Tiiraanyada noloshayda( QISO DHAB AH). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Tiiraanyada noloshayda( QISO DHAB AH)

Qaybtii 3aad.
Wixii markaa ka dambeeyay qoyskayga xaaladdiisa ma daganayn ilaa saddex caruur ah ayaan ku dhalay muranka subaxaa bilowday.

Xaaladda qoyskeyga xaalad dagan ma aysan ahayn, dagaal, buuq, calool xumo iyo oohin qanaaco darro ii sii dheertahay ayaan ku jiray. Dhowr jeer ayaa garteena la galay, qaladku xagiisa ayuu ahaa mar walba oo aniga waxaan ahaa dulmanaha la dulmiyo, waa sida ay xaqiiqdu tahay, aniga waa la igu eedi karay af xumo ama hadal xumo iga timaada marka ay xaaladdu igu kululaato.

Sidaas ay tahay marnaba iguma soo dhacsanayn in aan kala tagno ninkayga, balse in ay wax qaldan yihiin waan ku jiifay, dareen ah in meel dheer aanan wada gaari karina mar walba waan qabay.

Xumaatooyin badan oo aanan mid mid u sheegi karin ayuu igula kacayay balse intaas oo dhan waxaan ugu sabrayay jacaylkiisa oo wali igu dhex noolaa kaas oo i siinayay enerjiga in aan iska adkaysto oohintana nafis joogta ah oo caawin ii ah bey ahayd.

Qiimaha nolosha quruxdeeda waa in aad qanacsantahay, faraxsantahay, hammi aad ilaashanayso ama is leedahay gaarna aad leedahay intaas oo dhan marka hore waan haystay balse in ay si tartiib ah iiga sii lumayaan ayaan sii arkayay.


Qoraxda marka ay soo baxdo walwalka aan qabo ayaa ahaa talow maanta jawiga siduu noqon doonaa, ma dagaal iyo murugo ayaad maantana marti u noqon doontaan? waxaas oo aragagax ah waxaa ii sii dheera caruurta oo isku xig xigtay oo waxba aana kala waynayan, buuqooda dhinac kale ayuu dabka igu shidan ka sii basinayay.

Is waydiin badan ayaa igu jirtay taas oo ahayd waxa ku dhacay Zakariye ee sidan uu iigu silcinayo, maxaan geystay, miyaanan dumar ahaan ugu filanayn, ma aniga ayaa isaga wax gooni ah ka qaba ama ka qaatay, waa maxay murankan iyo nacaybka joogtada ah ee iigula kacayo, xitaa mararka qaar gacan qaad ayuu igula kici jiray.

Waan xasuustaa subax aniga oo jikada ku jira quraacna u samaynaya intuu jikada iigu soo galay igu yiri arag sida aad u taalo, uf ayaa tahay uma qalantid in aad naag ii noqoto, waad iga soo booday waana ku dhibsaday.
Subaxaas ayey ahayd subixii aan si toos ah ula hadlay oo ku dhahay ” haddaanan naagtaada u qalmin gurigan maxaad ka samaynaysaa isaga bax” goobtu waa Sweden, gurigana waa gurigayga, waan ugu dulqaadanayay xadgudub badan iyo gacan qaad balse saaka xadka ayuu i gaarsiiyay.

Wixii maalintaa ka dambeeyay xoogaa dib ayuu iiga dagay maslaxo ayuu la yimid, muddo ayaan daganaan aan caga badan ku taagnayn kuwada noolayn.

Wuxuu ku laabtay Canada, muddo markuu naga maqnaa ayuu inoo yimid markana la yimid soo jeedin ahayd in aan xagaa isugu wareegno sidii ayaana uga ogolaaday, balse maadaama aanan sharci wayn ku lahayn Swedan waxaan ku qasbanaa in aan Canada ku tago dacwo uu ii dacwoonayo.

Waxaa jirtay in hooyadey iyo ilma abtigey dhalay aan leen u xareeyay kaas oo aan suura galin, aniga oo ka xun in hooyadey oo kaligey i dhashay aan ku guul darraystay in ay mar labaad nolol ahaan igu soo biirto ayaa waxaa dhacday in dacwadeeni Canada sidaa lagu aqbalo dhamaanteena sidaas aan ugu wada guurno Canada.

