Kornayl Guullane. Waxa aan la dhacay oo kaba maqsuuday labbiskiisa iyo garaaddada quruxda badan ee garbihiisa iyo laabtiisa ku taxan. Waxaanan ku fekerayay in maalin aan sidiisa oo kale u labbisto una garaaddo badnaado. Waxaaba ii muuqday aniga oo sidiisa oo kale askartu salaan ii taagayaan. Aniga oo askar badani ii rigaysan yihiin oo u khudbaynaya. Waxaanba sugi la’aa tababarka berri foog inoo bilaabanaya. Khudbaddii Kornayl Guullane isla markii ay dhamaatayba waxa aan diyaar u ahaa difaaca dalkayga iyo goynta kadabka cadowga qarankayga. Waxa keliya ee aa ka welwelsanaa waxa uu ahaa hooyaday, waxa aanan isla habeenkaaba go’aansaday in berri foog aan Kornayl Guullane ka codsado in uu wacaalkayga u diro hooyaday si ay u ogaato in aan nool ahay.

Xuseen oo lo’dii iyo fakasho ka fekeraya, iyo aniga tababarka aroortii dhawraya ayaan habeenkaa gama’nay.

Waxaa qoray Cali M. Diini

La soco qaybta xigta.

SHEEKOOYIN