UMMADDII MARATAY Qore; Barkhadle Maxamed Cali (Barkhad)

UMMADDII MARATAY

 

Markeynu dul istaagno ciwaankan hortiina ka muuqda, waxa uu ka koobanyahay laba eray.

Erayga ummad iyo maratay. Ummad waa eray qeexaya jiritaanka qayb ka mid ah noolaha Eebbe uumay. Sidoo kale, ummad waxaa la dhihi karaa, dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. Dad hal dawladi u dhexeyso. Iyada oo laysku jamciyana waxa la yiraahdaa ummadaha midoobay oo ku urursan ururka qaramada ama ummadaha midoobay.

Erayga maratay (baaba’day/dhamaatay) waxa uu tibaaxayaa dabar go’a noole ka mid ah noolayaasha ama qayb ka mid ah oo isku cayn ah. Sidoo kale, erayga maratay waxaa la dhihi karaa, baabi’idda ama dhammaanshaha ummad meel ku wada nool. Maratay, cirib go’day, dhammaatay ama suushay. Waa ummad jirtay oo haddana baaba’day.

Taariikhdu waxa ay ka marakacaysaa ummado jiray haddana jaan go’ay. Sidoo kale, taariikhdu waxay marqaati ka tahay, ummada heer wanaagsan joogay haddana dhulka la sinmay.

Ummaddeennii maratay ama waddadii marashada cagta saartay

Sida taariikhdu sheegeyso waxa aynu ahaan jirnay, ummad dhaqan iyo dhaqaalaba qani ka ah, taas oo looga daydo habka nolosha hodon ka ah ee aynu ku nooleyn, kaas oo saamaxayay in aan ahayn dad inta tooda xalliyay tan dunida wax ka tara. Sidaas si la mid ah, waxa aan haysannay dhaqan hodon ah oo dhinac kasta ka dheellitiran ilaalinayana qiyamka iyo qaayaha ummadnimo ee aynu dhan kastaba ku badbaadi jirnay, dhaqankaas oo cuskannaa diinta xaniifka ah ee Eebbe weyn innagu manneystay.

Marka la doonayo in ummad la burburiyo, ugu horreyn waxaa lagala diriraa dhaqanka iyo jiritaanka aasaasiga ah ee rukunka u ah noloshooda. Sidaas daraaddeed, waxaa loo abuuraa baahiyo aan muhiim ahayn laakiin loo ekeysiiyay wax muhiim ah, kuwaas oo ka jawaabiddooda qofna kari karin. Marka aad arki weydana laguu tilmaamayo waddadii aad dhaqankaaga ku lumi lahayd, waayo, waxaad ku soo dhacday dabinkii lagula gaadayay, kaas oo ah in lagaa fujiyay raarka ceelkii aad ka laalaaday. Waana halkaan meesha ay ka bilaabaneyso ku hafashada badda weyn aan hareer iyo xeeb looga baxo midna lahayn, adigana lagaaga dhigay xalka mushkilad awalba laguu keenay.

Arrinkani waa marqaati madoonto in ummada badan karkaarka la weydaariyay, sidoo kale asalka mushkiladda ummadan Eebbe weyne innaga beeray.

 

Dhaqan

Haddaynu Soomaali nahay, waxaynu lahayn dhaqan waafi ah oo dhan kasta ka dheellitiran, lehna xeer lama taabtaan ah oo lagu hago arrin kasta oo la soo gudboonaada gayigii ay ku noolayd.

Xeerkaas waxa uu xal u ahaa mushkilad kasta oo ka dhacda ummada dhexdeeda, waayo, waxaa la garanayay, qodobka ku qotoma ama xalka u ah mushkiladda dhacday dabadeed waxaa la abbaarayay waxa uu xalku yahay.

Xeerka guud ee Soomaalidu waxa uu u qaybsanaa Ugub iyo Ab laga soo gaar. Ugubku waa arrin cusub oo aan hadda ka hor dhicin ama aan horay loo arag taas oo u baahan in imika xeerkeeda la jideeyo si hadday mar kale dhacdo loogu kala baxo, halka ab laga soo gaarku tahay wax kasta oo xeerkoodu horay u degsanaa.

 

Dhaqaale

Soomaali haddaynu nahay waxaynu lahayn ilo dhaqaale oo innoo saamaxayay in aynu halkii Eebbe weyne koonkiisa nooga uumay ugu noolaano hab nololeed hufan oo habboon, ayna ku qanacsanaayeen dadkii xilligaa noolaa ahaana mid ku tiirsanaa; xoolaha, beeraha iyo kheyraadka badda oo ay dad yari ku tiirsanaayeen, sidoo kale waxaa jiray qanacsi ka dhexeeyay Soomaalida iyo dadyawga Asiyaanka ah ee ku dhaqan bariga dhexe, kuwaas oo ay is weydaarsan jireen waxyaala udgoonka laga sameeyo ee ay Soomaalidu caanka ku ahayd iyo dharka iyo raashinka qaybo ka mida Aasiya innooga iman jiray.

Soomaalidii xilligaa noolayd noloshoodu dhan kasta way ka dheellitirney, mana u baahney caawimo bal iyagaa dadka baahan ee dunida kale ku nool u diri jiray sekada, maadaama aysan jirin cid Soomaali ah oo se wax uga baahan, waana sababta ay u guuleysan jireen mar kasta oo ay dagaal galaan, waayo, xallinta baahidoodu cid kale kuma xidhneyn.

 

Af

Soomaalidu waxa ay lahayd af hodon ah oo wax isugu gudbiso kaas oo Islaamka iyo anshaxu saldhig u yahay, sidoo kale, waxa uu qayb weyn ka ahaa isu gudbinta xogaha xambaarsan nabadda iyo raynraynta ama colaadda iyo dhiillada wax aan maqalkoodu dhegahana u rooneyn.

Waxyaabaha wax leysugu gudbiyo ee afkani aadka caanka ugu yahay waxaa ka mid ah:

Maansada qaybaheeda iyo maahmaahda oo hadba halka shir ka jiro sheekada lagu qurxiyo taas oo ah waxa micnaha ballaaran siiya qofka hadlaha ah, waana waxa gayeysiiya in qofkaas loo aqoonsado, qof hadal yaqaan ah.

Waxaynu dhihi karnaa afku waa dhaxalka keliya ee ummadi iska dhaxasho, waana waxa ilaaliya taariihkda iyo waxa ummadaas uga duwaneyd ama uga duwan tahay ummadaha kale, sidaa daraaddeedna hadday ka tagto waxa ay lumineysaa dhaxalkii ummadnimo oo ah waxa keliya ee raasumaalka u ahaa. Sidoo kale, afku waxaaba la sheegaa in uu diinta ka mid yahay, waayo, waa waxa aad ku fahameyso, waxa aad aaminsan tahay ama diin iyo dhaqan ah ee aad dhaxashay.

Waxaa kaloo maragmadoonta ah in ummadii afkeeda ka tagtaa aysan gaareyn hormarka ay u baahan tahay si ay ula tartanto asaaggeeda.

Imikana waxaaba soo baxay dad leh afkeennu maba ah mid loo baahan yahay waayo, kuma jiro afafka inta badan laga isticmaalo dunida iyagoo daliishanaya in dadkeenna aqoonta lahi aysan caan u ahayn sida dadka ku hadla ama iska leh afafka dunida laga isticmaalo, oo ay ugu horreeyaan Carabiga iyo English-ku. Sidoo kale, haddii afku meesha ka baxo waxaa gebi ahaanba lumaya wax kasta aan dhaqan u lahayn, kaas oo dadka taariikhda dersaa ay ku tilmaamaan inay tahay hanti ummadi leedahay tan ugu weyn.

Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd “Dawaco socodkeediina waa ay ka tagtay key doorbideysanna ma gaarin.” Taas oo ka dhigan afkii hooyadaa kugu anqarisay haddaad fahmiweydo aadan mid dadaw oo laguu soo waariday waxba ka keeneyn. Sidoo kale, waxaad ku sifoobeysaa islaantii xaabada la kiciweysay ee tiri “Mid kale ha la iigu daro”. Waana waxa innoogu wacan in aan waqti ku bixino barashada af qalaad si aan wax ugu baranno, Iyadoo Eebbe weyne innoogu deeqay af hodon ah oo aan wax ku baran karno.

 Dadka af iyo dhaqan yaqaanka ahi waxa ay sheegaan in aan af la’aantii dhaqan jiri karin, halkaa waxa aad ka fahmi kartaa muhiimadda aadka u weyn ee uu afku leeyahay. Sidoo kale, dhaqanku waxa uu door aad u muhiima ka ciyaaraa is ku xirka bulshada isku afka iyo dhaqanka ah, waayo, waa mid ka mid ah xiriirada muhimka u ah isku xirkooda. Sidaas daraaddeed waxaa waayadaan soo badanaya dadka oranaya ama sheegaya in aan dhaqanku nolosha waxba ku soo kordhineyn taas oo ah in qof aqoonsigiisii qofnimo u arko wax aan muhim u ahayn oo uu ka maarmi karo. Haddii aan tusaale ka bixino waxaad arkaysaa qaar ka mid ah dhallinta maanta waxa ay dhar ahaan u wataan iyo qaabka tima-jarashadooda waxa aad fahmi kartaa, dhaqan doorsoon aad u ba’ani soo socdo, taas oo u baahan in wacyigelin badan laga sameeyo. Haddaan hoos u sii dego oo dhibta taabto, meela badan baad ku arkeysaa dhallinyaro sidata surweello jilibka ka jeexan ka dibna marka uu tukan rabo ku weyddiisanaya go’ iyo cimaamad kaad sidato si uu cawradii ugu asturo xilliga salaadda uu ku jiro. Maxaad u maleyneysaa cunugga uu dhalo kan, soo xasuusanaya in uu dharla’aanyahay xilliga salaadda, saw qaawanaan ku tuko ma aha!

Dhaqamadaan aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan ayaad ku arkeysaa meelo badan oo ay ummada Soomaaliyeed ku dhaqan tahay, dhaqan doorsoonkaas oo rag iyo dumarba saameeyay, mana muuqato, dawlad iyo dad indheergarad ah oo ka damqanaya waxa socda.

Annaga oo qani ka ah habdhaqan wanaagsan iyo af hodan ah, ayaan moodnaa in wax aan heysanno aysanba wax tareyni, waana dawarsannaa (tuugasannaa), annaga oo badda iyo beriba barwaaqada ka buuxdo. Yaab, yaab, yaab! Ilaahow barwaaqada aan ka baahannahay na tus.

 

Gabaggabadii

Qoramadaydu wax ay daaran tahay, in aan ku dhegano dhaqankeenna, afkeenna iyo barwaaqada Alle nagu maneysatay, haddii aan ku qanci weyno waxa aan noqoneynnaa ummada maratay oo baaba’dey.

Qore; Barkhadle Maxamed Cali (Barkhad)

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.