U QAADAN WAA (Q4AAD) W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

U QAADAN WAA (Q4AAD) W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

Haa, sidee lagu helaa qof aad dooneyso, ogeyna in uu ku doonayo?. Naftaydu waxa ay ku jirtaa dagaal, waxa ay dhex yuururtaa mugdi, waxa ay dhex dabaalaneysaa tog fikir iyo werwer iskugu jira, intaas oo dhan iyada oo mareysa, hadda na marnaba ma deyso ka fikirka qoftii nuurka u shidi jirtey muddooyin yar ka hor.
”Maalmihii wacnaa way soo socdaan” haddii lagu heeso, aniga in ay iga galbadeen, waa xaqiiq aan u baahneyn muran badan.

Soojeedku waxa uu noqdey qayb ka mid ah noloshayda. Jadwal maalmeedkeeddu haddii uu ahaan jirey mid cayiman oo ku dhisnaan jirey wakhti hawl kastaba sideeda loo qaban jirey, hadda isku dhex yaac in uu jiro anigu iyo inta igu xeeran ba waa aannu ognahay oo ka dheregsanahay. Khalkhal dhankasta ah ayaa jira, ka qalbigu ha ugu darnaadee. Alla qoftu sidan maxaa ay ugu gashey qalbigeygan daacadda iska ahaan jirey ee madhibaanka ah?, aargoosigan halkee laga soo maleegay, waan ogahay oo qoon iyo nabsi hore toona ma gelin qalbigeygani ye. Haddii aad maqli jirey hubka sida culus waxa u gumaadda ayaa dowladdaasi adeegsatey, aniga qalbigeyga waxa ay ku tijaabisey hub u baahan in qarniyo la daraaseeyo. Waan hubaa oo sidan oo kale weerar looguma gaysan qalbi qof kale leeyahay, kaygan se waa loola badheedhay, ilaahay amarkii…

Maalmaha weerarkani wadnahayga ku socday  waa ay badnaayeen e, aan hal mid in yar kaa xasuusiyo, haddii aad kuu wada sheego in aad iga jeclaato oo aad iga dhacdo hantidan iga dhacan haddaba ayaa aan ka cabsoonayaaye. Waa lay sitey dhowaanahan oo ma saloonneyn sidii aan hore kuugu xusay. Akhriska dhiganayaasha oo aan jeclahay ka sakow,maan daarboodi jiri in aan wakhti ku bixiyo akhriska dhigane jaceyl  laga qorey, hadda se cidi iiga ma horeyso oo waxa aan xasuustaa in aan habeen kaliya, kadib ka soo noqoshaydii dhankeeda in aan dhiganaha ” The 5 languages of love” ee uu qoraa DR Gary Chapman dhammaantii wada akhriyey, uma nasan marka laga reebo fiiq-fiiqtan biyo i ag yaalay. Xiise iyo dareen iga xoogweynaadey ayaa i qasbayey, igu na lahaa ”jaceylka wax ka baro si aad u hantidid qalanjaddan aad jamatey”.

Akhriyey dhiganehaas iyo dhowr iyo toban kale oo dhammaantood laga qorey daraasooyin laga sameeyay jaceylka, balse ilaa hadda anigu weydiimaha damiirkaygu iigu soo ganayo sida falaadha midna fal-celin uma hayo, uma na maleynayo in aan u heli karo waayo wax ka weyn in jawaabo loo helo ayaa i helay. Runtu waa ay fiican tahay, xaqiiqadda in aad naftaada la waddaagto na waa mid ka mid talaabooyin aan fududeyn oo u muhiima in aad hore uga socoto wax kasta oo kugu dhaca balse aniga qadhaadhka runta markasta oo aan dhadhamiyo waxa igu laba kacleeya xiisaha aan u qabo dhankeedda. Haa, waa sidaas. Ma aqaano sababta ka dambeysa ama xidhiidhka ka dhexeeya qadhaadhka dacarta ee runtu aniga ii tahay iyo xiisaha dhankeedda ii qaada markasta oo aan isku dayo in aan hore uga socdo.

Haddii aad dareentay waxa aan dareemayo, aragtey quruxda, bilicda iyo bilcanaanta aan arkey, mar uun aad agjoogi laheyd qalanjadan aan anigu kaaga sheekaynayo waxa hubaal ah in aad ila dareemi laheyd waxa aan dareemayo, balse ma hubo in aad u ammaani laheyn, si daacad ahna noogu sheegi laheyd sida aan anigu kuugu waramayo. Waad i garab istaagi laheyd, iga ma aad dheeraateen ee markasta waxa aad jeclaan laheyd in aad i dhageysato oo aad ila qaybsato dareenkan ku kaliyeystay qalbigeygan daacada u ah iyada. Ma qiyaasi karo marnaba qiimaha ay agteyda ka leedahay, xushmaynta, qadarinta iyo sharafta aan u hayo. Qof ahaan waa ay i yeelatey, i dhex degtay, iyada oo aan marnaba  eegin mugga culeys ee uu qalbigeygani qaadi karo. Si bilaa xisaab ah ayaa ay u dhex degtay maankayga, aniga ayaa huba taas. Markasta oo aan u holado ka fikirka iyada waxa aan dareemaa farxad aan qiyaas laheyn,balse in ay murugo dambeyso waa mid aad iska fahmi karto, way dhacdaa na maalinkasta balse uma joojiyo oo waxa wax kasta iiga qiimo badan qadar aan ku bixiyo iyada xasuusteeda iyo ka fikirkeeda.

La soco qaybta Shanaad (5aad)

W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

SHEEKOOYIN