Tacsi: Geerida Khadra Daahir Cige (Boqoraddii Jaceylka)

Waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyootay hoobaladdii qaranka, Khadra Daahir Cige oo maalmahan xanuusaneyd. Khadra oo si weyn uga tilmaaman fanka Soomaaliyeed waxay geerideedu gilgishay quluubta dadkii taageeri jirey iyo guud ahaan ehelka fanka.

Sida la soo wariyey marxuumad Khadra Daahir Cige waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa sanadkii 1957dii. Isla Hargeysa ayey fanka ka billowday xilli ay dhiganeysay dugsiga maaddaama uu ku weynaa jaceylka fanka, waxaana heesteedii ugu horreysay ereyadeeda sameeyey macallin u dhigi jirey afka Carabiga oo lagu magacaabi jirey Cali Ibraahim Iidle.

Heesaha ay Khadra Daahir Cige ku luqeysay oo u badnaa jaceyl waxay ka mid yihiin kuwa loogu dhageysiga badan yahay fanka guunka ah ee Soomaaliyeed, sidaasna waxay ku dhaxashay naanneysta ah Boqoradda Jaceylka. Abwaan Xasan-Ganey ayaa la tilmaamaa inuu sameeyey heesaha ugu badan ee ay Khadra Daahir ku luqeysay. Habka jilliinkeeda oo ahaa mid ashqaraar leh soona jiitay mu’allifiinta iyo daawadayaasha ayaa keenay in ay ka soo dhex muuqato masraxyada murtida iyo madaddaalada, waxayna xiddig ka noqotay riwaayado caan ah oo ay ka mid tahay riwaayaddii Dab Jaceyl Kari Waa.

Maamulka iyo xubnaha Laashin waxay shacabka Soomaaliyeed, ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxday uga tacsiyeynayaan geeridii naxdinta laheyd ee ku timid hoobaladdii qaranka, Khadro Daahir Cige oo maanta lagu aasay magaalada Hargeysa. Lama illoobi doono qaaraankii hagar la’aanta ahaa ee ay ku laheyd fanka Soomaaliyeed. Jannada Allaha ka waraabiyo, annagana samir iyo iimaan Allaha naga siiyo.

SHEEKOOYIN