TOBAN ILBIDHIQSI | QALINKII DAYAX AXMED-ILAY

Xirsi, tan iyo maalintii aad dhalatay sidan uun bay wax ahaayeen, xaafado
laga baroorto, geeri, gunnimo iyo goblan uun baad ku gurguuratay kuna
garaadsatay. Waligaa cid ku tukhantukhisa mooye ma aad arkin wax kuu
tudha. Waa gartaa in aad qalbi ingeg noqotid saa adba laguuma
damqadee. Ma adigaa habaarqaba mise duni waalan baad kol dhallaan u
ahayd haddana dhallinyaro u tahay? Maxaa maahsane niyad xun kaa
dhigay? Wax ma tare aan waxba beddalin maxaa kaa dhigay?
Asalmadoorshe nololeed sawdigan noqday!.

Nayaayiro iyo u naallood adduunyo ma daysid. Hawo iyo hammi adduun
habeenna kaama baxo, se hilinka aad u marayso haadaamaha ka qodan ma
dhaadsanid mana dhugatid!.

Adigu awawyaashaa baad eersataa oo aad haaraan iyo habaar la hareer
joogtaa “Waxay na badeen liidasho iyo lur adduun” baad laabtaada ugu
sheekaysaa. Facyawgii kaa waa waynaana adiga ayay ku eedeeyaan “Ma
dhallinyaraa joogta gu’yaashan saw dad aan waxba ogayn oo moogayaal
ahi may kicin” bay kugu hiifaan.

Intaas far baad fiiqdaa oo eedbaad jeedisaaye horta yaad haysataa? “Waa in
sidan wax laga beddalaa. Bulshadu waa in ay danteeda garataa. Qashinka
waa in waddooyinka laga nadiifiyaa” sidaas uun baad hawl ugu
tilmaamaysaa cid aadan garanayn. Wa ayo kuwaasi? Yaa kaa xiga oo aad
xilkaas ku dhaliilaysaa!. Wa ayo bulshadan aad jeeddaa? Adiga yaa
hawlgabka kaa dhigay? Haddii qofba qof dhaliilo oo sidaas halla sameeyo
mooyee la waayo hebal sidaas ha sameeyo, anna waxaas baan samaynayaa
cid tiraahda, ma sammada ayay malaa’iigi innooga soo degi! Moojiye
waadigaas sida nin dool ah indhaha wax ka deyaya afkana ka duryamaya!
Ma aqaan Ayaan darro iyo nacasnimo midka ay kaa tahaye waadigaas daba
ruclaynaya midka rubadda ku jaraya. Waadigaas naftaada gaajaysan hafraya
ee hadh iyo habeen ku haya: “Annagaa idin maamulna! Annagaa dalka ugu
taajirsan! Hadda kabo dacas baad ka leedahay, dharna shaatigan

caddaaday iyo surwaalkan kugu dul madhay! Danbiga uu galo ka aad isku
reerka tihiin waadigaas indhaha ka data ee midka reeraha kale uun
xaashida, xajiimaynta iyo xisaabinta daba wada!.

Hebel kolka uu gef sameeyo waadigas haybtiisa haysta oo kolba eed dusha
u saaraya. Ma qof baa qabiil duudka saarikara?. Waligaa laguuma sheegin
in qof, qof ka xuni uu jiro balse qabiil qabiil ka xuni aanuu jirin. Caddaalad
darro baad adigu ka cabataa, balse waadigaas adigu dhakhtarka aad
bukaannada u kala hormaydso, indho garasho iyo qof jeclaysi ku kala wada.
Sawdigan aan duqayda iyo dadka ka soo horreeyayba eegayn ee Kaahin oo
hadda yimid ka horraysiiyay wadaaddan adhaxda ka liicday, aragga
yaraysay ee itaal darraysay! Waxa aan jeedaa islaantan maryaha madaw
wadata ee dirqiga ku luudaysa!

Arxan daranidaa! Oo caqli xumidaa abaal aad u gasho daaye xaqeeda ah in
ay Kaahinkan hadda yimid ee sida boqorka aad u horkacaysay iyo Siraaddii
aad mardhawayd, sii daadahaynaysayba ay ka soo horreeysay. Xoogga iyo
cududda ay duqdaasi sugayso saw adiga ma aha!. Ogor aniga ayaaba
gardarane maxaan kugu giriifi sawta Soomaalidu tiraahda: “Tiisaba
daryeelaa tukale ku dara” adigiibaaba walhad ahe maxaanba kuugu wayrixi!
Adigaas aan waxba ka sarriiganayn baa caddaalad darro cid ku sheega, oo
intaas sadbursi iyo nin jeclaysi ka cawda. Dhoohane iyo mid dhiman ka aad
tahay garanmaayee wa adigaas waxa aad dadka ku haysato adigu u
haliilaya!.

Ishaada ayaa laga arkaye adna ma dhiifoonid iyaguna kuuma arxamaan. Sida
xaabada ay dabka kuugu shitaan oo danahooda kugu fushadaan; maxay kuugu
nixi saw Soomaalidu kuma maahmaado “Laxiba shilahay is dhigtaa lagu qalaa” nin
naftiisa nafaqaynayaa sawkan adiga iyo kuwo kaleba galaaftay.
Maxaan kaligaa kuu haystaa oo kuula yaabi malaha kuwan adaaba ugu wanaagsan
sawkuwan intii taashka talada loo sudhay, tacsiyayn mooyee aan tamar kale
lahayn”

Waxaad tahay wiil nolosha aad u jecel, dhimashada waad necebtahay haddii aad
wadka cago kagaga carari karto malaha waligaaba maad is taagteen! Waxaad sidataa bambo, haa banbo waliba ay gaanjadu ka furantahay. Waadigaas la
ordaya ee aan kolna istaagayn in aad noolato waad raabtaa Se caqli kuma ladhid!
waadigan xiiqsan ee xiimaya banbadan aad gacxanta midig ku sidato ee aad ,la
ordayso naftaada iyo dadkaba waad uga cabsanaysaa haddana xal ma haysatid
mana heshid. Horta aad heshide ma is waydiisayba waligaa!.
Adigu ma tuurtid iyaguna kaama dhigaan. Waadigan ordaya uune xaggeed ku
carari? Dhibaato aad gacmaha ku sidato sideed u rabtaa in aad ka badbaaddo?
Milil aanad hoos ugu degin sideed korka uga dhayaysaa? Xumaan aadan xididdada
u siibin sideed u dabar jaraysaa?

Banbada adaaba la ordaya e sideed nolol ku rabtaa?. Waad aragtaa in aanay
gaanjo lahayne maad iskaga carartid? BUG, aah, alla dhiigga… dhiigga lugtaay..
uuu uuu… araxda ayaa jabtay. Kani waa mayd… kuwani waa dhaawac culus wii wii
wii! anbalaastani qayla dheeraa.. horta adigu waad nooshahay. Shalay waad
badbaadday, se berri ma noolaan! moojiye sawdigan wali la ordaya banbadii bilaa
gaanjada ahayd.

Ma istaagtid meelna ma gaadhid. Indha xumidii aad shalay aragtay kuma ay diirin
iskumana aad doorin ee tabtii darraad baad tahay.
Hadma ayaad is beddeli? Naftaada waxbaba uguma fadhidid e maatida iyo
maxasta maad u naxdid? Aheey ah! Illeen “Madax muuqda iyo mindi saawira,
midna lagama quusto” maxaan kaagaga harraadi.
Dunidii cammirnayd toban ilbiriqsi bay isku beddeshay. Bul, uuradu bug
dhawaaqu Waa kaas is dhegaystay laba meel ku ballansanaa 10 ilbiriqsi
gudohood waa kaas mid aakhira ugu hayaamay midi waa kaas dhabarka belay ee
dhakhtarka ka taahaya inbaa dhaayaha wayaay, ku baa dhego belay kuwaa
dhiigbaxay.

Toban ilbidhiqsi oo aad soo daahday waadigaas ku badbaaday e maanta maytida
la tiriyo een cidna loo qaban baad ka mid ahaan lahayd. Walise banbada maad
dhigin. Qof ilbidhiqsi kasta geeriyoonkara baad tahay. Haa, mayd han iyo hammi
leh baad tahay! Sidan bay noloshaadu tahay e goorma ayaad bomka tuuraysaa?

SHEEKOOYIN