TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

tariikh

TAARIIQO IS DABA YAAL!! Qaybtii 4aad

Furashada Dimashqa دمشق\ sanadka afar iyo tobnaad ee hijriga
Al Balaatharii البلاذري\ wuxuu bogga shan iyo lixdanaad ee kitaabkiisa “Futuuxu Al Buldaani فتوح
البلدان\ “ku yiri:
“Markay muslimiintu kasoo jeesteen la dagaallanka kuwa isugu gaashaanbuursaday ee beesha Al Marji المرج waxay halkaas ku sugnaadeen shan iyo toban habeen, kaddibna waxay usoo noqdeen magaalada Dimashqa دمشق\ . Taasna waxay ahayd markau afar iyo toban habeen ka hareen bisha Muxarram محرم\ ee sanadka afar iyo tobnaad ee Hijrada.
Markaasay waxay la wareegeen oo gacanta ku dhigeen Al Ghuudhah الغوطة iyo kaniissooyinkeeda oo ay xoog ku furteen. Markaasay dadka magaalada (Dimashq دمشق\ ) deggani waxay isku ilaaliyeen magaaladooda oo ay albaabyadeeda hoos kasoo xirteen.
Markaasuu Khaalid bin Al Waliid خالد بن الوليد\ wuxuu degay albaabka qorrax kasoo baxeed “الباب
الشرقي” isagoo wata shan kun oo nin oo uu kusoo biiriyey Abuu Cubaydah أبوعبيدة\ .
Dadna waxay leeyihiin inuu Khaalidخالد uu markaas amiir ahaa oo uu taliyaha guud ahaa, oo ay caziliddiisu u timid ayagoo Dimashq دمشق\ ku hareereysan.
Dayrka الدير\ (waana kaniisad krishtaan iyo guryaha ay deggan yihiin wadaadadoodu) uu agtiisa degay Khaalid خالد\ waxaa loo bixiyay Dayru Khaalid دير خالد .
Camr bin Al Caasii عمروبن العاصي\ wuxuu degay albaabka “Baabu Tuumaa” “باب توما” agtiisa.
Shuraxbiil شرحبيل\ wuxuu degay albaabka Al Faraadiis “باب الفراديس” agtiisa.
Abuu Cubaydah أبوعبيدة\ wuxuu isaguna degay albaabka “Baabu Al Jaabiyah” “باب الجابية”
agtiisa.
Yaziid bin Abii Sufyaan يزيد بن أبي سفيان\ wuxuu degay “Al Baabu Al Saghiir” “الباب الصغير” ilaa albaabka loo yaqaanno “Kaysaan” “كيسان” inta u dhexeysa.
Abuu Al Dardaa’ Cuwaymir bin Caamir Al Khazrajii أبوالدرداء عويمر بن عامر الخزرجي\ wuxuu dhegay Baybarzah بيبرزة .
Wadaadka krishtaanka ah (oo magaalada xukumay) oo bilowgaba Khaalid خالد\ dejiyay wuxuu maalin maalmaha ka mid ah soo dul istaagay darbiga magaalada uuna u ciddiray Khaalid خالد . Markuu u yimid wuu salamay wuuna la sheekeystay, wuxuuna ku yiri:
“ذات يوم يا أبا سليمان أن أمركم مقبل، ولي عليك عدة فصالحني عن هذه المدينة.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Maalin ayada ah Abaa Sulaymaanow أبا سليمان أبا سليمان waad guuleysaneysaan oo (diintiinna) ayaa adkaaneysa oo kor ahaaneysa, aniguna waxaan kugu leeyahay ballanqaad (عدة cahdi iyo ballan oo caynku waa hoos dhaban yahay), marka igula heshii arrinka magaaladaan ku saabsan (oo ha dagaallamin weeye waan is dhiibeynaaye).”

Heshiiska Khaalid دلاخ \ iyo reer Dimashq دمشق
Markaasuu Khaalid خالد\ wuxuu yiri ha la ii keeno khad iyo qalin iyo qardhaas, uuna u qoray:
“بسم الله الرحمن الرحيم. هذا ما أعطى خالد ين الوليد أهل دمشق إذا دخلها، اعطاهم امانا على أنفسهم، وأموالهم،
وكنائسهم، وسور مدينتهم لا يهدم، ولايسكن شيء من دورهم، لهم بذلك عهد الله، وذمة رسوله صلى الله عليه وسلم،
والخلفاء، والمؤمنين، لايعرض لهم إلا بخير إذا اعطوا الجزية.”
Heshiiska macnihiisu waxaa weeye:
“ بسم الله الرحمن الرحيم. . Kanu waa wuxuu Khaalid bin Al Waliid خالد بن الوليد\ siiyay dadka reer Dimashqa دمشق\ markuu galay. Wuxuu siiyay amaan ku saabsan naftooda, maalkooda, kaniisadohooda, darbiga magaaladoodana la dumin mayo. Wax ka mid ah daarohoodana la degi mayo. Waxay sidaas ku leeyihiin heshiiska iyo ballanka Ilaahay iyo ilaalinta Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, iyo ilaalinta Khulafada iyo mu’miniinta. Lagala hortagi mayo waxaan khayr ahayn hadday jizyada bixiyaan.”
Ciidanka Khaalid خالد\ ayaa Dimashq habeennimo galay
Markaas kaddib ayaa habeen habeennada ka mid ah waxaa Khaalid خالد\ u yimid nin ka mid ah asxaabta wadaadka krishtaanka ah wuxuuna u sheegay inay habeenkaas dadka magaalada deggan ay ciid u tahay oo ay taasna ku mashquul san yihiin, iyo in albaabka qorrax kasoo bax ku yaalla lagu tiiriyay dhagax lagana tegay. Wuxuuna usoo jeediyay inuu jaranjaro doonto. Markaasay dadka dayrkaas meeshuu ciidankiisu deggan yahay agteeda ah deggani waxay u keeneen laba jaranjaro. Markaasay koox muslimiinta ka mid ahi waxay tafeen oo dul fuuleen darbiga oo ay dhinaca kale uga degeen, ayna albaabka qorrax kasoo bax tageen, halkaasoo uusan joogin waxaan nin keli ah ahayn ama laba nin. Markaasay iska kaashadeen oo ay albaabka fureen markay qorraxdu soo baxaysay.
Abuu Cubaydah أبوعبيدة\ oo isaguna Dimashq galay
Abuu Cubaydah أبوعبيدة\ wuxuu ku dhibtooday furashada Baabu Al Jaabiyah باب الجابية\ . Markaasay koox muslimiinta ka mid ihi waxay tafeen darbigiisa, waxaana kusoo qulqulay xaggooda dagaal yahanka roomaanka, kuwaasoo muslimiinta si xoog le hula dagallamay, kaddibna ay carareen oo ay dhabarka jeediyeen.
Markaasuu Abuu Cubaydah أبوعبيدة\ oo ay muslimiintu wehliyaan waxay xoog ku furteen Baabu Al Jaabiyahباب الجابية oo ay albaabkaas kasoo galeen.
Markaasay Abuu Cubaydah أبوعبيدة iyo Khaalid bin Al Waliid خالد بن الوليد\ waxay isaga horyimaadeen magaalada Dimashqa دمشق\ dhexdeeda meesha la yiraahdo Al Miqslaadh المقسلاط , oo ah meesha nuxxaasiinta النحاسين (oo bir tumidda iyo alxanka), waana Al Bariisu البريص
Abuu Cubaydah ديبعوبأ ة oo markaas taliyah guud ee ciidanka loo soo magacaabay wuu ansaxiyay heshiiska uu Khaalid bin Al Waliid خالد بن الوليد\ galay, Cumarna عمر\ kaddib wuu ansaxiyay.
Sidaasay Dimashqa دمشق\ waxaa lagu furtay si nabadeed iyo xarbi la’aan dhammaanteed isagoo aan qof muslin ah lagu dilin. Markaasaa albaabbada magaalada oo idil la wada furay”.
Furashada Xims حمص
Al Balaatharii البلاذري\ wuxuu yiri:
“Dimashqa دمشق\ dabadeed Abuu Cubaydahأبوعبيدة wuxuu furtay Xims حمص .”
Furashada Xamaah حماه\
Abuu Cubaydah أبوعبيدة markuu kasoo jeestay furashada Xims حمص\ wuxuu u xilsaaray saxaabiga Cubaadah bin Al Saamit عبادة بن الصامت\ , kaddibna wuxuu u gudbay oo furtay Al Rastan الرستن\ , kaddibna wuxuu u gudbay Xamaah حماه\ .
Markuu Xamaah حماه\ yimid, waxaa ka hor tegay dadka deggan oo isu dhiibay. Markaasuu wuxuu kula heshiiyay inay jizyo الجزية\ bixiyaan, arligoodana kharaaj الخراج\ laga qaado.
Abuu Cubaydahأبوعبيدة wuxuu muddo joogay Xamaah حماه\ , kaniisaddeda waynna wuxuu ka dhigay masjid: “Al Jaamicu Al Aclaa Al Kabiir الجامع الأعلى الكبير\ .” Taasna waxay ahayd sanadka sideed iyo tobnaad ee Hijrada الهجرة\ .
Furashada Xalab حلب 13-14 Hijri/637M
Furashada Yarmuuk اليرموك\ kaddib oo ahayd sanadka saddex iyo tobnaad ee Hijrada, ayay muslimiintu waxay furteen magaalada Xalab حلب ee maanta Siiriya سورية\ ku taalla.
Ciidanka mujaahidiinta ah waxaa watay Abuu Cubaydah Caamir bin Al Jarraax Al Fihrii أبوعبيدة
عامر بن الجراح الفهري\ Allaha الله\ u naxariistee, fardooleydana waxaa watay Khaalid bin Al Waliid Al Makhzuumii خالد بن الوليد المخزومي\ .
Ciidammada roomaanka waxaa watay nin la yiraahdo Joachim (waana magac uu jarmanku ilaa maanta la baxo, marka waxaan ku wadaa inuu nin jarman ah ahaa) oo markii laga adkaaday ay isaga iyo afar kun oo askartiisa ka mid ah oo griig ah ay islaameen oo ay muslimiinta la safteen. Joachim kaddib wuxuu noqday mujaahid muslin ah.
Abuu Cubaydah Caamir bin Al Jarraax Al Fihrii أبوعبيدة عامر بن الجراح الفهري\ wuxuu ku dhintay daacuunka Camwaas طاعون عمواس\ isagoo shan iyo konto sano jira sanadka sideed iyo toban hijriga una dhiganta lix boqol sagaal iyo soddon. Qabrigiisuna wuxuu ku yaalla dalka Urdun meesha la yiraahdo Ghawr Al Balaawinah غور البلاونة , loona yaqaanno Ghawr Ibii Cubaydah غور أبي عبيدة oo afartan kiiloomitir u jirta magaalada Saldh سلط .

u diyaar garow Qormooyin kale oo Taariikho ah sabti walba insha Allah

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA

SHEEKOOYIN