Nolol cusub oo ka adag tii swedanta aan ku aqiin ayaa ii bilaabatay, markan xeradiisa ayaan ku jiraa, gurigana waa kiisa, wax walba isaga ayaa ah, aniga marti ayaan ku ahay beledkan cid aan isaga ahayna kama aqaan, buuqii iyo balaayadii aan muddada yar ka nastay dib ayuu noogu bilowday, isla buuqaas ayaan 2 caruur ah oo kale ku dhalay.

Nolol dulli ah ayaan ku noolaay, waxaan is lahaa iska dulqaado inta sharciga aad ka helayso, nasiib wanaagna aniga oo ay wehel ii tahay oohinta aan ku nafiso ayaan sharcigii helay kadibna waxaan go’aansaday in aan dib ugu laabto muddo gaaban Swedan kadib markii aan soo laabanay aniga iyo caruurtayda ayuu muddo kadib naga daba yimid, buuqeena wuu sii batay, garteena waa lagu daalay, anaga ma nasano, nolol ma haysano, isaga wuu cabanayaa,aniga waan cabanayaa, cid caafimaad qabta ma jirin.

Subax ka mid ah subaxyada anaga oo qabowga ka gabanayno ayuu baasabooradii caruurta iyo kaygiiba naga qaatay, wuxuu la aaday talyaaniga oo walaashiis iyo caruurteeda swedan kusoo galiyay, aad ayaan uga xumaaday runtii in uusan arriintaa igala tashan, buuq iyo dagaal aad u baaxad wayn ayaa arrintaas ka dhalatay, taas oo keentay in markan aan ku sigano in aan kala tagno.

Nabad ma jirin mar walba ee buuqeena baaxaddiisa ayaa weynayd, waa kan maalintii dambe 3da waaween iskoolka ka watay lana aaday Canada aniga oo ogayn, maalin xun ayey ii ahayd, aad ayaan u walwalsanaa oo cidda ilmahayga qaadatay ayaan la yaabanaa, balse markii uu soo hoyan waayay habeenkii ayaan fahmay in uu isgaa la tagay, 3 maalin kadibna warqad furriin ah ayuu ii soo diray.

Xaalad aan aqbali karo ma ahayn, waxaan ka daba aaday Canada, guri aan ku dago ma jirin mana ku lahayn, wax walba isaga ayey ku qornaayeen, rafaad badan ayaan u maray sida aan ilmahayga ku heli lahaa, oo dacwad dheer ayuu i galshay.

Dad aan macrifa ahayn ayaa dhexda ii xirtay oo ila dadaalay, marka hore degaan ayaan yeeshay marka xigana ilmahayga ayaa dib la iigu soo celshay.
Rafaadka iyo riinka buuqa noloshayda intaas kuma ekayn, xaaladdu waxay ka sii dartay markii uu ku dhawaaqay kuna dhaartay in uusan dhamaan ilmaha iga dhalin oo ay Xaaraan ka yihiin.

Sharaftayda ayuu xumeeyay, wax aanan ahayn in aan noqdana aana ku fakrin ayuu iga dhigay iguna tilmaamay.

Xaaladda ayaa igu cuslaatay, ma ahayn qof shaqo taqaan, mana ahayn qof guriga ka baxdo, waxaan ahaa Xaas guri joogta ah oo ilmaheeda iska korsata dulmina ku nool oo ninka in uu sharafteeda iyo nolosheedaba difaaco la rabay isaga lagu soo taagay.

Xaalad murugo ayey runtii ii ahayd, xaalad xun ayaan dhex galay, waqti adag ayaa ii bilowday. Aniga tayda kama walwalsanayn ee tan ilmaha aabahood igu inkiray ayaan ka walwalsnaa, Alle mahdiise ma ahayn guurkayga guur qarsoon in ilmaha isaga uu iga dhalay aniga iyo inta na taqaanba waan wada ogayn warkiisa cid dhag u jalaqsiisay ma jirin. Qof walba oo qoyska ka mid ah dhakafaar ayuu arrintaas ka qaaday, dhacdo lala ashaqaraaro ayey ahayd runtii.

Isaga baladka wuu ka tagay xumaan daran uu ii geystay kadib, wuxuu u gudbay dhankaa iyo America, halkaas oo uu ka shaqa bilaabay dhowr dumar ahna uu ku guursaday mid u nagaatayse ma jirin.

La soco qaybta 4aad  axadda dambe insha allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN