Waan ku dhashay, kuna dhimanayaa! By Amina Abdillaahi

images

Waan ku dhashay, kuna dhimanayaa!

Nuur, waxa uu ku dhashay kuna barbaaray, Magaaladda Nuqdisho, waxa uu la noola qoyskoodda.
Aabbaha dhalay nuur, waxaa la yidhaahdaa Aways, waa oday toddobaatan jira ah, gurigii uu ku dhashay ayuu weli deggan yahay oo ku yaala Xaafadda Kaaran.

Waxa uu ka mid yahay Odayaasha Xaafadda Kaaran, Aways wuxuu ku caan baxay Islaaxa iyo nabbadda, Bulshadda waxa uu ka wacyigelin jiray wax kasta oo Xumaan ah. Samofalka iyo wannaaga ayuu ku dardaari jiray Dadka.
Wax qabadkiisa iyo shaqaddiisa hufan darteed ayuu kula baxay magaca Aways Nabaddoon..

Nuur, waxa uu dhiggan jiray Jaamacad ku taala Dalka Suudan, waxa uu baran jiray Caafimaadka weliba qaybta Ilkaha.
Labba wiil oo nuur ka waawayna waxa ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed, weliba qaybta booliiska ee ka hawl gasha Gobolka Bannaadir.

Labadda wiil ee askarta ah mid ka mid ah oo la odhan jiray Carab waxa uu ku dhintay Qarrax Bambaano oo loogu aasay meel Waddo ah oo uu maraayay baabuurka ay saaraayeen. Waxaa goobta ku dhintay Saddex askari oo carab ka mid ahaa.

Goor Casarliiq gaabana oo cadceeddu sii dhacayso ayaa lala soo hadlay Aways, loona sheegay geeridda wiilkiisi Carab.Inkasta oo maydka carab uu googo’ay oo noqday Hilbo wadhan oo cadba meel laga soo qaaday. Haddana aways Geerrida wiilkiisu si xun ayey u taabatay, una saamaysay, oo Huq iyo hiirtaanyo ayey ku beertay.

Maadama uu maydku qurub qurub noqday, oo aan la maydhi karayn gurina aan la keeni karayn, waxa lagu tashaday in si degdega loo aaso. Aways wuu bud dhiggay wiilkiisi. salaaddii jinaasadana wuu kula tukaday jamacii..

Nuur, markii uu walaalkii dhintay, fasax bil ah ayuu ku yimid magaaladda muqdisho.Hooyo Caasho oo ah Xaaska Aways ayaa tidhi “wiilkayga Muxsin ee ciidanka ku hadhay, in taan la dilin sidii carab, askarta waan kala soo baxaya,balse arrinkaa waxa ay isku qilaafeen aways oo u diiday Muxsin inuu ka soo baxo ciidanka.

Away oo hadlaya ayaa yidh:”
“wiilkayga muxsin, waa askari qarankiisa iyo dawladiisa u shaqeeya, shacabkiisa iyo magaca dawladiisa ayuu difaacaa. Maanta haddan u yeedhano waxba maynu faa’iidin, oo kuwa kale ee dawladda ka soo horjeeda ayuu raacaya. Alshabaab ayaa qasab ku kaxaysanaysa, marka halkaa uu joogo meel u dhaanta ma jirto, ee xaajiyo dhiirigeli wiilkaaga, anigoo aways ah oo todobaatan jir ah Qoriga ayaan dheega ku qaadan, oo dalka waan xorayn, si aannu nabbad buuxada iyo degganaansho waara u helo, oo mar uun werwerli’i seexano,,

Caasho, markay maqashay hadalka aways ka soo baxay shib bay tidhi, Kalaam dambe kumay celin, meeshiina way iskaga dhaqaaqday, iyadda oo dhinac ka garawday, dhanna ka murugaysan.

Dagaalkii magaaladda muqdisho ka socday, wuu sii daba dheeraday. Waxaana
laysku garaacay hoobiyayaal, habeen saqdhexe, goor ay tahay saddexdii habeenimo, ayuu hoobiye ku habsaday gurigii aways, iskadda dad ka badbaadee, gurigii baa waxa uu noqday Dambas, gelgelin cidlo ah oo lagga guuray ayaad moodaysay. Aways, xaaskiisi caasha, iyo wiil iyo gabadh ay dhaleen ayaa goobtii ku qudh baxay oo dhintay.

Qoyskii balaadhna ee reer aways Xabbad baa dhamaysay, Xaqdaraa lagu xasuuqay, dadka masaakinta ah ee aan waxba galabsan. Dhiigooddaa la xalaashaday, sidii Adhi ulxo oo kale ayaa birta laga aslay sabab la’aan,
Qoyskii waxa ka hadhay Nuur iyo Muxsin.

Jaamacaddii wuu soo dhameeyay Nuur, waxa uuna dib ugu soo noqday magaalladdiisii, Inkasta oo ay dhibaato lixaad lihi soo gaadhay, oo midigtiisii, bidixdisii, iyo walaalihii ba uu waayay, xataa muu haysan Bayd ama Guri uu ku soo noqdo iyo cid uu u boholyooba toona. Dhibkasta oo soomaray, kamuu niyad jabin u adeegidda dalkiisa, waxyeelo kasta oo
soo gaadhay wuu ku samray.

Waxa uu wax ka baranaayay Dal xuddun u ah Tahriibka oo la sii dhaxmarayay. Nuur wuu la kulmay boqolaal dhalinyaro, ah oo tahriibayaal ah, balse hadafkiisu wuu ka waynaa tahriib, iyo waddamo shisheeye inuu u hayaamo.
Mabda’iisu waxa uu ahaa markaad waxbarashada dhamayso, ugu adeeg bulshadaaddii tamarta darnayd ee haadka iyo waraabuhu ka dhergeen.

Hamiigiisii wuu u rumoobay, hadafkuu nolosha ka lahaa wuu ka gaadhay. Qalin jebintiisi ka dib ayuu ku soo noqday magaaladda Muqdisho. isla markiiba waxa uu gudda galay hawlihiisi shaqo, waxaana uu furtay Isbitaal lagu daweeyo ilkaha.
Nuur waxa uu wacad ku maray inuu dalkiisa u shaqaynayo xataa haduu ku waayayo naftisa qaaliga ah. Waddamo shisheeye oo nabdoon, inuu u cararo wuu diiday, waxa uu yidhi “dalkan ayaan u dhashay, wax na u soo bartay, Isaga ayaan ku dhashay kuna dhimanayaa.
W/Q: Amina Abdillaahi

SHEEKOOYIN