TACSI TIIRAANYO LEH

Waa waajib geeridu qofna waaris heli waa!

Geeridu waa laysada noolayaasha, noole walbana sugaya, aadane na ugu sii xanuun badan, illeyn dareen iyo damqasho ehelnimo ayuu dheer yahay xoolaha kalee.

Annaga oo ah bahda Laashin maamul iyo qoroyaal, waxaan halkan tacsi uga diraynaa walaasheen qoraa Nimco Nuur oo hooyadeed Sahra Maxamad Cali-baalle ku geeriyootay ku geeriyootay dalka Turkiga August 18, 2021. Bahda Laashin waxay murugada la qaybsanayaan walaashood Nimco iyo qoyska oo dhan. Waa geeri xanuun badan.

Bahda Laashin oo isku duubani waxay Alle uga baryayaan inuu  naxariisto hooyo Sahra jannadii Firdowsana uu Alle ugu bishaareeyo, kitaabkeedana uu Alle midigta ka siiyo. Ehelka, qaraabada, ubadkii ay ka tagtay, gaar ahaan qoraa Nimco waxa aan leennahay: “Hooyo sammir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo”. Waa meel loo wada jeedo oo looma kala xaq leh, waase loo kala horreeyaa ee intii ay hooyo ka tagtay dhaay xasilan Eebbe ha ka dhigo. Annagana gadaasheed Alle nama fidneeyo.

INNAA-LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

SHEEKOOYIN