Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybtii 10aad
Aniga oo warqadahayga sita ayaan kasoo jaqaafiyay xaafadda, subax xanuun badan ayey ii ahayd, aad ayaan isku cunayay iskuna canaanayay, is waydiintan badana waan is waydiinayay, maxaa igu dhacay, maxay ku dhacday sidan, maxaa laga soo sheegi doonaa fowsiyo, ma adiga oo ka fog ayey dhiman lahayd? su’aalo dhowr ah oo jawaab loo hayn ayaan is waydiinayay, aniga oo isla hadlaya ayaan dhaqtarkii u imid, maba sii daahin waxaan hordhigay warqadihii iyo daawooyinkii, markuu cabaar eegayay ayuu igu yiri “maxaad rabtaa in aad ogaato” isaga oo indhihiisa iigu muujinaya raja xumo iyo quus”
Waxaan ku iri waxaan rabaa in aan ogaado xanuunka qoftan ay qabto, dhaqtarkii ayaa i waydiiyay waxa aan isku nahay qofkan iyo halka ay joogto, waxaan u sheegay in ay xaaskayga tahay magaaladana ay dhinac ka joogto oo ila nooshahay.
Intii uu ii sheegi lahaa waxa haysta ayuu iwaydiiyay dhowr su’aalood oo sida ay dhacday sidan, maxaa dhacay oo uga warqabi wayday xaaskaaga, sidee ku dhacday qof kula nool heerkan inta uu garayo in aadan ka warqabin, qayru mas’uulnimo wayn ayaad muujisay, waa xaaskaaga yaa daryeelaya haddiiba aadan ka warqabi karin xaalkeeda?wax uu i canaantaba la yaabka uu ila yaabanyahayna ii muujiyo in qofkan ay xaaskayga tahay ayuu igu yiri “qofka intanba haddii ay nolol kusoo gaartay waa qof adag, xanuunka haya waa Cancer, heerkii ugu dambeeyay ayuu gaaray, waqtiga ay nolol ahaan haysatana wuu yar yahay”.
Xaalkayga sida uu ahaa Alle ayaa og, waxaaba ii sawirmatay in aan nolol kula gaareen fowsiya guriga, in aan ahayn nin mudan ciqaab tan ugu xun, aniga ayaa sheeganayay oo fowsiya dacwa ka ahaa, in ay i dayacday ayaan ku eedaynayay balse aniga ayaa dayacay iyadana aniga mooralkayga ayey ilaalinaysay.
Nolosha in aan ku uray ayaa ii muqato runtii, umana qalmo runtii in aan ninkeeda ahaado, nasiib darrada dhabta ah maanta fowsiyo ayey ku dhacday saa aniga nuucaas ah ayey i jeclaatay nina iga dhigatay walina kusii indha adagtahay in ay isii jeceshahay.
Dib ayaan iskula faqay, naftayday ayaan ka shakiyay wallaahi, xitaa waxaan gaaray heer aan is waydiiyo qofk aan ahay, xaqiiqdii xaq ayaan ka galay gabadhan, naftaydana ma cafin karo, waan ka xumahay wallaahi in aan nuucan noqdo, maxaa igu dhacay, yaa isoo inkaaray.
Aniga oo anfariirsan ayaan fowsiyo u imid, waxaana waydiiyay sababta ay iiga qarisay? jawaabta ay isiisay waxay ahayd ma rabin in aan ku dhibo farxaddaada iyo noloshaada oo caadi ah ayaa igala qiima badnaatay tayda in aan kuu sheego oo kugu dhibo.
Waan dadaalay oo meel walba waan tagay xanuunkan minka ayuu iiga bilowday balse caloosha ayuu usii gudbay, ismaba lahayn intan ayaad soo gaaraysa waasa ogaa in mar walba aan dhul dhici doono, waase ku faraxsanahay haddii maanta wiilkeena uusan fahmin xaalkeena, waqtigii aan kaa codsaday waad ii oofisay, hadda waad i furi kartaa, anigana waan faraxsanahay markan ujeedo walba oo lahaa waan gaaray.
Waad i furi kartaa aa!!! Aniga xaalkayga lamaba socotid meesha ay iga taagantahay, naf in aan kugu soo gaarayo xitaa uma haysan, maanta sida aan u walwalay, nolosha oo dhan ayaan nacay, xaqiiqtan maanta waddo aan ku bixi karo oo dunida uga tagi karo haddaan heli lahaa kama laabteen, ee iimaanka yar ee igu jira ayaan isku celshay.
Fowsiya iga raali noqo, waan ogahay in raali aad iga ahaato uusan xaaladda aad ku jirto waxba ka baddalayn, waan ka xunahay adiga oo xanuunkan la nool in dhibkaas oo dhan aan ku marsiiyo waliba furriin aan kaa dalbado, yaan ahay anigu, ma u qalmaa cafiskaaga, mase u qalmay in aad shalay waalidkaaga iiga soo go’do? Adiga haddaad i cafiso naftayda aniga ayaan cafin doonin.
Fowsiya waxaad iiga tagaysaa nabar noloshayda inta ka dhiman aan la noolaado, uma malaynayo in aan saafi u noolaan doono, xusuusta aan xaaladdan ka dhaxlay ayaan ii ogolaan doonin in aan nolol caadi ah ku noolaado.
Inta ku ooyay ayaan ku iri adiga ii jil ayaa tiri jacaylkeena hore, balse waxaan dhab u noqday ninkii aan ahaa, waa hore ayaan iska daayay furiinka inta noloshayda ka dhiman adiga ayaan kula joogayaa meel uma socdo, waxaan u sheegay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka Ubax iyo aniga.
Waxay igu tiri ubax waa mustaqbalkaaga ilma ayey kuu haysaa waana yartahay, anigana maalmo ayaa iiga harsan nolosha dunidan, fadlan ubax ilaali, wiilkeenana nin wayn ayuu noqday sii dhis noloshiisa, adiga ayaa dhalay ana waan kula dhalay waana kugu kalsoonahay, adiga ayaan kugu ogahay, orod oo ubax u tag, iina keen oo lasoo heshii, cafis iyo masaamax ayaana iga tahay.
Hadalda fowsiyo si ayey ii sii taabanayeen aniga oo murugaysan dambina dareemaya ayaan ubax ugu tagay gurigeeda, salaan iyo is nabdaysi kadib ayaan ku iri ubax i dhagayso fadlan waxbaan rabaa in aan kuu sheego.
Iyada oo i eegaysa, isna waalaysa oo qaylinaysa yaabanaan ay iga yaabantahayna muujinayso ayey igu tiri haye fowsiyo masoo furtay iyada oo wajigayga foolkiisa shanteeda farood iga saartay iguna riixaysa, halka ay kibir ka gaartay ayey igu sii tiri “ma qandhaa ku hayso, muxuu madaxaaga la kulul yahay”?
La soco qaybt 11aad
Qore : Mohamed Musa Sh.Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN