Tiiraanyada noloshayda( QISO DHAB AH). Qaybtii 5aad. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Tiiraanyada noloshayda( QISO DHAB AH).
Qaybtii 5aad
Waa sida ay tahay uma darsan, nolosheenuna waa socotay hal habeena gaajo kuma wada seexan muuqaal ahaana dadka kama liidin, isaga ayaa wax isku dhibay ee inaga heer sare ayaan ahayn.

Noloshiisa ma ahayn mid dagan maalinba naag cusub ayuu guursanayay wax u tarmana ma jirin, buuq iyo iska daba wareeg ayuu ku noolaa.

Caafimaad ahaan wuu sii liidanayay oo isku buuq ayaa ku dhacay, sokor iyo dhiig karna waa ugu darsanayd.

Xagayga wax walba sida loogu tala galay ayey iigu socdeen, jismi ahaan waan soo laabtay, quruxdayda ayaa mar kale sideedi kusoo noqotay, magaalada waxa rag jooga inta badan xiriiro ayey ila sameenayeen balse niyad ahaan in aan qaabilo uma diyaarsanayn.

Waxaa jiray wiil dhalinyara ahaa oo magaalada aad iigu soo dhaweeyay xitaa caruurta in iskuul islaami ah ay galaan qayb weyn ku lahaa, marka hore facaal khayr ayey ka ahayd oo wax dan gaar ah igama lahayn anigana kama lahayn.

Runtii waxaa la dhihi karay wuxuu ahaa qof Alle ii soo diray oo u taagnaa sida uu ii gacan qaban lahaa, waligey wax walba oo aan doono inta aanan ficil ahaan u raadsan ayuu iga caawin jiray.

Waa dambe ayuu guursaday anigana guurkiisa waan u gurmaday oo qaybtii aan uga aadanaa waa ka qaatay, nasiib darrase uma aflixin guurkaas, oo muddo kooban kadib waa ay kala tageen isaga iyo gabadhii.

Damac gooni ah ayaa igu dhashay oo waxaan dareen jacayl u qaaday wiillkaa balse waxba uma sheegin oo waan ka xishoonayay runtii, laakin si walba uu ku fahmi karo dareenkayga waan u muujinayay ugu dambayna wuu i fahmay isaga ayaana markii dambe wax ii soo bandhigay anigana awalba meel dheer kama jirin waan aqbalay isla markiiba.

Muddo dheer naguma qaad in aan isla fahano in guur aan u wada baahanahay wax yar kadibna waan is guursanay, Alle mahadii wax walba sidii loogu tala galay ayey noogu socdeen saddex caruur ah ayaan u dhalay, laba wada jir nolosha isaga waheshato ayaanu noqonay.

Hadda waa i kan, maanta Alle hanti iyo dadba wuu i siiyay, nin wanaagsan oo ku qanacaanahayna marwadiisa waan ahay nimco Alle ayaan isaga jiraa runtii.

Qiimaha nolosha ayuu i baray ayaan dhihi karaa, la noolaantiisa daganaan iyo farxad ayaan ka qaaday. Sanadkii la soo dhaafayay ayey ahayd markii aan Cimrada ka wada nimid, layaabkuse wuxuu ahaa markii telefon lama filaan ah aan ka helay ilmahayga aabahood oo iga codsanayo in aan iska cafiyo maadaama uu qalad wayn ka galay ilmaha iyo anigaba, waxba in aanan u qabin ayaan u sheegay oo waa horeba iska cafiyay.

Intaas kadib ayuu i waydiiyay bal haddii aan xoogaa dhaqaala ah ku caawin karo maadaama ay nolosha ku adagtahay? Waan siiyay runtii inta uu i waydiistay, marba haddaysan ahayn wax sidaa ii cusleynayay.

In uu ahaa ninka ilmaha igu inkiray ka sokow hadana ma hilmaansanayn in uu ahaa ilmahayga aabahood iyo walaalkey adeerkay dhalay, xiriirkaas ayaan ku xiriirinayay uguna sabrayay, waa tiiraanyada noloshayd.
Dhammaad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN