Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybtii 7aad
Jilid Jacayl ayaan ugu tala galay balse waxaan kusii siqayay Badwayn Caashaq lasoo cusboonaysiiyay, xubin walba oo jirkayga ah si wanaagsan ayey ula jawaab qaadaysay, wiilkeena markuu arko sida aan isku nahay ayuu dhihi jiray aabo hadda ayaad aabahayga saxda ah kusoo laabatay, hooyo waa faraxsantahay markan.
Waxaa dhici jirtay waayadii aan arooska ahayn in mararka qaar inta cuntada ay jeceshahay u diyaarsho aan sariirta kasoo qaadi jiray iyada oo waliba xoogaa culus.
Sidii ayaan sameeyay balse xaaskayga Fowsiyo markan waxaan ka dareemayay in miisaankeeda uu saa’id isku dhimay, wax badana ay ka khaldanyihiin caafimaadkeeda, waa isku dayay in aan waydiiyo sababta ay hoos sidan ugu dhacday balse waxay iigu gaabisay maxaa buurnaan lagu falaa? waan is caateeyay nooh.
Aniga waan fahmi karay in wax badan ay iga qarinayso balse sababta ku kallifaysa ma fahmi karin.
Aniga oo sidaa u sida ayuu wiilkayga yiri “aabe hooyo miyaa sidaas u qaadi kartaa,” farxadda iyo muxibada wajigiisa ka muuqata ma ahayn wax lasoo koobi karo, hooyadiis ayaa ila hadashay oo igu tiri ma u jeeddaa sida hooyadaa iyo aabahaa isku jecel yihiin? Dhulka hana dhigin imitxaanka natiija fiican keenso sanadkan si jaamacadda aad u aaddo, kadib iyada oo isoo fiirinaysa anigana aan usii wado fadhiga qaybta lagu cunteeyo ayey igu tiri “waa wiilkeena kaliya, waa astaanta jacaylkeena iyo nolosheena, fadlan ha u sheegin in aan is furi rabno marka bishan dhamaato” kalimaddaasna dareen murugo ayey igu beertay aniga oo madaxa u ruxaya si haa camal ah ayaan fadhiga geeyay.
Maalintii labaad jacayl jiliddeena sidii hore waa kasii macaanyahay, xabadkayga ayey ku jiiftay iyada oo sii carafsanayso garkayga hoostiisa gacmaheedana ku salaaxaysa labadayda naas dhexdooda mararka qaarna dhunkanaysa.
Aniga jilid igama ahayn markan talaaba kasta oo aan qaadno mid aan kusii raaxeesanayo ayey ahayd fal walbana si dareen dhab ah ayaan u sameynahay, waan carafsanayay carafteeda muddada iigu dambeysay, waxaan qirtay in xaaskayga fowsiyo aanan si fiican u eegin nimcada dumarnimo ee Rabi ku mannaystayna an kala bar xitaa soo qodan, ha ahaato raaxo, naxariis, niyadsami iyo dhinac walba oo nolosha ka dhadhanto.
Waxaan ogaaday in sababta aan uga fogaaday aan leeyahay, way muuqatay in xaaskayga aysan sii yaraanayn oo laab laabyo aysan lahaan jirin ayaa markan muuqda, wajigeeda Miin aan sidaa usii badnayn ayaan ka dareemayay, sidoo kale timaheeda Cirro ma lahaan jirin balse markan xabad xabad ayaan marba dhinac ka arkayay.
Waxaan dareemay in ay rabto in ay i dareensiiso halka aan ka nimid in aysan ahayn meel dhow, dib ayaan iskula yaabay heerka xumaan aan ka gaaray ee qoftan wax aysan u qalmin aan ugu qaadayo.
La soco qaybta 8aad
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.comĀ 

SHEEKOOYIN