WAA IGA TALO!!! W/Q: Maxmed Muuse Sh. Nuur

Waa iga talo!!!
Aniga oo hooyadey soo booqday la’iina sheegay in xaafad dariska ay jirto xoogaana u dagdagsanaa meel kale, dooneyna in aan hooyo aniga oo arkin dhaqaajiyo ayaan go’aansaday in aan hooyo ugu tago xaafadda la iigu tilmaamay.
Inta aan socday ayey ishaydu qabatay gabar yar oo Da’aadda la fil ah gabar aan dhalay, wayna u ekayd runtii oo marbaan is dhahay gabadhaada dalkan maba aadan ku ogeynee sidee wax u jiraan?
Is waydiintaas waydiimo kale oo naftayda aan kula sheekaysanayo ayey igu sii dhaliyeen kadib markaan arkay Da’da ay gabadha jirto iyo shaqada ay haysay iyo muuqaalka guudba.
Gabadha yar qayaas ahaanti kama badnayn 10 jir, waxaa ag fadhiyo wiil yar oo aan ku qiyaasay 10 bilood oo diif iyo dac darro ka muuqato waxaana iigu sii naxdin badnayd markaan arkay in wiilka sankiisa uu dhiig ku yiil.
Muuqaal laga naxo ayuu igu noqday, waalidnimo ka sokow hadana waxaan ahay qof aad u beer jilicsan oo muuqaalada qaar qalbigiisu uusan liqi karin.
Waxba ma aanan waydiin, waan ka sii jaqaafiyay, balse, muuqaalkaas laabtayda kama go’in, waydiimaha laabtayduna sidaa kuma dhamaan!!
Xaafaddii aan u socday ayaan hooyo ugu tagay, xoogaa sheeko iyo shaah aan la wadaagnay cidda xaafadda leh kadib aniga iyo hooyaba waxaan usoo dhaqaajinay gurigeena.
Aniga iyo hooyo oo wada sheekaysanayna ayey isla gabadhii yarayd oo alaab u badan digsiyaal iyo bakeeriyaal soo xareynaysa guriga hooyo soo gashay.
Mar labaad ayaan ka naxay, wax kaba ah ay illantahay ma laheyn, duruufo dhar la’aaneed ayaa ka muuqday, Da’da ay jirto iyo shaqada ay qabanayso oo isku dhigmin ayaa qarracan qalbi igu sii beeray, isla markiiba waxaa isoo hor istaagtay gabadh iyada ku fil ah oo aan dhalay.
Aniga oo ka murugeysan muuqaalka gabadha yar ayaan waydiiyay kabaheeda, waxay ii sheegtay kabihii ay gashan jirtay 3 maalin ka hor in ay ka go’een muddadaasna ay kaba la’aan ahayd. Waxaan sii waydiiyay magaceeda waxayna iigu sheegtay Deeqo.
Aniga oo ka murugeysan muuqaalka aan gabadhaas yar ku arkay baa wiilkii yaraa ee ag fadhiyay weydiiyay, inta aysan iiga jawaabin ayey hooyadey sheekada soo dhex gashay iina sheegtay in wiilkaas yar ay dhashay islaan meesha ku karisa cuntada oo gabadhuna ay shaqaale u tahay!!!
Shaqaale aa? gabadhan yar ee toban jirka maxay shaqaalanimo ka garan kartaa? gabadhii ayaan waydiiyay hooyadeed iyo aabaheed, waxay ii sheegtay in ay jiraan magaalo aanan hadda magaceeda sheegayn, waan ka sii naxay labadaas waalid ee gabadhooda 10 jirka magaaladan kusoo daayay ee waliba shaqaale ay u tahay cid kale.
Waxaan waydiiyay hooyadey mushaarka ay qaadato, hooyo waxay ii sheegtay in 30 doolar lagu siiyo haynta cunugaas yar, cunuguna uu shalay korkeeda ka dhacay dhulka oo gawaan ahaana uu afka iyo sanka ku dhufsaday, shalayna uu wajiga aad uga bararnaa.
Waa yaab kale dhibaato dhibaato la dulsaaray, aniga oo la yaaban dhibaatada baaxadda leh ee is dulsaaran, dareemayana in xaalado kale oo muruga ahna ay kusii daboolan yihiin balse, inta aan dabool ka qaaddiisa aan isku shiddayn doonaya in aan xalliyo marka hore dhibka isoo jiitay ee gabadhan yar haysta, waa kaba la’aantee ayaan gabar qaraabada ahayd oo meesha ka dhow inta lacag yar u dhiibay ka codsaday in ay gabadhan kaba yar oo cabirkeeda ah usoo iibiso.
Inta ay gabadha kabihii ku maqnayd ayey hooyo sheekadii kale ee murugada aan ku tuhmayay ii sii bilowday.
Waxay ii sheegtay in gabadhan yar ay shaqaale u tahay isla islaan kale oo iyana si’ u imtixaaman.
Magaceeda waa Shukri, waxay nin hore u dhashay 5 caruur caruur ah, waa 4 gabadhood iyo wiil, markii ay kala tageena wuxuu ka watay 3 gabdhood iyo wiil, gabadhii ugu yareyd ayey uga dhagtay maaadama ay ahayd gabar aan isku filnayn aadna u yareyd.
Gabadhaas waan arkay iyana balse ma muuqaal xumeyn waxaana ku qayaasi karay 2 sano iyo bar.
Shukri waxaa la ii sheegay in ay tahay Reer Hiiraan aabaheed iyo hooyadeedna ay yihiin dad xoogaa dhaqaala ahaan isku filan, aabaheed ayuu ahaa ninka ku qasbay in ay ilmaheeda dhiibto, gabadhaas yar oo kaliyana kala harto, markii ay taa dhacdayna shukri meel cidla ah ayey kusoo dhacday oo ma jirin cid dhaqaala ahaan kabta.
Gabar dhalin yar ayey ahayd, ma joogsan,  casharkii horana waxba kama baran, gabadheeda yar oo 11 bilood jirta ayey nin kale guursatay, guurkaasna waxay ku dhashay Wiilka 10ka bilood jira ee sanka ka dhiigayay.
Muddo kadibna ninkii waa kala tageen, halkii ayey dhibaatadii uga sii miisantay, awal ayey la daala dhaceysay dhibaatada ilmaha laga qaatay iyo quudinta gabadha yar ee looga tagay, ma shaqaysato, guri kira ah ayey dagantahay oo 40 doolar ay kiradiisu tahay, waxaa 90 doolar siin jiray wiilka yar aabihii, intaas iyo wixii kale ay asxaab iyo ehel ka hesho ayey isku ceshan jirtay.
Muddo kadib 90 kii waa laga goostay kadib markii uu ku andacooday ninkii siin jiray in shaqadii uu wax ka heli jiray ay ka dhammaatay.
Shikri xaaladda ayaa kusoo adkaatay, waxay ku qasbanaatay in ay fadhiga ka kacdo, waxay shaqo yar oo cunta karis ah ka bilowday isla xaafadda ay daganayd guri laga dhisayay in shaqaalihiisa ay cuntada u kariso si ay wax uga hesho, gabadha yar ee 10 jirka ahna ay u shaqaalaysiisatay in ay cunuga yar u hayso inta ay wax kala dabbarayso, gurigana kasoo xaaqdo.
Waa dhibaato dhibaato kale lagu daray, waana xadgudub xadgudb kale lagu sii daray, waa xanuujin xanuujin kale la sii dulsaaray, waa murugo waji xun oo mid kale lagu sii kabay.
Shukri dhibkeeda waaba halkiisa, balse gabadhan yar ee aan waxbarashaba loo dirin, alaabta lagu dhaqo, cunug yar aysan hayn karin maanta dhan dhabarka loo saaray, guri aysan nadaafaddiisa ku filnayn qoorta loo suray, galabkiina lagu dhaqo alaab aad la yaabayso tiradeeda.
Iyada oo sidaas tahay hooyana sheekadii ii sii waday ayuu maqribku nagu dhacay, meeshaas ayey ku idlaatay maalintaas iyo xaaladdeeda murugada badnayd.
Xusuustayda kama go’in muuqaalka gabadhaas yar, aniga oo taa wali qalbigayga ku jirto ayey hooyadey maalintii xigtay markaan soo booqday ii dhameystirtay sheekadii qaybtii ka dhinanyd ee ahayd in guriga kirada  aysan laba bil iska bixin Shukri, sidoo kale gabadha yar mushaarkeeda aysan laba bil siin, haddana farqaha ay kuwada dhagan yihiin shukri gabadha yar ciddeeda iyo ninka isla leh guriga ay dagantahay.
Hooyo waxay ii sheegtay kadib markii ay ogaatay xaaladdaas cakiran in ay iyadu dabartay oo kiradii iyo gabadhii yareydba lacagtooda ay ka bixisay, balse is waydiintu waxay tahay dhibaatadaas waa mid joogta ah, shukri wadda ay uga baxayso hadda qorshaheeda ma muuqdo, xalku muxuu noqon doonaa?
Dhibaatada nuucan ah dumarka waa ku badantahay, iyada oo la furay, kaligeed aan ahayn, lagana yaabo in xitaa wixii la cuni lahaa aysan u hayn ciyaalkaas ayey hadana inta mid kale guursadaan ilma kale sii dhalayaan, meeshiina looga sii tagaa, waa dhibaatadii oo dhib kale loogu sii daray.
Ugu dambeyn dumarka waxaan kula talin lahaa, kolleyba Nin la’aan ma joogeysaanee, bal inta aad dhibka idin haysta xalkiisa dhabta ah heleysaan ilmaha aad u qaadaysaan nimanka qaar ee aan u qalmin in wax loo dhalo iska ilaaliya.
Iska raaxeysta laakin Uurka iska ilaaliya, nimaad hubsateen in uu u qalmo in uu ilmihiina aabe u noqda oo kaliya wax u dhala.
Waa iga talo.
Qore : Maxamed Muuse Sh. Nuur

SHEEKOOYIN