Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybtii 8aad
Maalintii 3aad markaan waqti wada qaadanay waan dareemayay in dareenka jacaylkeena iyo isu baahnaashaheena uu soo laabanayay, wax caajis ah oo igu jiray ma jirin, kama daaleyn la qaadashada waqtiga aan iyada la qaadanayo.
Qosol iyo sheeko iyo is dhex gal dareen ku jiro aanan muddo samayn ayaan samaynay, tani waa haweenayda isiisay 20 sano oo nolosheeda ka mid ah, waa haweenayda dhib oo dhan ila soo martay, waa tan iga dhigtay Alle ka sokow ninka aan ahay, waxay ahayd midda i dhistay dhan walba, la joogisteeda waxaan ku dareemayay in ay iga dhigayso nin adag oo dib isku helaya , ma ahayn ninkii jilicsanaa ee aaminsanaa in uusan fowsiyo maamuli karayn ama daryeeli karayn, arrintan igu sii kordhaysa ee dib u jeclaashaha Fowsiya ubax uma sheegin.
Ubax iyada cadaadis igumaba hayn, maqnaashaha aan ka maqanahayna waxay u haysatay nin howl culus oo dantooda ah ku maqan, waa sida aan ugu sheekeeyay bilowgii sheekada in aan ka takhalusayo fowsiya, maxaasa ii dambeeyay, bad jacayl ayaan dhex mushaaxayaa.
Fowsiyo ilaa yaraantaydi ayey i taqiin, noloshayda dhan ayey i taqiin ayaan dhihi karay, waxay ahayd Rugcaddaa ku xeel dheer sida la ii hantiyo
Markii aan ula imid furrin waa tan is dajisay oo arrinta dhanka aan ka eegay aan igala eegin, waa tan hantida aan usoo bandhigay inta iska diidday tii kale ay haysay iigu dartay kadibna iga codsatay hal bil oo nolol maaweelo aan u arkayay la jilo, aniga ayey maaweelo iga ahayd balse iyada waxay hubtay in ay ninkeeda dib u hanan karto, shaqsiyaddayda ayey taqiin, in ay dib ii hanato ayaa wax walba uga muhiimsanaa waana haysaa maanta taas, waa i kan aniga maanta dib ugu raaxeesanaya la jirkeeda, halka shalay aan ahaa mid kasii cararaya!
Waxay ahayd subax subaxyada ka mid ah oo ay dooranaysay labis ay ku aadi lahayd casuumaad nala casuumay, labiska ayey kala xulanaysay, waxay dooranaysay maraba marada ay ka yartahay aniga waan dareensanaa in ay qarinayso jirkeeda sii daciifaya, aniga oo la door is dhahaya dhinacna kala qufaya armaajada qaybta dharka ayaa usoo dooray labis aan jeclaa in ay ku labisato oo muddo aanan ku arag iyada oo ku labisan, waxay isku dayday in ay iska caabiso oo diiddo kulabisashadiisa balse waan ku adkaystay, markii ay gashatay waaba taa ku dhex dhacday ilaa ugu dambayntii aan ogolaaday in uu aad uga waynyahay dookhaygana maanta uusan shaqaynayn cabirka jirkeeda dartiis.
Waan u ogolaaday in marada ay doonto ku labisato aniga oo faraxsan su’aala badana is waydiinaya, wiisha ayaa igu yeeray runtii, fowsiyo caatanimadeeda markan in aysan caafimaad ahayn ayaan ogaaday, waxaa ii bilowday iswaydiin murugo leh mar walba oo sidaa u eego waan ka xanuunsanayay muuqaalkeeda, waxaana ii raacayay is waydiin aan is waydiinayo sida ku dhacday sidan?
Waxaan noqday oo dareemay in aan ahay nin qayru mas’uul ah oo aan ka warqabin qofka uu Alle hortiisa maalintii uu guursanayay ku balan qaaday in uu ka warqabayo dhib iyo dhiifkeeda.
Dhiifkeeda waan helay oo waan ka war qabay balse dhibkeeda sidee ku illaaway ayaan is waydiinayay, iswaydiin iyo is eegid ayaan iskugu noqday, maalintaas sidaas ayaan ku baxnay oo casuumaaddii ku aadnay, balse waxaan ahaa maqane jooge ah oo dadka muuqaalkiisa ay arki karayeen balse maankiisa uusan joogin.
Markii aan casuumaaddii kasoo laabanay waxaa igu sii badanayay ka fakarka aan kasii fakarayay fowsiya, Waran cadaab ah ayaa laabtayda ku dhacayay aan xanuunkooda la adkaysan la’ ahay, waxaan ogaaday in xaaskayga fowsiya ay qalbiga kala duugantahay xanuun iyo ciqaab kale sidee ku dhacday in aan ka warqabi waayo , misana intaas ugama sinin ee waxaan ugu sii daray cadaab iyo ciqaab kale aniga oo ka dalbanaya burburinta qoyska ay sidan dartiis u noqotay.
Aniga ayey i dhowraysay igana ilaalinaysay in aan hoos la’ aado xanuunkeeda dartiis haddii ay ii sheegto, markaas ayey go’aansatay in xanuunkeeda uu iyada ku ekaado anigana farxad ii ogolaato. Farxadda ay ii ogolaatay waxay noqotay in aan kibro oo u arko iyada mid i dayacday, waan sii kibroo naag ayaan sii damcay, taas dhib maba lahaateena iyada ayaan u arkay in ay caqabad noloshayda ku tahay oo ku tala gashanaa in aan iska hor wareejiyo.
Wadnaha ayaa i weynaaday in aan bahal nolosha ka dhacay aan noqday ayaan ogaaday, markan waa xagayga ma rabin in fowsiyo iga dareento murugadayda iyada ayaan ka qarinayay.
Waxaan goostay in aan waqti ka badan kan hadda aan sii siiyo si aan wax badan usii ogaado oo fowsiya aan xaalkeeda hoose usii galo, markan waxaa iga go’nayd in aan soo saaro waxa fowsiya sidan u cunay ee dhameeyay, way ii muuqatay in ay sii daciifayso maalin walba, waxaan go’aansaday in aan si qoto dheer usii ogaado xaalkeeda.
La soco qaybta 9aad
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Ekisyare@hotmail.comĀ 

Xabuu8@gmail.comĀ 

SHEEKOOYIN