Talada Mucaashaqiinta. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Talada Mucaashaqiinta
1. Jacayl in aad qaado qasab maahan balse, waa xaalad aadan maamulkeeda maskax ahaan gacanta ku hayn, waa xalad ka timaada qalbigaada, xilliga uu doono ayuu dareenkaas la soo baxaa, marka waxaa haboon haddiiba jacayl aad qaadayso in aad ka fiirsato oo is waydiiso qofka aad u qaadayso ma u qalmaa mise uma qalmo? laga yaabee in aad is waydiiso maxaa mar walba looga hadlaa jacayl qaadis? waa Nolosha, nolosha in laga hadlaana waa qasab, sidaa darteed, fadlan qiimayn ku samee qofka aad wax la wadaagayso ama jeclaanayso ma u qalmaa, mase yahay qof sida aad jeceshahay kuula dhaqma.

2. Qofka aad jeclaanayso waa in uu noqdaa qof diyaar u ah in uu wax ka ogaado qofka aad tahay iyo qiimaha aad leedahay.

3.qofka aad jeclaanayso ma yahay qof kaa qoslin kara, ma yahay qof kaa dhunkada sujuuda, ma yahay qof farxad aad ku dareento la joogistiisa, sidoo kale ma yahay qof la hadliddiisa aadan ka xiisa dhicin?

4. Jeclow qof u diyaarsan dhagaysiga waxa laabtaada ku jira, sidoo kale kaa difaaca xumaan oo dhan, muujiyana sida uu ugu qanacsan yahay la jirkaaga.

5. Jeclow qofka ku dareensiin kara in mar walba aad ka maqantahay xiisaha uu kuu qabana aan qarsan karin, sidoo kale kugu kallifa in aad sakan walba ka fakarto, xusuustiisa aad weheshato saacadaha uu kaa maqan yahay.

6. Jeclow qof kula qorshayn kara qaabka aad farxaddiina u ilaashan lahaydeen, sidoo kale qofkaa ha noqdo qof mar walba xusuusinta Alle uu ku xusuusiyo ay ku weyntahay.

7. Jeclow qof adiga naftaada aad u diyaarsantahay kana caajiseen in inta uu kuu qabto dhamaan aad u diyaarsantahay in aad u qabato, qiimaha nolosha wadaaga ayuu ku jiraa ee ma ahan in qof kaliya wax loo qabtaa, in wax la isla wadaago ayey ku qurux badantahay Nolosha.
Mmusa

SHEEKOOYIN